Hordhaca Gabayga: Magligii Bidcadda

Magligii Bidcadda waxaa tiriyay Caalimkii waynaa ahaana Muftiyada Islaamka qori-horaadkoodii Sheekh Cabdirisaaq Sheekh Axmed Yaasiin, oo ku suntanaa Caqiido saxan oo badhax la’, Cilmi nuurul-farqi leh iyo Caarifno xeel-dhowrsan.

Waxa uu ahaa Mu’alif suugaanta ku curiya luuqado badan, isagoo hodan ku ahaa Luuqada Af-Soomaaliga iyo Luuqada Carabiga oo ula mid ahayd.

Alle ha u naxariistee, Sheekhu waxa uu ka soo jeeday qoys lagu yaqaanay cilmi iyo tusaale-wanaag, kuwaas oo caan ku ahaa faafinta diinta Islaamka. Caalimku waxa uu nooga tegay dhaxal diineed oo mug leh, isagoo cimrigiisii ugu deeqay u adeegidda diinta iyo jidka toosan.

Dulucda Gabayga

Haddii aan u kuurgalno nuxurka gabaygan, waa mid ku raddiyaya bidcada, isagoo jawaab dhaxalgal ah u ah hal-abuur isku dayay inuu marin-habaabiyo bulshada Soomaaliyeed. Sheekh Cabdirisaaq waxa uu gabaygan ku muujiyay qodobo masiiri ah oo u baahnaa in dadka looga digo, si looga badbaado halaagga iyo baadiyaha; waana sababta ugu weyn ee dhalisay curinta suugaantan xambaarsan xujada iyo xaqiiqda.


Magligii Bidcadda: Waxa uu gabaygu ku bilaabmayaa sidatan:

  1. Mada gabayga nimanyahow beryahan, waanigaan marine.
  2. Mir buu xalayto ii yimid, sidii mowjad oo kala’e.
  3. Magligii bidcada dooxayaan, midigta haystaaye.
  4. Aan magowsho caawoo kaluu, muunad leeyahaye
    ————————————————–
  5. Yaan madaxa liiliijay baad, tiro makhruunoowe.
  6. Macno maadan keenine cidlaad, soo macaac tiriyey.
  7. Inaad Nabiga maagaysay baan, meesha ka cadayne. (Scw)
    ————————————————–
  8. Minbarkiisa Nabigoo dul koray, mahad Ilaahaye.
  9. Madaxiyo jidhkuna wada ruxmeen, oo xadrada muujay.
  10. Muslin iyo bukhaaraa warshoo, weyska Moog tahaye.
  11. Mirir baa qabliga kuu hurdoo, diintii kaa maraye.
  12. Makhruun yahow ka leef jaahil yahow, aan midhna aqoonin.
    ————————————————–
  13. Qabri yaa dul mowliidsadaad, tiri makhruunoowe.
  14. Macno maadan keenine cidlaad, soo macaac tiriye.
  15. Inaad Nabiga maagaysay baan, meesha ka cadayne. (Scw)
    ————————————————–
  16. Siyaarada Rasuulkaa maskumay, oo mirtow gudaye.
  17. Maantuu Rasuulkii qabriga, dhinac majaaliisay.
  18. Midigta bidix asxaabtuna fadhiga, meeris laga yeelay.
  19. Maantuu Quraaanka u akhriyay, ee wacdiga meershay.
  20. Muslin iyo Bukhaaraa warshoo, weyska moogtahaye.
  21. Mirir baa qalbiga kuu hurdoo, diintii kaa maraye.
  22. Makhruun yahow ka leef jaahil yahow, aan midhna aqoonin.
    ————————————————–
  23. Madadkiyo manaaqiibtu waa, diinta madaxdeede.
  24. Mowlaha Ilaah baa ku yidhi, maaidiyo saade.
  25. Maryamiyo Alkahf-toona waa, kaa madowdahaye.
  26. Muslin iyo Bukhaaraa warshee, weyska moogtahaye.
  27. Mirir baa qalbiga kuu hurdoo, diintii kaa maraye.
  28. Makhruun yahow ka leef jaahil yahow, aan midhna aqoonin.
    ————————————————–
  29. Mowliidka waa adiga inkira, maalin iyo layle.
  30. Masjidkii Rasuulkoo badnaan, laysku mari waayay.
  31. Maantuu Ixsaan Nabigu yidhi mari, amaantayda.
  32. Maantay asxaabtii dhamaan, maxaba oo yeysay.
  33. Munaafaqa iyo gaalada markii, lagu madoobaaday.
  34. Muslin iyo Bukhaaraa warshoo, weyska moogtahaye.
  35. Mirir baa qalbiga kuu hurdoo, diintii kaa maraye.
  36. Makhruun yahow ka leef jaahil yahow, aan midhna aqoonin.
    ————————————————–
  37. Markan sheegay waxay diiday, ee ay marisay diinteenu.
  38. Munaafaqa dar aad keentay baan, midhadh ka faalayne.
  39. Maalkii dadwayaheed cuntee, malafsatee raacday.
  40. Magowsiga cashuurtaad liqdee, mala xalaalaysay.
  41. Muuminiintan aad laysayeed, waliba khayr mooday.
  42. Midh timir ah oo uu yuhuud, magansi kuu siiyay.
  43. Maalin iyo habeen lacagtan uu, gaalku kugu miisay.
  44. Muslimiintu inay kugu jeclaan, how malaynina’e.
  45. Mool naara bad dalaq ku tiri, maanka laga qaadaye.
  46. Makhruun yahow Insha Allaah dhakhsaa, Eebe kuu madhine.
    ————————————————–
  47. Markaad waalidkaagii ku dhalay, gaal ku magacowday.
  48. Meher iguma dhalin aad ku tiri, maragna aan haysto.
  49. Markhaatiga inaad garac tahaad, maandhoow ii furiye.
  50. Mufsidnimadan aad keentay iyo, muran yahuudeedka.
  51. Muslimiintu inay kugu jeclaan, how malaynina’e.
  52. Mool naara bad dalaq ku tiri, maanka laga qaadye.
  53. Makhruun yahow Insha Allaah dhakhsaa, Eebe kuu madhine.
  54. Gadhankan maydhahee bixiyee, midiba meel aaday.
  55. Macwuusiyo surwaal laaban iyo, madaxa oo xiiran.
  56. Maryahaad haweenka u xidhee, digada maansheeyay.
  57. Markuu dumo habeenkuna kolkaad, sino maquursiisay.
  58. Muslimiintu inay kugu jeclaan, how malaynina’e.
  59. Mool naara baad dalaq ku tiri, maanka laga qaadye.
  60. Makhruun yahow Insha Allaah dhakhsaa, Eebe kuu madhine.
  61. Is mirqaamintaadiyo markaad, aayad marinaysid.
  62. Miisaalka sida heesta aad, ugu madiixaysid.
  63. Macnaheeda ood aragtid aad, daba-martaynaysid.
  64. Xaqoo muuqda maroor daalinkiyo, qudhun malookaynta.
  65. Muslin kaadhkii soo xidhashadii, magac ku doondoonka.
  66. Maxabaan qalbiga kaaga jirin, uunka maqashiinta.
  67. Muslimiintu inay kugu jeclaan, how malaynina’e.
  68. Mool naara baad dalaq ku tiri, maanka laga qaadye.
  69. Makhruun yahow Insha Allaah dhakhsaa, Eebe kuu madhine.
    ————————————————–
  70. Mufti shiikha adigoon wax baran, Muran la doodkaaga.
  71. Muxaadaro laguu sheegay xalay, mudh isla siintaada.
  72. Mustaxiil shareecada wax ku ah, dheeh marmarintaada.
  73. Midabaynta aad keentay iyo, hadal macaanayska.
  74. Mowlaha Ilaah iyo adoon, maagay Nabigiiba.
  75. Muuminiin xaq wada baanu nahay, uunka maqashiinta.
  76. Muslimiintu inay kugu jeclaan, how malaynina’e.
  77. Mool naara baad dalaq ku tiri, maanka laga qaadye.
  78. Makhruun yahow Insha Allaah dhakhsaa, Eebe kuu madhine.
    ————————————————–
  79. Markaad buug cad soo qaadateed, beenta marinaysid.
  80. Markii aad Ilaah baa gacmo leh, Muran ku doodaysid.
  81. Mid ma taro Rasuulkaad ku tiri, maydna kama roona.
  82. Mad-habkan aad diiday iyo, Madaxdii diinteedba.
  83. Murankaad gidaarada jirida, meel xun kaga tuurtay.
  84. Maatooyinkiyo jaahilkaad, Marin habowsiisay.
  85. Muslimiintu inay kugu jeclaan, how malaynina’e.
  86. Mool naara baad dalaq ku tiri, maanka laga qaadye.
  87. Makhruun yahow Insha Allaah dhakhsaa, Eebe kuu madhine.
  88. Makhruun yahow Insha Allaah dhakhsaa, Eebe kuu madhine.

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii iyo Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

error: Halkan kaga boggo