Wuxuu yidhi:
Dabkaad hurisay Cali Aadanow dogobbadaad oogtay
Dambaaburada aad ololisiyo dirirta guusheeda
Maandhow Daryarey noogu timid dacawigaagiiye
Inkastoo dalkii kala fog yahay hadalku soo duulye
Dabaylaha xagaagii dhiciyo dowlahaa sidaye
Kumana diirsan maansadu hadday dunida aafayne
Duunkaaga kuma suubbanayn diradiraaluhuye
Allaylehe denbaab lama hadlee kulama doonayne
Dalkoo nabad ah baad uumiyaha belo la doontaaye
Dal dhan buu gubaa qaraf yaroo duur la geliyaaye
Dooxooyin idil bay xushaa digo hulaaqdaaye
Inkastoo diciif yahay naflaha ama la daaduunsho
Inta daamankiisu is hayaan anafo daynwaaye
Deeq iyo markuu nabad heluu daawo furayaaye
Markii aan Daraawiish jirneed nagu duqeyneysey
Nama duufsan Shiikh Maxamedkii duubka noo xidhaye
Annagaaba diintiyo sharciga daalib ku ahayne
Dammanaansho nimankaad biddaye doqon ku sheegeysey
Cawlkii la dabay oo middida dabaxda loo waayey
Oo qoday birtii lagu dig dhabay kuugu duurxula’e
Allaylehe dadkii kugu danniyay waaba kuu digaye
Afartaa ma daaldaalinee daw ma ku hagaajay
Dadku muranyey wiilyahow miyaan deri-dhaclaysiiyey
Dubbahaan la dhacay sow finiin kaga ma duulduulin
Dacwad kalena waan odhanayaa bal aan daliigeeyo
In Qamaan ka diday waan ognahay diirnixii gabaye
Laba dibi midkii baqanayaa ways dalliciyaaye
Dinnaahyada horaa laga gartaa deyrka kii jebine
Intuu dabada meermeeriyuu dadab u boodaaye
Weligiiba dagaal kuma xerayn deleb Ogaadeene
Dalkaa nabad ahaan jiray markuu daaddahayn jiraye
Duqoodii horaa lagu ogaa inu danqaataaye
Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneed leh
Oo awrku doobbinahayaa Deleb ku qooqaayo
Daahyaale geelii la helay dalawadii meertay
Markii dabafurkii laysku helay lagu darbaysiiye
Daya eeyda iyo qaalmihii soo durdurinaayay
Ee doonka laga laynayiyo dumarka ooyaaya
Dar ku rogidda goortii horweyn laga durduuraayo
Sidii duul goboo shirey markay wada dekeynayso
Dig markay tidhaahdee fushaa daya tidhaahdaane
Dab rasaas ah iyagoo sitey dacas la jiifaane
Dagaag magangelyo ah baannu nahay daa’imaa odhane
Xaqoodii hadday dabagalaan kuma dambaabeene
Afartaa ma daaldaalinee daw ma ku hagaajay
Dadku muranyey wiilyahow miyaan deri-dhaclaysiiyey
Dubbahaan la dhacay sow finiin kaga ma duulduulin
Dacwad kalena waan odhanayaa bal an daliigeeyo
Doqontaa intaad diri lahayd adigu maad duushid
Oo didisid geelaa fadhiya Doollo dhinaciisa
Oo dumar-la-moodkii lahaa daacad ugu geysid
Waxaa la sheegay in Darwiishku ka qoomameeyay gabaygan oo uu u arkay inuu afxumo iyo dicaayad yahay arin qabyaaladeedna ku salaysan.