Awoodda ugu weyn ee aadamuhu leeyahay ma ahan tan muuqata ee gacmaha ama Jidhjilka laga arko, ee waa tan ku qarson maanka iyo qalbiga. Si kasta oo ay xaaladaha kaaga taagani u adag yihiin, waxaad leedahay karti iyo tilmaamo kaa caawin kara in aad beddelo jihada noloshaada. Haddiise aad marka hore ka shakido awooddaada, adduunku waligiis kuuma aqoonsan doono waxa aad tahay. Furaha ugu horreeya ee furaha albaabada guusha waa Rumaynta Nafta.

Guushu waxay ka dhalataa marka uu qofku garawsado in xuduudaha hortaagan oo dhan ay yihiin kuwo uu maankiisu dhismay. Marka aad leedahay “Mawduucan ama hawshan ma qaban karo,” ama “Heerkaas ma gaari karo,” ma ahan xaqiiqo jira, ee waa xuduud aad adigu naftaada u samaysay.

Beddelidda Fikirka Waa Beddelidda Nolosha

Beddelidda nitaaqada noloshaada waxay toos u khuseysaa marinka aad u fakarayso. Maanku wuxuu u shaqeeyaa sida beeraha oo kale: waxa aad ku beerto ayaa ka soo baxay. Haddii aad ka buuxiso maankaaga cabsi, shaki, iyo aaminaad ah in aad tahay qof xaddidan, natiijada noloshadaadu waxay noqon doontaa mid xaddidan. Laakiin marka aad beddesho fikirkaaga—oo aad shakiga ku beddelo kalsooni, cabsida ku beddelo dhiiranaan—waxaa markiiba beddelma jawaabaha aad ka bixinayso caqabadaha nolosha.

Qofka rumeysan awooddiisa dhiirran ma ahan mid aan ka cabsanin fashilka, ee waa mid garanaya in fashilku uusan ahayn qofkiisa, ee uu yahay kaliya dhacdo maaddadaas ku saabsan. Wuxuu garanayaa in fikirka togan uu yahay shidaalka dhaqaajiya ficilka dhabta ah.

Ka Talaabso Xuduudaha Raaxada (Comfort Zone)

Dad badan waxay ku hammaiyaan isbeddel mawjad weyn oo nolosha ah, laakiin waxay weli ku jiraan gudaha nitaaqada raaxada—meesha ay ku kalsoon yihiin ee aan lahayn wax halis ama imtihan cusub ah. Xuduudaha raaxadu waa meesha ay riyooyinku ku dhintaan.

Sida geedka baalkiisa sare u taago markuu helo iftiin iyo carro nafaqo leh, adiguna waa inaad ka talaabsataa xuduudaha cabsida si aad u muujiso awooddaada dhabta ah. Ka talaabsashada xuduudaha waxay ka maarmaan tahay:

  • In Aad Waajahdo Cabsida: Waxa aad ka cabsato marka aad toos u waajahdo, waxay waayaan awooddii ay ku maamulayeen noloshaada.
  • In Aad Dumiso Aaminaadaha Xaddidan: Ha ku xidhin kartidaada fikradaha ay dadka kale ka leeyihiin ama weedhaha hoose ee aad naftaada u sheegto.
  • In Aad Naftaada Aaminto Marka Wax Walba Adkaadaan: Kalsoonida dhabta ah ma ahan marka wax walba ku habboon yihiin, ee waa marka wax walba adag yihiin oo aad weli leedahay “Waan ka bixi karaa iyada.”

Dabka Dhexdaada Ka Shiddan

Waxaa jira awood dhexdaada ku duugan oo bixisa baalasha adkaysiga iyo curinta. Awooddaas ma dhalato inta aad dhoofayso jid bilaa imtihan ah, waxay dhalataa marka aad naftaada geliya caqabado cusub, markaad baranayso maadooyin adag, markaad qorayso ama curinayso wax cusub, iyo marka aad qaadayso mas’uuliyad ka weyn tii aad hore u qaadi jirtay.

Mar walba ogoow: Habka aad u fakarayso ayaa dhisaya nitaaqada noloshaada. Marka aad beddesho habka aad fikirka u maamusho, waxaad si toos ah u beddeli doontaa aayahaaga, waxaanad ka talaabsan doontaa xuduud kasta oo hore ku xaddidi jirtay.


Qalinkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

error: Halkan kaga boggo