Waa gabay uu abwaanku isku difaacay mar ay haweenay u qabsatay wax Alla wixii godob ahaa ee ay Daraawiish ka tirsanaysay. Waxay ku eedaysay inuu col galaa-bixiyey oo uu qoyskeeda caydh iyo dawarsi baday kadib markii uu rag badan ka laayey xoolo badanna ka qaaday isagoo Daraawiish hor kacaya. Haddaba isagoo haweenayda tusaalaynaya una sheegayana inuusan mas’uuliyadeeda qaadi karin dhibkay Daraawiishi ku fashay raaskeeda ayuu Darwiishku yidhi:

Gelin dhexe xalaan Maxamadow, geyrtay oo kacaye
Gam’ina waayey hadalkay i tidhi, gacallow naagtiiye
Adigay gabley tidhi markaad, gaaska wadateene

Waxay tidhi adaa igu gondolay, garangartaan iile
Waxay tidhi aday guridhigoo, ma lihi gaadiide
Waxay tidhi adaa gelengel tubay, garayartaydiiye

Waxay tidhi guyaalkii adaa, gaajo ii dilaye
Waxay tidhi gurboodkii adaa, geesaha dhigaye
Guhaadeeda aan jirin bal aan, gabay ka soo qaado

Gumburo iyo Cagaarweyne iyo, geedkii Daratoole
Goobtii Jidbaaliyo Xargaga, guuldarradii joogtay
Gembigii ka dhacay Ruuga iyo, gudurigii haagay

Gabooddeeda Beerdhiga wixii, la isku gooraamay
Maydkii gabraday seerigay, Good ku tumanaysay
Gawarkaad maraysaba laftaad, galayaxaa mooddo

Ogaadeenka gaanka ah wixii, geydho laga qaaday
Iiddoor cayuun godan wixii, gelin la waydaarshay
Shirshooraha gudbani cayrdh, wuxuu gorof la meeraystay

Gadhcas iyo Majeerteen wixii, guuyo laga dhaarshay
Gob ninkii ahaan jirey wuxuu, gibil madoobaadey
Giddigiis naflaa’iga wixii, gobolba meel aaday

Dayuuradaha gowliyo wixii, samada guuraayey
Daarihii gelgelintaa noqdiyo, gebiyadii ciiray
Wixii guuldarriyo hoog ka dhacay, dunida guudkeeda

Gembiyo jahaadkii arlada, gaday wixii joogay
Gaaliyo Daraawiish wixii, uunka kala gaadhay
Keligey ma wada geysannine, la isku geeryooye

Geyigii rogmaday oo dhan baad, guudka ii sudhiye
Waxbana hay gurraynine dembaad, galabsanaysaaye
Gartaa maaha naag yahay inaad, ii gilgilataaye

Gashi kaama qabo oo ma layn, gabannadaadiiye
Gambana kaama furan baan u fili, gulufyadaydiiye
Naa gefkiyo beenta daa yaadan gelin, godadkii naareede

Murtiyosuugaan

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo