Sinnaba looma inkiri karo in bilicda iyo qaab-dhismeedka jidhka bini’aadamku ay yihiin mawduucyo soo jireen ah oo fac weyn. Dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan suugaanta, waxay si qoto dheer u jaysay xeerarka iyo halbeegyada gabadha joogga suuban. Dhanka kale, sayniska casriga ah ee caafimaadku wuxuu bixiyay halbeegyo qiyaasan oo qofka tusaya caafimaadka jidhkiisa.
Haddaba, xiriir mase is-khilaaf baa ka dhexeeya indhaha maansada Soomaaliyeed iyo cabbirada caafimaadka ee dunidan maanta?
1. Dhererka iyo Joogga: Laan Qoray vs. Cabbirka dhererka suuban
Suugaanta Soomaaliyeed waxay waligeedba bogaadin jirtay gabadha dheer ama dhexdhexaadka raran ah, iyadoo gabadha gaaban aan aad loogu badin jirin amanta maansada. Abwaanadu waxay dhererka ku mataali jireen geedaha ugu hufan dhulka.
Abwaan Cumar Ismaaciil Digeed Aan dib u majeerano suugaantayda; Mar aan aad ugu dheeraaday inaan amaano gabadh aan sawirtay oo ay u dhamaayeen inta haween lagu qaataba ayaan maanso dheer curiyay waxaan ka soo qaadan oonaa meerisyadan yar ee dhererka wanaagsan khuseeya.
Dhamooy dhiihiyo Ilwaadka.
Dhamayska jidhkaaga muuqa.
Tilmaan dhidib-sami hubqaadka.
Ilaah u dhameeyay jooga.
Waxaad dheertahay haweenka.
Ogoow waa dhaqanka suuban.
Aragtida Caafimaadka: Sayniska casriga ahi wuxuu leeyahay dhererku waa hidde (Genetics), laakiin wuxuu fure u yahay structural balance (isku-dheelitirka lafaha). Cilmu-nafsiga iyo caafimaadkuna waxay u kala saaraan dhererka dheddigga saddex heer oo mid kastaaba leeyahay miisaan u gaar ah oo la isku habayn karo:
- Joogga Dheer (165 cm ilaa 172 cm): Hiddaha Soomaalidu u bixiyeen “Joogga fiyoow”. Wuxuu caafimaad ahaan u sahlaa jidhka inuu miisaanka u qaybiyo si isleeg, taasi oo ka ilaalisa laf-dhabarta culayska xad-dhaafka ah.
- Joogga Dhexdhexaadka ah (160 cm ilaa 164 cm): Waa dhererka ugu badan ee deggen, jidhkuna si fudud ayuu u maarayn karaa firfircoonida iyo isku-dheelitirka muruqyada.
- Joogga Gaaban (150 cm ilaa 159 cm): In kasta oo aan amanta maansada lagu weyneyn, caafimaad ahaan gabadha gaaban waxay leedahay faaiido dhinaca lafaha ah; culayska jidhku dhulka ayuu u dhow yahay (Low center of gravity), taasi oo ka dhowrta dhibaatooyinka isku-dheelitirka iyo dhicitaanka marka ay da’du weynaato.
2. Dhexda Yar: Saacadda Ciidda (Hourglass) iyo Hormoonnada
Dhexda yar waa halka ay ku kulmeen gabayadii ugu badnaa ee Soomaalida. Gabadha dhexda yar waxaa loo arkayay astaan debecsanaan, xarrago, iyo bilic sarreysa.
Isla Abwaan Digeed Maqaalkan waxaan idiinku hoga tusaalaynayaa qaybo ka mida suugaantayd maxaan ka yiri dhexda yar ragba wax ka soo dhehye:
Dhexda yari kalgacal dheeriyo, xiiso igu dheehday
Kolkii aan dhugtaba caashaq baa, dhiiga ii xula’e
Hadmaan dhabanadeed qaban, adoo ii dhaxdina heedhe.
Aragtida Caafimaadka: Kani waa halka ay ku kulmaan suugaanta iyo sayniska si mucjiso ah! Sayniska casriga ah wuxuu sheegaa in saamiga dhexda iyo sinnaha ee dumarka (Waist-to-Hip Ratio) oo ah agagaarka 0.7 (dhexda oo aad u yar, sinnaha oo ballaran) ay tahay astaanta ugu weyn ee muujisa in gabadhu leedahay hormoonka Estrogen oo aad u sarreeya. Hormoonkani wuxuu ka ilaaliyaa xanuunada wadnaha, wuxuuna muujiyaa dhalmo-wanaag dabiici ah.
3. Miisaanka: “Hilib San” vs. Cabbirka BMI
Dhaqankii hore ee Soomaalida, caatada xad-dhaafka ah waxaa loo arki jiray daciifnimo, cayilka weynna waxaa loo arki jiray culays nolosha miyiga ragaadiya. Sidaas darteed, waxa la amani jiray gabadha jidhkeedu buuxo, laakiin hilibkeedu yahay mid adag oo nafaqo ka muuqato (Misaanka Lg).
Sida uu yiri abwaanku waa isla abwaankiiye ‘Digeed’:
Muduc maaha caatoo lafuhu, ay ku mudayaane,
Miisaan u dhalad weeye iyo, muunadii dumare.
Jidhka hilibku midhif tiray in badan, muhasho ii jiidye.
Hadmaan inanyey meelaynaynaa, caashaq marinkiisa.
Aragtida Caafimaadka: Caafimaadka casriga ah wuxuu isticmaalaa halbeegga BMI (Body Mass Index) si loo helo miisaanka saxda ah ee u dhigma dherer kasta, si jidhku u haysto baruur ku filan oo uu ku soo daayo hormoonnada, balse aanay gaarsiisnayn heer cayil (Obesity).
Halkan waxaa ku cad isku-habaynta miisaanka iyo dhererka ee caafimaadka qaba:
| Nooca Joogga | Dhererka (cm) | Miisaanka Caafimaadka Qaba (kg) |
| Gabadha Gaaban | 150 cm – 159 cm | 43 kg ilaa 58 kg |
| Gabadha Dhexdhexaadka ah | 160 cm – 164 cm | 50 kg ilaa 64 kg |
| Gabadha Dheer | 165 cm – 172 cm | 55 kg ilaa 72 kg |
Gunaanad iyo Isku-duubni
Markaan u kuur-galno labada dhinacba, waxaan ogaanaynaa in odayaashii hore ee Soomaaliyeed iyo abwaanadii suugaanta tiriyay iyo Abwaaniinta hada jooga qaarkood ay ahaayeen “dhakhaatiir aan koodhka cad u xirnayn.” Cabbirada ay isku raaceen ee quruxda dhexda yar, joogga suuban, iyo hilibka san ee aan cayilka ahayn waa isla halbeegyada ay maanta dhakhaatiirta casriga ahi u yaqaanaan “Jidhka Caafimaadka Qaba ee Isku-dheelitiran.”
Ugu dambayn, quruxda rasmiga ahi waxay ku dhalataa kalsoonida, daryeelka jidhka iyadoo la adeegsanayo jimicsiga, iyo nafaqada saxda ah ee dherer kasta iyo miisaankiisa isku habaynaysa.
Kaydintii Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii iyo tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed