Gabay waano ah oo aadan mahad afdhurbo u tiriyay wiilkiisii xasan aadan mahad Xilli ku beegan burburkii dawladda 1986dii
wuxuu yidhi:-
1:-Xasanow xornimo waa intaad xoolo leedahaye
2:-Xigaal nimana waa maalintii xiiso loo qabo.e
3:-Waa sabban dadkii kala xarqay aan la is xabaalayne
4:-Xajar iyo xijaab baa ku go.an kaad xaduurtaba,e
5:-Nin waliba intiisii xafiday xeerna la iloowye
6:-Xigto iyo qaraabo xun xun iyo xidid la soo dhaafye
7:-Hadday dhalasho xeegaan lahayd xadhiga loo laabye
8:-Xurguf baa dhextaal reer kastoo xaal samaan jiraye
9:-Waxa jees ba meel ugu xeraday la is xamili waaye
10:-Xaruntii hargaysiyo barbara xaaluf baa galaye
11:-Xaddigii bakhaarada la dhigay waa xalfoof madhane
12:-Xafyaanka iyo tuugga jabsaday aan la xidhahayne
13:-Nin waliba intii uu xukumay xalay la guureeye
14:-Bariiskii la xaabxaabin jiray xeeb ma soo maro,e
15:-Xiddigaha cirkuu meel la tagay xaytahaad garane
16:-Xabatoori baa lagu helaa iyo xadaafiire
17:-Ninkii dhawr kun soo xaadira baa loo xul-xulayaaye
18:-Xadiiskaa nahyiyay say sonkori xaamigaa tahaye
19:-Xakaamtiyo minhaajkiyo markii xarafka loo eegay
20:-Xalaal kuma shabihin shiikhyadii xaqa u taagnaaye
21:-Dad xarriiqda naarta u socday xaafada u taale
22:-Xufta qamandiyeed iyo galleey lagu xameegaayo
23:-Oo aad xadhaadh aawadii xamakow moodayso
24:-Xijigay ka timi eebbahay xiinka yuu marine
25:-iyadiyo xammuulkii sidaba ha xannib naadeene
26:-Waa waxa xanuunka igu riday aan la xood nahaye
27:-Gaadhiga xagaafka ordayaa xaasas buu wadaye
28:-Xamar iyo kismaan yuu ka yimi xagafla caydheede
29:-Xabuub lagama jaro beerihii xawda hayn jiraye
30:-Maatada naftii lagu xaday ee kala xawaadaysa
31:-Xagar iyo madheedh meel leh baa loo xambaarsadaye
32:-Halkii toban riyaad kaa xigtiyo xayntii loo cararye
33:-Waataa miyiga loo xermaday xaalna loo sido.e
34:-Allaylehe haddaa lagu xamdiyay xuuqdii caanaha.e
35:-Afartaa gabyaa lama xasdee xiriftan maw reebay
36:-rag baa ararta qaarka xanibee xagal god maw diiday
37:-Ma xiddeeyay laysma xaqiree xaafid baan ahaye
38:-Xujo kalana waa wiilkan aan xog iyo xaal haynin
39:-Xudduntiyo xanjeerkaa gotee xuurta lagu moodo
40:-Waa turub xariif kaa badshiyo xiiqda raambaha’e
41:-Waxa dhabarka saa kuu xomboray ina xisaabsiiye
42:-Xoogaaga goortay helaan niman u soo xaytay
43:-Ee aad xanaaqdee indhaha xayga ka caddayso
44:-Xawxawlayaashii ku dhacay kaama xoog yara,e
45:-Xafladdiyo aroosyada intaad ka xalladaynayso
46:-Intaan anigu meesha xatab nahay ama xammaalayo
47:-Ee aan xaajadaadii luntaba xil iska saaraayo
48:-Ee aan xariirtaad gashaan xamarka doonaayo
49:-Ee aan xayga ahay baa aduun kuu xasilayaaye
50:-Maantaan xabaashayda galo waa xaq geeridu,e
51:-Xuuflaha sigaar iyo khamaar ku xaslan maayaane
52:-Xayawaan ku liitiyo agoon xuur ah baad noqone
53:-Xarragoona mayside jidh kaad xaaruf ku lahaane
54:-Wallee timahan xawliga u baxay waxaadan xiiraynin
55:-Awrkaa xamaamada wadiyo xaajigaad gadane
56:-Markaa saad xaraashlaha dul gayn xaynta yarre Jaane
57:-Xiskii baa ka tagay bay nafluhu kugu xifaalayne
58:-War hooy dad baa kugu xawilan xaasna waad tahaye
59:-Xigmadayda maqal yaan bal-wadi kula xawaarayne
60:-Ama xammille raac waa iblays xaakiim ka u wayne.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaante ee Murti
Tafatirkii: Mr Cumar Ismaaciil Digeed