Gabayga: Digtoonaada. Waxaa tiriyay Abwaan aadan mahad af-dhurbo.
2:-ragga dameercad joogoow i maqal dooc ma aad ogide
3:-in kastuu dawiil iga fog yahay doonte waa heliye
4:-waxaan goob diwaanka ugu qoray inaan la daynayne
5:-xamar lagu xidh waa durugsanyahe gabayga deeqsiiya
6:-barkadaha intay didib yihiin wada duraabaaya
7:-ee aan tayuub wali la darin daahna laga qaadin
8:-in dhulbahante soo damacsan yahay daacad ugu sheega
9:-balicadkaa dunuufaha maraye daaqu ku agyaallo
10:-barkad wuxuu dadaabka ugu xidhay inuu dihnadaaye
11:-oo aan dushiisaba la tagin daydo ka hor toowe
12:-darbo ugama jeediyo biyaha inay dabooshaane
13:-dulinkiyo habaaskaanay rabin digada xoolaha,e
14:-dureemadanna waa jecel yihiin tii diraacnimo,e
15:-dharkayn kaa ilaah doojiyow daymo gacal yeesha
16:-u damqada martida daalibka ah haw daraanina,e
17:-dabataagi waa ooman tahay waana dariskiine
18:-saaxdheer wixii daw la qoday daad ma soo galine
19:-labadaba daruurtaad hesheen lama dacaansiine
20:-dabna lagama shido baararkii dalabka waallaaye
21:-kala baydh diyaafadiyo diin wuxuu dadaalaayay
22:-ee ay ikhwaanka u dalbeen dibad bixii roobka
23:-ducadii badnayd lama aqbalin doorkan maanta ahe
24:-dululaati baa laga marshoo duul kalaa helaye
25:-karmihii la daaldaalan jiray waa daleel madhane
26:-danabkiyo hilaacaan is iri duunyo hadhi mayso
27:-iyagaba doc baa laga marshoo. qorilay loo diidye
28:-xasan ugaas wuxuu kor u dalacay daadsan iyo ciide
29:-duqay baanu sheekaysanoo dib uma jeedaanne
30:-dusha haragsax reer xaamudkii duuda kaga joogay
30 doodu ka soo dhaansado. didib cadduu yaale
31:-degmadii garoowe iyo ayl baa danqoray taal
32:-dadkii ceerigaabo iyo taleex doollo kor u dhaafye
33:-dal kac iyo abaar baa waddiyo dan iyo jiilaale
34:-dabaxaabtu waa reerahaan dayrta loo shubine
35:-hadii uusan daantiina helin wuu idiin da,aye
36:-dacda iyo diniintada xargaga kama diqooteene
37:-rabina deeq ma waayee naflaha waysku dayayaaye
38:-diraacdii xumaataba qolaa lagu dambaabaaye
39:-inta aan nabsiga soo dibjiray idinku daadduumin
40:-amaan daramal iyo laysu tumin daasadihii ceebta
41:-ama aan dacaayado la fidin dunida guudkeeda
42:-ama aan kulayl idin daf siin dawgal baa jira,e
43:-digtoonaada annigaa arkoo laysu soo durugye
44:-annana yaan doorraad kii na helay nala ku soo daynin
Waxaan ka qoray (cabdilaahi axmed-dheere maxamed “jawaan” axmed)
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaante ee Murti
Tafatirkii: Mr Cumar Ismaaciil Digeed