Hordhac:

Qalinka uma qaadan inaan ku xardho hadal-tiro, khiyaali iyo is-yeelyeel, mana aha erayadan mid aan u keenay inaan ku madadaaliyo dareenka ama aan ku qurxiyo bogagga buugaagta Mareegtayda. Waxaan ku qorayaa xaqiiqo dhiig leh, oo ka turjumaysa ilmo qubanaysa iyo xanuun wehel u noqday dadkeenna iyo gayigeena. Nabaddu ma aha raaxo la doorto ama hanti la kaydsado marka la hodanka yahay; ee waa neefta iyo laf-dhabarta jiritaanka noolaha oo dhan.

Haddii la waayo nabad, ma jiro barwaaqo la tabanayo ama badhaadhe la tiigsanayo, ee waxaa si tartiib ah u dumaya dhismihii nolosha, ilaa la gaaro heer dib loogu laabto asalkii dhoobada ahaa ee laga abuurmay. Rajo kasta oo la unkay, hami kasta oo dhalinyaro leedahay, iyo mustaqbal kasta oo la hiyi-kicayey waxay noqonayaan hungoow iyo dambas ay dabayshu qaaddo. Sidaas darteed, nabaddu ma aha wax la sugo, ee waa in loo kaco, loo guntado, oo loo huro naf iyo maal si loo badbaadiyo inta aan la dabar-gomin.

Qiimaha Nabadda: Tiirka Jiritaanka Noole

Ma jiro aduunkan dushiisa wax goyn kara qiimaha nabaddu leedahay; ma laha miisaan lagu dhareriyo, lamana soo iibin karo marka la waayo. Nabaddu waa iftiinka wehelka u ah indhaha; haddii ay meesha ka baxdo, aduunka oo dhan ayaa madoobaada. Jiritaan kasta oo aadanaha iyo noolaha kale leeyihiin—ha ahaato horumar, aqoon, caafimaad, hanti, ama qoys—wuxuu si toos ah u hoos yimaadaa hooska qaboob ee nabadda.

Markay nabaddu weydo meel ay ku hoos hirato, xadaaradaha waaweyn waxay noqdaan baaba’, magaalooyinka quruxda badanna waxay isu beddalaan xabaalo la dhex tamariyo. Nabadduna waa aasaaska koowaad ee wax kasta oo dushiisa lagu dhiso nolosha dhabta ah; la’aanteedna, xitaa cibaadadu ma laha xasilooni, duniduna waxay isu beddashaa hawd ay dugaaggu isku dhiig-miirtaan.

Baaq Nabadeed oo Ku Socda Umaddayda Soomaaliyeed Dhamaanteed

Waxaan baaq nabadeed oo miisaan weyn leh, oo ay weheliso oohinta hooyooyinka iyo mustaqbal-seegga ubadka, u dirayaa idil ahaan Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan—bari, galbeed, koofur iyo waqooyi: si gaara meelaha colaaduhu hada ka jiraan

  • Dhiga Qoriga: Waa in la dhigaa hubka iyo qoriga dhiigga ku dhex qubaya walaalaha, ee guranaya badbaadadii iyo mustaqbalkii dalka. Qorigu idinma difaaco, ee isaga ayaa idin dabar-goya.
  • Doorta Qalbiga iyo Aragtida Suuban: Ku dhiirada inaad maanka iyo garashada saliimka ah ku hoggaamisaan masiirkiinna. Kala garata cadowga dhabta ah iyo walaalka dhiiggu naga dhexeeyo.
  • Ku Daba-fayla Badbaadada: Aan u wada istaagno, una mowno dhabbada nabadda si loo badbaadiyo dhiigga, sharafta, iyo mustaqbalka ubadkeenna ee sii lumaya.

Digniin Waafi Ah oo Ka Xun Sifeyn kasta

Haddii kale, haddii laga waantoobi waayo colaadda, qabyaaladda, iyo kala-qaybsanaanta aan micnaha lahayn ay keeneen, aan u diyaar-garowgno baaba’ dhammaystiran iyo halaag weyn oo aan cidna ka fakan doonin. Haddii aan maanta la joojin ilmada nabadda ee qubaysa, berrito ma jiri doonto umad dambe oo loo ooyo. Badbaadadu waxay ku jirtaa gacanteenna Alle ka sokoow, nabadduna waa furaha kaliya ee inoo haray si aan u sii jirno. Qof kastaa dhankiisa wixii uu ku tari karo nabadda how kaco ma jirto wax dib loo dhigan karaa, hadii dib loo dhigo wanaaga maskaxdaada ka guuxaya way sii xumaanaysaa uun.


Ilaahoow Marag Baad Ka Tahay.


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

error: Halkan kaga boggo