Hordhaca Gabayga: Kuman Asraarleey

Gabaygan qiimaha badan oo loogu magac daray “Kuman Asraarleey”, waxaa tiriyay abwaanka weyn ee Saalax Xaashi Carab. Abwaanku wuxuu tixdan kaga sheekaynayaa taariikhdii iyo raadkii Sheekh Muxamed Rabiicu-Diin Binu Sheekh Yuusuf (R.C).

Sheekhu wuxuu ahaa caalim weyn, caabid suuban, iyo caarif dunida ku saaqay nuurka iimaanka, isagoo saameyn mug leh ku lahaa Geeska Afrika, gaar ahaan geyiga Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa aabihii arwaaxda saalixiinta iyo hoggaamiyihii ummado badan oo rumeeyay Rabbigood.

Kaalinta iyo Shakhsiyadda Sheekha:

  • Hanuuniye: Wuxuu ahaa macallin malaayiin makhluuqaad ah u horseeday jidka hanuunka iyo hodantinimada diinta Islaamka.
  • Aasaase: Wuxuu ahaa rukunka iyo aasaasihii Dariiqada Rabiiciya, taas oo maanta ku fidsan daafaha dunida.
  • Tilmaanta Sabanka: Wuxuu ahaa “Gugii Diinta”, nuurkii iyo raxmadii nasriga Diinta, isagoo ahaa Qudbu sabankii weynaa.

Abwaanku wuxuu gabayga gudihiisa ku xusayaa sifooyinkii suubanaa iyo karaamooyinkii Alle ku galladay Sheekha. Inkasta oo gabaygani uusan wada koobi karin taariikhda ballaaran ee Sheekh Muxamed Rabiicu-Diin, haddana waa mid kuu iftiiminaya raxmadda iyo sarraynta uu Rabbi ku manaytay.

Taariikhda iyo Halqabsiga:

Abwaanku wuxuu tixdan tiriyay 01-Jan-2000, isagoo ku halqabsanaya mid ka mid ah xerta Sheekha oo lagu magacaabo Mahdi Aw Axmed.

Wuxuu gabaygu ku bilaabmay asalkiisa sidan:-

  • Abwaanimo kolkii aan mahdoow, eegay cidhibteeda
  • Ama aan u fiirsaday in badan, gabay anfaaciisa
  • Abdo male midkii aan khalqigu, ku inti faacayne.
  • Aqdaabtiyo ab raacii cilmiga, sheekhyadii aradka
  • Aqoonyahano Allahood dartiis, dowga ku ilaashay
  • Ayaa abdi Ilays noo ahaa, aadmi beegsado’e.
  • Agabarid qalbiga oon jacayl, Eebe ugu hayno
  • Iyagaa Udgoonaha na baray, Nabiga aalkiise
  • Allahayoow Abaal mari kuwii nuurka nagu aadshay.
  • Anna amarka Sheekhaan mahdoow, eeg isleeyahaye
  • Aqoontay kolkii aan ibday, aad isku xilqaamo
  • Awoodlaha Rabay kaalinoo, aamintay kabiye.
  • Afartaas markaan idhi markaan, ararta soo gaabshay
  • Adoon-sami markii aan afkiyo, uurka ka cadeeyay
  • Aqbal dhiibad ashahaadadaan, ugu horaysiine.
  • Allaahu akbar Eeboow qiraal, dhab u ahaantaada
  • Ilaahoow Ilaah kale ma jiro, adiga mooyaane
  • Axmed inuu Rasuulkaaga yahay, baanu aaminaye. (SCW)
  • Aqbalnoo malaa’igaha aad, uuntay baa jira’e
  • Arwaax boqola afartii kitaab, eed arlada keentay
  • Ayaan dhami adeecnoo waxyigu, waa oraah mida’e.
  • Ambiyada intaad soo dirtoo, Aadan u horeeyay
  • Aadna Muxamedkii laga unkamay, aakhir sabankeentay
  • Ayaan wadda Ajiibnoo xaqaad, noo iftiimisaye.
  • Aduunyada Ilaahoow inaad, soo afjari doonto
  • Amin sugan asraafiil inuu, suurta ku afuufi
  • Ayaan hubanti eegnahay kudada, saacadaas imane.
  • Allow qadar amar oofintaa, aafo iyo khayrba
  • Ayaan raali Eeboow ka nahay, suu ahaadaba’e
  • Ahaw qudha ayuu amar fulkaa, ka dhex ahaadaaye.
  • Allow dunida amartaagideed, iyo amuur teeda.
  • Arinteeda adigaa Raboow, soo abyeyntiraye
  • Aayatiinka qaybkaad og tahay, dhab u ahaantiisa
  • Afartaas markaan Eebahay oofshay amarkiisa
  • Awalkiyo ogoysiin mar hore, caalimul arwaaxa
  • Ayaan horu dhacyeyn kaan aqoon, inyar u faalayne.
  • Alkunkii makhluuqyada kolkii, Rabi wax uumaayey
  • Ahaw Muxamed nuurkiisabuu, qaar astayn dhigaye
  • Ahaanshaha ifkaasaa abuur, lagu arooraaye.
  • Arwaax qudha markuu ruux ahaa, unugyo ruuxaysan
  • Ayna wada qireen kii askumay, Eebenimadiisa
  • Ayaa madal ahayd ay Ilaah, axdi laqaateene.
  • Ahaantaa ayuu ruux kastaba kuu ahaa qoraye
  • Ayaankii dadkuu abla-ablayn, aayahood sugaye
  • Aamanuu tan iyo aakhir saban buu Ilaah dajaye.
  • Aduunyada intii Aadamaha kii, inkiri doona
  • Ama noqon Islaam oo aqbali, amarka uu siiyo
  • Ayuu kala astaamayn khalqiga, meel ku aadiyaye.
  • Ambiyada intii laga xuloo, Rusul ahaan doonta
  • Awliyadda intii noqon intii xer u ahaanaysa
  • Ayuu sii astayn maalintaa, Eebaheen dhiagaye.
  • Anigu Mahdoow Arag aduun, abnaq ku raacayga
  • Aabo ruux adoogay halkaas, baan ku aaminaye
  • Alla igu og oo saan ahaa, baan hadeer ahaye.
  • Alxid runa kolkii aan u jeed, aayadow fasiray
  • Araraynta taariikh abliyo, amar fidyoodkeeda
  • Ayaan iniq ka faalee is idhi, waa istiil xerowe.
  • Allaahu akbar kotomeeyo sano, oogta noo baxaysay
  • Aqoonsiga xerteeniyo hal aan, Aabo ku sifeeyay
  • Aan Rabiicu-Diin erey ka dhaho, Sheekhul aradkeena.
  • Awliyada Amuurteed ruux, eegay ku haraadye.
  • Aftyaqaan kastoo garab istiil, indho ku doondoona
  • Ayaan bogan abiidkiis cilmigu, waakan aabudhane.
  • Anigu mahdoow aragtiday, kuurgal ku abaadka
  • Awalkaba ku qanacii anoon, dhaafin udub xooga
  • Ayey dhami aqlaantiyo sadkii, iga idlaadeene.
  • Asagoo yarbaa laga arkoo, uu lahaa idane
  • Aqbal baa la kowsaday tusmayn, aad u shaacbaxaye
  • Axad culus inuu wali ahaa, oogtay ka cadayde.
  • Abshir ula madoow dhowraysoo, aadna loo sugayay
  • Awliyadu nin ay eegaysoo, loo ayaan tiriyay
  • Arbe buu ahaa uu ogaa, uurku baaluhuye.
  • Agagaarka sabataa arliga, ugu ayaan roone
  • Abidkeed ardaa bay ahayd, goobshir awliyo’e
  • Amranaha Rabiic waa kobtuu, iid ka daahiraye.
  • Amintay bil mowliid ayaan, laba tobnaad dhaaftay
  • Ayaa aqalka reer Shiikh iftiin, kaah ka oogsadaye
  • Axmed bay aroor wada dhasheen, subax isniinaade.
  • Ab ahaan ilaa iyo Caqiil, Nabiga aalkiisa
  • Aabayaal islaamiyo awoow, udubka diineeda
  • Akhyaar dhowrsan buu soo mariyo, awyo daahira’e.
  • Astaamaha Ilaah nagu tusoon, shiikha ku ogaanay
  • Ama taxane raadraac qisayn, wali ahaantiisa
  • Ayaan dali aqoonsiga cadayn, inyar ka faalayne.
  • Amaaradaha Eebaa baxshee, Sheekha ku arooray
  • Ayaa leg iyo aalaaf ka badan, kow ulqaad tirine
  • Aanse dhowr karaamood cusliyo, qaar ka dhacay eego.
  • Afaduu u cowdoo dhanqalan, aadi ku ijbaaray
  • Arxan li’ida goortay inaba, oonka ka bi’in wayday
  • Amakaagtay orodkuu dhigsigu, soo abraar kudaye.
  • Asagoo adimo yeeshayoo, beenta ka irdhaysan
  • Ayuu bowdadii sheel asturan, aw ka soo yidhiye
  • Ayadoo arkaysuu durduro, aaday dhiniciise.
  • Amaaradaha Eebaa baxshee, Sheekha ku arooray
  • Ayaa leg iyo aalaaf ka badan, kow ulqaad tirine
  • Aanse dhowr karaamood cusliyo, qaar ka dhacay eego.
  • Ayaantuu lo’duu raaci jiray, ayda kaga leexday
  • Amuur baa khasbaysaye kolkuu, kayn cidla ah aaday
  • Ayuu laamadoodkiii hurdada ruux, aroorsadaye.
  • Arbacada habeenkaas ayuu soo, akhbaar helaye
  • Abshir iman alaylkoo dhanbuu, soo aduun maraye
  • Aayatiinka qaybkiyo sadbaa, loo iftiimiyaye.
  • Abriskiyo mas awliyo intii, uurku socotoo dhan
  • Asad shaahleh idilkood bahalo, yey ilaalinaysay
  • Amnigiisa waxaa aad u sugay, jaysh abaabulane.
  • Araaraha ka doondoon kuwii, anbasho moodaayey
  • Agihiisa goortay arkeen amase, aagiisa
  • Ashqaraari raadkuu dugaag, oomanaa dhigaye.
  • Astaamaha Ilaah nagu tusoon, Shiikha ku ogaanay
  • Amase taxane-raad-raac qisayn, wali ahaantiisa
  • Ayaan dala aqoonsiga caday, inyar ka faalayne.
  • Aynigiis ka waynida xilqaad, edeb la jaanqaaday
  • Asluub fiicni is wada raacsanuu, ubadka dheeraaye
  • Aamin buu ahaa baarinimo, wiil akhlaaq badane.
  • Alif wax u bilaaboo waxbaray, aarka Sayliciye
  • Ababshaha Khaliif bow ahaa, Aabo ruuxiya’e
  • Aad ayuu u soo agabarmoo, laylin soo aragye.
  • Adkaysiga qofeed howl karnimo, Sheekha la adeeco
  • Abuurnimo dulqaad buu lahaa, howl ku aaminide
  • Aqbal buu ku helay daacadnimo, waa adeeg falo’e.
  • Astaamaha Ilaah nagu tusoon, Sheekha ku ogaanay
  • Amaaradaha Eebaa baxshee, Sheekha ku arooray
  • Ayaa lag iyo aalaaf ka badan, kow ulqaad tirine
  • Aanse dhowr karaamood cusliyo, qaad ka dhacay eego.
  • Isagoo kormeer loo igmaday, haysta idankiisa
  • Awliyadda shirkeedaa xil-wayn, looga aaminaye
  • Ashcaa tijaabo u ahayd, oohin jibo keene.
  • Aw anbaday awoodii markuu, aabi ula baydhay
  • Afkana uu qabsaday reero idil, amare ku taaglaynta
  • Ayaantuu u tagay waysagii, oogay tuu galaye.
  • Amaaradaha Eebaa baxshee, Sheekha ku arooray
  • Ayaa lag iyo aalaaf ka badan, kow ulqaad tirine
  • Aanse dhowr karaamood cusliyo, qaad ka dhacay eego.
  • Arin loo dhamaystiray kolkii, La imtixaanaayey
  • Isagiyo Xamsoo ugu yaraa, boqol ardoo joogtay
  • Ayuu kali ahaan Sheekhu Laydh, howl ku aadiyaye.
  • Amar hore awoowgiis afraad, xaajo lagu eegay
  • Aasaas goob lahayd raqayo, oo laga alaab qaato
  • Ayaa aqal ka soo tag la yidhi, raadka waad arage.
  • Astaantii muriidnimo markuu, ebebsanaan muujay
  • Aminkana ajiiboo kalsami, yeelay idanlayda
  • Ayuu kuman astaarlay qaboo, Eebihiis ladhaye.
  • Ambabaxa ma raajine markuu, eerigo’an beegay
  • Abshirtii horeba khaadim baa, loo adeejiyaye
  • Aroortii labaad buu kor tagay, bugcad ishaarayde.
  • Aftax helid Kitaabow ahaa, uu akhyaar sidaye
  • Aw caloo abaarsaday ayaa, ool dhan soo dumaye
  • Aqoolkeeda mooyee xilkii, weys abyeyn tiraye.
  • Arday badan intii aan afgaran, Sheekha idankiisa.
  • Armaan inanku soo noqon intii, aamin baxa muujay
  • Inttaan sugin ayaantii lixaad, shuqul ebyoodkiiye.
  • Amaaradaha Eebaa baxshee, Sheekha ku arooray
  • Ayaa lag iyo aalaaf ka badan, kow ulqaad tirine
  • Aanse dhowr karaamood cusliyo, qaad ka dhacay eego.
  • Ahalkii siyaarada markii, uu aqbali waayay
  • Afxumayn Ilaaq iyo markii, anafo loo gaystay
  • Ayaa amar ku fulay oo mansuur, aynigood simaye.
  • Axmaq baysku dhiga seef afliyo, eebo soo ganane
  • Ajal baan u laabnayn qofkii, aar afkii gala’e
  • Aabi laguma dayo ruux itaal, kaa awood badane.
  • Aadba ulama yaabeen cidkale, oo aqoon darane
  • Alle magane reer aw maxay, talo ka aynfaaday
  • Ayaantaas maxaa culimadii, asal dhashood baabay.
  • Afartaas markaan idhi markaan, ararta soo gaabshay
  • Amaan soo itaal gabay badwayn, erey ma qaadsheene
  • Aan u dajo abbaartay midaan, abid ku taamaayay.
  • Afar iyo tobnaad soo baxoo, nuuray aradkeena
  • Afaafyeelashada oo gugii, cayn kasoo onkaday
  • Aan Rabiicu-Diin imashadii, erey ka faaleeyo.
  • Afar qudha Ayaan jiray markaan, ruux aqoonsadaye
  • Ayaantaas hadiyo maanta oon, afartankii dhaafay
  • Aqoon urursi arin yaahinteed, baan intaas wadaye.
  • Alle magane umaddii markaas, ubuc-dhaxaad joogtay
  • Ama idil ahaan geeska oo, mugdigu aafeeyay
  • Ayaa mudan sidii uu ahaa inaan, yar eegaaye.
  • Aradkiyo abaartii cilmiga, jahli aseebaadka
  • Iyadoo ilays li’I dhex-tuban, modowga eedaadshay
  • Aqoon li’I daraadood dadkoo, ay dhibtu asiibtay.
  • Iyadoo iqliin yahay wadaad, oo ifkuba gaabtay
  • Iyadoo afduub loogu jiro, daalin ku ilkaystay
  • Iyadoo kitaabkii Ilaah, ruux akhriya waayay.
  • Ayadoo asbuuc iyo socdaal, mehersi loo aado
  • Ayadoo la waayoo in badan, aqal galkii baaqdo
  • Ama aanba loo aabo deyin, aamin-baxa muuqday.
  • Ayadoo Islaam wiiqankii, sharcigu ooyaayo
  • Allow sahale arintoo markaas, umal-dangiig joogta
  • Ayuu gurmad ahaan Shiikhu yimi, aadi loo wacaye.
  • Alxamdulilaah raxmad buu ahaa, Eebe soo diraye
  • Isagoo amuur culus ku raran, kii ridaha uumay
  • Ayuu galab isniinaad kor yimi, xarun asraarleeye.
  • Arli aanu garanayn baroo, diintu andacootay
  • Awliyadda dhul aan waayo arag, aal-xumena taabay
  • Awoowgiis Abaayoonis baa, loo amruu degeye.
  • Allabari quraankuu akhriyo, duco ku aanshaadka
  • Awraadiyo tasbiixdiyo wardiga, iyo ijaasaynta
  • Albaabkii Maxmuudiya, ayuu furay albaabkeede.
  • Ardayqabad ardaa qudha jilkiyo, ubad u doondoonka
  • Alifkuu ku taagsaday aqoon, oogta loo kaco’e
  • Alwaaxduu qortaa kow ahaa, aabihii yimide.
  • Askunkii dariiqada kolkuu, tiginka aasaayay
  • Asuulkii Rasuulkiyo nadaam, buu adeegsadaye. (NNKH)
  • Isagoon degdegin buu tartiib, aayar soo hagaye,
  • Afar loo ishaaraa aqbalay, ugu horayntiiye
  • Aqalada kuwii soo raroo, qudbada soo aaday
  • Ayaa duco abraarnimo heloo, loo abaal gudiye.
  • Agabarid awalkii intaan, xeri itaalaysan
  • Afarteeda jaah baa colaad, looga soo ulaye
  • Awoodii Rabaa kaalisee, uun umuu tudhine.
  • Aqoon daradu waa nacab bulshadda, aayahood tira’e
  • Asqeeyaha Iblays baa ka duwo, toolmani abaare
  • Ayagoon arkayn baydhintuu, abali weecshaaye.
  • Amuur aanu garan baa khatali, jaahil iima lehe
  • Afka wuxuu la geli xaajo uu, eedo waligiise
  • Aw-xumaa ka dhigan oo isyidhi, oog Allaa dumine.
  • Aan la yaabe aadmiga Mahdoow, kaan ilays hagine
  • Agaraydan indhaha bayllahshuu, agabsi raacaaye
  • Arkaa jira wax doonkiyo aftaad, baa inkaar bade.
  • Agli faranji isticmaar miduu, bowlad ku adeejay
  • Arlaadala aloosiyo juhaal, eeda lala doonay
  • Adyadaynta Sheekhiyo xertaa loo abaansadaye.
  • Adin ulama hadhin gaaladii Kay amxaar tahaye
  • Awoodooda umay teelo dhigan, duulan ku afuufe
  • Allahaa ka diidaye wax badan, aarsi lagu saarye.
  • Ayaantay dariiqada gubeen, kaaha soo ifayay
  • Arbow macalinkiyo arkay, ololka saareene
  • Adhaxday jabsheen maalintaa, udubkii diineede.
  • Abidkeed ma dhicin say faleen, ehelu-naarkiiye
  • Arxan li’ida tay muujiyeen, baan islaam karine.
  • Allow maxay inkaar galabsadeen, Eebe cadhadiisa.
  • Allow maragga amintaasi say, Shiikha ku ahayde
  • Aarsi iyo isagoon ka rabin, aano laga doonto
  • Abhin muxuu ku yidhi waar xereey, Rabbi awood saarta.
  • Adkaysiga dulqaad eersashadda, oo nafta uleeya
  • Aafadii timaadaba inuu, raali ku ahaado
  • Ayuu dhaqan ahaan jiray, Rabbaa aad u toosiyaye.
  • Awraad dhaba, aqoon gaar ahoo, Rabbi ogaysiisay
  • Ayaa dhaaxa u ahaa akhbaar, uu adeegsado’e
  • Aan himilo awaal uu ku yidhi, ardaydu ka soo qaato.
  • Ayaan macalin Maxamuud andaco, amalka dheeraystay
  • Afar-qaad markii uu Cukaash, Saban eryoonaayey
  • Armaan Shiikh arkaa buu ku yidhi, ubad inoo dhaansha.
  • Alle daaye Shiikhoo afkiyo, uurkaba hogaansha
  • Ayna tahay asluubtii inuu, aayar wax u sheego
  • Ayaa awga dejintiis wax-badan, uggu bishaareeyay.
  • Awgayoow imaqal buu ku yidhi, waan ku aaminaye
  • Adkaysoo ha lumin buu ku yidhi, taan ku odhan doonto
  • Aayar sheeg asraar buu dabee, ilo-xidhkood fayday.
  • Asagoon sarbeebine cadaan, aad u kal qaaday
  • Ayuu sumad u yeeluu ku yidhi, awgaygoow fadxiga
  • Adoo nool ayaad arag qabuul, aadan fili hayne.
  • Amuurteena Eebaa lahoo, haysta  idankeede
  • Abul-Qaasim baa inoo hor, kici ibo bil diineede
  • Abaan-duulka Jaylaani baa, aad inoo ladhiye.
  • Arwaaxdiisa Rusushii Ilaah, Ambiyadiisoo dhan
  • Awliyaduu ajiibiyo junuud, Eebe ina raacsho
  • Aala baydka Nabigayna ladhi, uunkii reer bedere.
  • Askunkaynu taagnaa unkami, idam Ilaaheeye
  • Afarteed jaah bay xertiyo, amintii jeeshkeenu
  • Aqoonsigu mar uu yahay astaan, baa shinkeed imane.
  • Aqaladda sarta ah daarahoo, uu nalku iftiinsho
  • Afdinlaha qandoodoo ka wacan, Eega kuwa buuxa                
  • Ambaalulis argeeg iyo halkaa, iida buuxsamiye.
  • Abbaabtaan dhaloo udub dhaxaad, diinta u adeega
  • Aqoontaynu fidinoo cilmiga, aasmay kor u qadno
  • Albaab idil aduun koo dhanbaan, yool abaar nahaye.
  • Abubakar Awoowgaa halkuu, diinta ugu aaday
  • Amay ugu taxmeen odayadaa, Eebe u shaqaynta
  • Ayaan kaaga nahay eega tiin, saad u oofiso’e.
  • Awgayoow xilkaas aad u tahay, furaha aamiinta
  • Ayaa mudan inaad aamintee, ha iga uugaamin
  • Aadna ugu dedaal howshu waa, agabar ruuxeede.
  • Isagoo qudubigii farxadi, kaga ilmaysiisay
  • Abshirtiyo khidmayntana aqbalay, buu ku yidhi aamu
  • Allaad magantidiis tahaye Shiikh, amarka waa yeelay.
  • Allaylehe siduu odhan jiraan, maanta aragnaaye
  • Abidkeedna marag bay ahaan, tuu Ayaan yidhiye
  • Awliyada afkeeday ku taal, weedh asiibaniye,
  • Asagaa mar iilane qofkuu, Rabbi awood siiyo
  • Ama iridka dowgiisa qudha, ilinka loo muujo
  • Ayaa lagu ilhaanshaa xaqiiq, say runtu ahaane.
  • Ardaayada xeryaha lay agdhigay, adhiyaha oo buuxshay
  • Agtoodoo haleelada tircayn, lagu ag-maalaayo
  • Ayey arahsi doonkii xertunna, Afar qadaayeene.
  • Oon la’aan daraadeed waxay, mudo la oomaanba
  • Amay soon ijbaariya xidhaan, oomati la aanta
  • Aswadayn lahelo bow ahaa, iido weel qalide.
  • Amaamunida Shiikhii wuxuu, udub ku taagaaba
  • Aqoon laawe adhaxdiis wuxuu, ubad ka dhowraaba
  • Ayaan nool wixii uu cawaan, arday ka raadshaaba.
  • Alla imisa jeer buu shirqool, oolin ka badbaaday
  • Aflagaado tookhiyo muxuu, adyad u soo joogay
  • Aayar socod muxuu so il go’ay, hayjad laga oo ay.
  • Aabnida wuxuu dhabar adayga, dhib u adkaystaaba
  • Aammin buu ku qabay say, ahayd oo Allaa qoraye
  • Ax mar maanu odhan waayadii, la imtixaanaaye.
  • Axad Eebe doortaa waqiis, saas ahaan jiraye
  • Asraar laguma aamino qofkaan, tii ayuub marine
  • Amaradda siduu ugu samaraa, aadmi beeg u ahe’.
  • Alla aaminimo waa isdhiib, Eebe loo go’o’e
  • Adoonsamida iimaanka sugan, dhab u adeeciisa
  • Ayaa nuxurka idankiisu yahay, tuu Ilaah qoraye.
  • Abayo la’aantiyo dhibtiyo, howl aduun makinta
  • Ama tay ku soo wadda arkeen, isku ekaantooda
  • Axsaabtii Rasuulkii Allay, aad u shabbahaane.
  • Anshax nolosha Anfacaya oo, oolin ku salaysan
  • Ayna tahay asuulkiis inuu, diinta u adeego
  • Ayuu qaab is buuxiya ka dhigay, oo islaamiya’e.
  • Asalaykan guurtuu baroo, dejay aqoontiisa
  • Axkaamtiyo shareecada markuu, ifiyay baabkeeda
  • Ayuu uub ka soo qoday cilmiga, duug abaarsadaye.
  •  
  • Ayaan iyo Ayaan jeer wuxuu, aashi u socdaaba
  • Ardey tacab wuxuu ururintood, oonta u guraaba
  • Aqal dhisid wuxuu nolol astay, dugsi u oodaaba.
  • Abqaalkii markuu baxay markuu, eheludiin beermay
  • Ayuu idan ku degey meel kastoo, awal ishaarnayde
  • Iqliim kaad tagtaba maanta waa, kaah ilays mudhaye.
  • Abaal marin Rabuu helay qabuul, uu ku aadiyaye
  • Aqbal iyo ijaabuu ku ladhay, hiil Allaa badane
  • Alxamdulilaah omoskii wakaas, ubax kamuuqdaaye.
  • Ahaataye dariiqadan Alliyo, eega cududeeda
  • Allaa mahadleh isagaa lehoo, waa awood sara’e
  • Aanse erey tusmayn ararta guud, inyar ka faaleeyo.
  • Afka bari ilaa bogox arliga, uubo iyo howdba
  • Aaran buu ahaa jeer gugii, aad u doojiyaye
  • Alxamdulilaah umadii ayuu, diin ka oon-tiraye.
  • Ardeydii nasriga dhowr malyuun, oolo timo-wayna
  • Ansaar timayaroo eegatoo, haatan udub wayna
  • Axbaabtiisu uunkii Alliyo, umaddo weeyaane.
  • Aduun iskuma keenina xaqbaa, laysku aaminaye
  • Agaasimida toolmoon ayaa, nuur il-doogsi lehe
  • Aqbal dhaba Ilaaheen dartiis, baysku soo ulaye.
  • Aqoon fidinta ubucdii furqaan, aadmi baridiisa
  • Aad ugu deddaalkiyo sharciga, dhab u adkayntiisa
  • Aqbalkeena iimaan sugnida, bay ku ururtaaye.
  • Aw-barkhadle Aways iyo tubtuu, Nuuriye asteeyay
  • Asal-raac ku aadaan xaqiyo, ereyga towxiidka
  • Astaantii Islaamkay dhamaan, unug u aadaaye.
  • Astaad dhaba jidkiyo aawadiis, aad u kala qeexa
  • Arin sugan asiiliga tixraac, irkashadii diinta
  • Afhayeenka weeyaan sunaha, aad u xoojiyaye.
  • Ehluduruq silsilad eeradkiyo, Eebe ku xidhnaanta
  • Ashcarey caqiidada tahoo, kaga aroortaaye
  • Afartaa arboow Shaafacay, mad-habta aadaaye.
  • Abnaq hiradka ruuxdiyo sirtiyo, il iyo dhuux nuuga.
  • Awliyada jidkeediyo halkay, afartankii jeexday
  • Abraaceeda Jaylaaniyay, isir wadaagaane.
  • Alxamdulilaah Eebaa nabaray, Shiikhuu aaminaye
  • Allaa nagu hanuunshoo jidkuu, noo iftiimiyaye
  • Asalaynka diintiyo xaquu, naggu ilaashaaye.
  • Allaa mahadleh ubucdii cilmiga, uubo iyo hoosba
  • Aayadaha sirtooduu yaqaan, asal macnayntoode
  • Awliyaa hagaysoo tubtani, waa mid aamin ahe.
  • Aqbal-sami aduunyada qofkii, Shiikha ku ajiiba
  • Ayaa aaya badan oo waxbadan, Eeba la rabaaye
  • Anbanna maayo uunkuu hagiyo, kii arkoo qiraye.
  • Allow mahad intii raacdayoo, toosnida abaartay
  • Aadna ugu khidmaysoo qudbiga, waajibka la oofshay
  • Ayaa guul abaado ah ku helay, waynu aragnaaye.
  • Aqdaab wada curayboo kaloo,ibo bilkood muuqdo
  • Ardaydii aflaxay oo qarniga, aag walbaba taabay
  • Ayuu riixa iimaan qabaa, abshir yidhaahdaaye.
  • Afartaas markaan idhi markaan, ararta soo gaabshay
  • Amaan soo awood gabay badwayn, erey ma qaadsheene
  • Aan awaaji arinlay qodbayn, gabagabayn aadsho.
  • Arin waxaan ka leeyahay xaqooy, awliyadu hayso
  • Arin kalana kii aan aqoon baan, ifkaas bariye
  • Anigu naftaydaan ku odhan, dowga ku ekoowe.
  • Arin waxaan ka leeyahay xaqooy, awliyadu hayso
  • Asraaraha qarsoon iyo sirtiyo, xogo uluuhaadka
  • Abuuraha wax uumaa baxshoo, haysta idinkoode.
  • Asagaa aduunkuu la rabo, qaar ku aamina’e
  • Akhyaartuu Ilaaheen dirtiyo, dhami abrraartiisa
  • Ayay agab adeegsami u tahay, aalad xoog badane.
  • Ambiyada ishaarada leh, oo uu wax ka ajiibo
  • Ambiyada xilkoodii ayay, eega fuliyaane
  • Anaa huba ninkii wali inkiray, Eebe muu qirine.
  • Arin kalana kii aan aqoon baan, ifkaas bariye
  • Adigoo maqlaayoo nasradu, mikhdac ka awlaysay
  • Ayaan tiris afaafkay u timi, uur labaad bilide.
  • Ab abalayn aduunyada ninkii, idho la’aan buuba
  • Anguugyow danbayn ruuxa aan, eegin goonyaha’e
  • Aadmi kaan la hagin baan geyoon, oo asquul badane.
  • Aqal xidhan caqliga eegaybaan, jeer guntiis arage
  • Awood li’i amuurtii dahsoon, baan isheen qabane
  • Anbashaa u qaaliba haduu, ruux itaal gabo’e.
  • Afdhuuyaale roorkaa jiraba, kii istaawiya’e
  • Adhaxduu ka boodaa baquul, kali abraaraaye
  • Albaabkaan furnayn baan sidilig, aayar loo geline.
  • Alle kuu naclay oo eryoo, aadmi lagu taaray
  • Ayaa gooni daaqyada eryada, kii itaal darane
  • Asaruurin buu ugga duwaa, ilinka toolmoone.
  • Awliyada xerteediyo kuwuu, tiisa kala oo’o
  • Axadkii ka galay oo qudhaan, reer iblays noqone
  • Amaan-gelinta Eeboon nahaa, eeradkow furane.
  • Anigoo afeeftamis abwaan, erey hurkiis raacshay
  • Aana halis aftoolnimada taal, orgobley kuu sheegay
  • Adigiyo ikhyaarkaa wataas, aan il kuu furaye.
  • Afartaas markaan idhi markaan, ararta soo gaabshay
  • Aniguna naftaydaan ku odhan, dowga ku ekoowe
  • Aaminaada Eebiyo jidkaas, aan hayaan wadiye.
  • Aabo-ruuxa Sheekhayga oon, qaato amarkiisa
  • Anay tahay dantaydee markaan, xejisto iimaanka
  • Aflax iyo ijaabaan ku heli, aad u toosnida’e.
  • Aadaabtii dariiqadu lahayd, asal u raaceeda
  • Akhlaaqdiisa wacan jeer hadaan, Eebe kaga daydo
  • Aad ugu taxnaan taan ku hanan, guul ijaabo lehe.
  • Amaanada intaan sido intaan, iilka la I geynin
  • Axdigaan la galay goorta aan, oofsho wacad qaadka
  • Abshir baan filaayaa ifkiyo, maalin aakhiro’e.
  • Alla tuugid weeyee tan kale, igula aamiinsha
  • Adoonimo baryootamid qalbiga, jooja orodkiisa
  • Afkana saara bisinkaa wax wayn, lagu asiibaaye.
  • Alxamduna akhriya waa baryada, udub dhaxaadkeede
  • Alle mahadnaqiisiyo shugriga, yaan mar la ilaabin
  • Amaantii rasuulkiyo saliga, nabiga aadsiiya.
  • Alihii na uumoow Raboow, waadna aragtaaye
  • Aadmigaad abuurtaan nahoo, oo itaal darane
  • Awoodaada oo qudha Ayaan, ku irkanaynaaye.
  • Alahayoow ducadu waa astaan, ruux ku aaminaye
  • Adaa nagu amroo waynahoow, aan adoon qadine
  • Abshir nagu lamaanee qabuul, eegmo naxariis leh.
  • Axsaan falista aan kugu noqaan, deeqsinimo aada
  • Aana kaaga baranoo niyadu, rajo ku eegayso
  • Ayaa noo niyaayira ahoo, aan ku iranaaye.
  • Allahayoow tubtaad nagu ogayd, caalim la adeeco
  • Ab abraacis Sheekiyo aqdaab, awliyada suuban
  • Ayaa abid ilays noo ahaa, nuur iftiinsiga’e.
  • Allahayoow mirikii ula madoow, baan ishood nahaye
  • Ardaydii Rabiic baanu nahay, udubkii diineede
  • Aamiinta nagu sii Raboow, aqbal mataanaysan.
  • Allahayoow ifkaas baahiyoo, aad u hana qaaadi
  • Ahlusunaha Eeeboow dhamaan, isku alooskooda
  • Adigays afgaradsiin karee, Shiikha u abaabul.
  • Alloow Shiikha adigaa dirtoo, aaminoo jira’e
  • Adigaa islaam toosiyaha, Eeboow noo xulaye
  • Alxamdulilaah adigaa Raboow, noo axsaan falaye.
  • Allahayoow intuu jiray intuu, karay awoodiisa
  • Ayaamaadka soddonkaas kunoo, uu ifkaba joogay
  • Adigiyo Rasuulkoo qudhuu, khaadim u ahaaye.
  • Allahayoow xaqiyo diinta uu, oogayoo fidiyay
  • Allahayoow xilkii uu dartaa, aad u gudanaayay
  • Ayaa lagu necbaystoo colaad, aad ah baa dumane.
  • Ab intii xumayd oo xiqdigu engajay, laabtooda
  • Ablaawiyo intii shiqi ahayd, ina ibliis oo dhan
  • Ayays wada bahaystoo xertay, idil ku taamaane.
  • Awliayada intii neceb intaan, qirin awoodaada
  • Anyayuub u geli naarta kii, Sheekha adyadeeya
  • Aalunaar Ilaahoow ka yeel, oo ibtilo raaci.
  • Allahayoow adaa iga ogsoon, eegmo kii daya’e
  • Aanse aadmi baan ahay indhuhu, ka anfariirsheene
  • Alloow nabad abaado ah xertiyo, Shiikha ku ilaali.
  • Awood maleh Ilaahoow cid kale, adiga mooyaane
  • Adigaa ilbidhiq kay ku tahay, aan itaal gabine
  • Amarkaaga oo qudha ayuu, uunku fuliyaaye.
  • Amar sugida aad bixiso baa, aad u xoog badane
  • Arkina maayo Eeboow dhibaal, kaad ilaalisaye
  • Asmaadaa Eeboow ku deyr, Abul-arwaaxayga.
  • Amaan Shiikha Eeboow ka sii, cadowga so aada
  • Allahayoow indhuu noo yahee, aafo ha u keenin
  • Allahayoow awoodiisa bad,i wuu istaahilaye.
  • Alloow Shiikha noo daa qarnigan, oon ifkale muuqan
  • Allahayoow u dheeree da’doo, caafimaad ugu dar
  • Alloow Shiikha ugu deeq tanaad, iyo tamiim buuxa.
  • Allahayoow Aswaajtii u dhaxay, baa abaal mudane
  • Allahayoow intuu dhalo intii, ubad ka sii beerma
  • Amni labada daarood ku sii, aamin-gelintaada.
  • Allahayoow xertiisiyo intii, noqota aalkiisa
  • Axbaabtiisa Eeboow mar qudha, kii indhaha saara
  • Aqbal iyo ijaabiyo kasii, niyad awaalkiisa.
  • Alloow maalingaal dhixid intaan, aqal aduun joono
  • Aayadaha xadiiskiyo kuwii, raaca amarkaaga
  • Aana lumine nagayeel, kuwii ku dhinta iimaanka
  • Alloow magantidaadoo cabsida, aad u baqanaysa.
  • Aana garan karayn aayahood, tuu ku iba beeli
  • Ayaan nahaye Eeboow daryeel, iyo amaan buuxa.
  • Anigana Ilaahoow fadliga, Abul-arwaxayga
  • Ardey igaga yeel baariyoo, Aabe ku banaada
  • Allahayoow is solonsii, Qudbiga dhab u adeeciisa.
  • Allahayoow u roonoow intii, aan kasoo unkamay
  • Allahayoow maqfiro aad ah sii, Aabe iyo Hooyo
  • Aalkayga Eeboow ka yeel, diinta kuwo ooga.
  • Axadoow Ilaahoow Raboow, Allahayoow Eebe
  • Astaaqfurulaah Eeboow dunuub, aad ah baan galaye
  • Awoodaada adigaa karee, Eeboow iga saamax.
  • Allahayoow fardowsiyo inaan, noqono aalkeeda
  • Anigiyo walaalahay Janada, Eeboow ku manayso
  • Alloow naga xoree naarta aad, gaalka ura gayso.
  • Aqoontay awoodeey intaan, idil ahaan gooyo
  • Allahayoow naftaydaan u huri, Abul-arwaaxaye
  • Adiguna I garan sii halkaan, diinta ugu aado.
  • Aabo-ruuxu Eeboow kuwuu raali ka ahaado.
  • Aana dhumine naga yeel Raboow, dhab ugu aadnaada
  • Allahayoow qalbiga noogu nuur, Shiikha aragiisa.

Ilaahay baa mahadleh


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo