Gabaygii aalaafi ee Aadan Mahad Af-dhurbo 1983dii dagaalkii haye ka tiriyay.
1:-Gabay waan aqaan-aye waxaa iga ishaateeyay
2:-Oo aan afkayga u guntaday oodda ugu jiiday
3:-Argagixisadaa iigu wacan aamuskaa badane
4:-Maantana ishiisaan arkaye uma alookhbayne
5:-Olyatayoo wataa oogsatayoo lays abaabulaye
6:-Indhaha muuqda waa laysku ridi uutimaatiga,e
7:-Sidii raxan urtii laga maray oo aariyada daartay
8:-Adeentida socdaalkiyo safruhu haw irdhoobeene
10:-Ninba meeshuu aanoo u lahaa awrta haw raro,e
11:-Ha istaadhmo baasuukahaa lala ordaayaaye
12:-Aakuhu ha dhaco rayfal waa aalladii hore e
13:-Afar qoysba meel haw qaxdoo yay is aaminine
14:-Ayaamayba kala raysataye hays alaafido,e
15:-Isaaqaa itoobiya galaye uubatada yeedhshay.
16:-Hawiyaha abgaal kolay ku tahay u okholaynaaya
17:-Aartiiga lays kula hadlay iyo iriridaa yeedhay
18:-Abtirsiimo laysku qortay oo aabbe kale wayday
19:-Ol-olaha marreexaan ku baxay haw araasiyo,e
20:-Annaguna in-aan naan ogayn ha itiqaadeene
21:-Isirkaaga waa laga rawdaa akhasta ceebeede
22:-Absamiyo hartiba xaalku waa anafo daaroode
23:-Abtirsiimadii waxa qaribay nimaan aqoonayne
24:-Waxa laysku aanaystay waa ab iyo sii raace
25:-Marse hadday annaaniyo dhacday oo laysku alalaasay
26:-Afka qoriga mooyee hadday nabadi ooroowday
27:-Waxba calanka yaan loo arxamin adadadiisaba,e
28:-Ninkii sade arxaawda u hayaa aalba yuu dhigane
29:-Haddii qolo ammuur lala damcoo la itixaamaayo
30:-Arbiciin sanay sida-yadii amar wareeraane
31:-Ingiriiska waagaannu nidhi naga adkaan maysid
32:-Sayidkuna jannada noo akhriyay inaannu aadayno
33:-Aadmiga dhulbahantaa u badnaa aalad iyo xooge
34:-Afbakayle iyo koofil iyo aydii daratoole
35:-Ooftii jidbaalaa na maqan iyo adhxaankiiye
36:-Ugub goo’yihii nagu dhacaan cidi na aasaynin
37:-Addinkii na go’ay haatan waa ka angallaynaaye
38:-Imminkaannu wada eersannaa ah iyo waydiiye
39:-Awal koodi hore bay naflaha u askareeyeene
40:-Illimo geela ayroo dhashay iyo rimay amaaraysa
41:-Iyo aarankeedoo ka badan ubaxyadii doogga
42:-Intay faras ku uuggaamiyaan ururin maayaane
43:-Ammaan kurusa awraha la qalay alamsan maayaane
44:-Iyadoo oofa waynoow sanguhu daba abraaraayo
45:-Gabagabada uudaa ma guro ibo day giisiiye
46:-Naaguhu ma ooyaan intay edebsan waayaane
47:-Alla iishayeey kuma hadlaan nala agoomeeye
48:-Waa duni ayaamaba wax kale lagu arkaayaaye
49:-Ul ma tuuro reerkii naflaha soo agaagumaye
50:-Nimankii asaartaa lahaa la istixyayn waaye
51:-Imminkanna ammaan bay dadkii ku ab-hinaayaane
52:-Waxa dunida aabigu ka dhacay lays eryoo naayo
53:-Ashahaadadoodiyo wardi bay kaga itaaleenne
54:-Ashkatooda mooyee gacmaha kuma adeegtaane
55:-Wuxuu goraygu iida u hayaa aburku waa ciile
56:-In kastoo dadkii naggu ilbaxay la itixaamaayay
57:-Awal baa atooto iyo shiish nagu abuurnaaye
58:-Uurjiif kayaggu waa yaqaan oodha dirireede
59:-Afrikaanba wuu naga war heli eega dabadeede
60:-Iridaha burciyo reer magaal ururka baanaaya
61ee ookiyaalaha gashaday waa adyada suuqe
62:-Iyo niman xaqooda u ergaa lagana awdaayo
63:-Dhaaxaa la,aan yuusay ooy amarka qaateene
64:-Waa waxa alaafaadka dhigay eedahaa dhacaye
65:-Alaasayda goortaan la dhacay em iyo kaarayste
66:-Ee lagu asbaxay goobta way nagu igbaareene
67:-Eray waliba yeedh muusannoow urugo reebaaye
68:-Abti sow ma dhiman seedi waa ubax la beertaaye
69:-Aarmiga hayaag iyo yaxyoo idhanka loo buuxshay
70:-Axmedkii galbeed oo baryahan idhanka loo buuxshay
71:-inaan goobta niman soo olladay laga ijaabaynin
72:-Ma ammaanayee waa mid ay ab u lahaayeene
73:-Ararsamiyo reer cali halkuu khaalid ku adhbaasay
74:-Mar hadday dagaal oogsadaan axan la muufeeye
75:-Irda gooye waa dhigi jireen waana ku aqiine
76:-Ma saakaa islaam iyo kufriba laysku iidaantay
77:-Geri koombe aar nooma galin sida ugaadeene
78:-Waa wada ardiyo macallin iyo alif qur’aanleye
79:-Arlo aan dhawayn bay kutubo ku akhrinaayeene
80:-Haddaan layl kasoow odhan lahaa aagba ma lahayne
81:-Oof-qaawiyaa nagu dhacdayoo awrtablana waayay
82:-Aw-yoo dhan bay maalintaa axadu saarnayde
83:-Warsangelina eebada dagaal iin ma qaayibo,e
84:-Maantii af-gaab iyo galoos lagu ashbaaxaayay
85:-Asadkii suldaan cali shiriyo urugadii haysay
86:-Iyo wuxuu adduunyo iyo lacag iib la daba joogay
87:-Igagama hadhine hiilku waa kaan ku aaminaye
88:-Haddayse dhalasho oofina hayaan waa arki lahayne
89:-Idilkoodba mooracase waa na arki waayeene
90:-Nin kalluun aroortii u kallahay eed ma raadsado,e
91:-Kolay gaadhi noo soo eryaan lagu alaab qaato
92:-Amay urugo noo muuji yaan maba illoow-neene
93:-Idhanka geeso-guuliyo kasqabe waxaan ku eeseeyay
94:-Odhan waaye oogtaa la shiday aano waw tahaye
95:-Abdo malaha reer kaan lahaa waad ku aargudane
96:-Waa taan adeentida u diray uuda qaylada,e
97:-Goortii amxaaro iyo shicib nala abbaaraayay
98:-Ee qorigu uurada kacshay bay ku istareexeene
99:-Nin walaalkii uub-dheer u qoday oo olol u xaabeeyay
100:-Oo goortuu oomaarta shiday oogo uga booday
101:-Oo wuxuu dabkaa ugu ajalay laba aqoon waayay
102:-Iyana waa asaayaha dhiciyo lama ilaawaane
103:-Oodaha majeerteen haddaan idhan ka faalleeyo
104:-Waa niman asaaggood ka hadhay oo abaajiyaye
105:-Oo aan ficilka aabbe u lahayn eel kastoo dhacaye
106:-Waa waxay ikhyaarkii rashiid u ajalaayeene
107:-Afar iyo tobnaad bay rideen oo ku oriyeene
108:-Adduunka iyo aakhiraba sow lagama eedaynin
109:-Reer ciggale waa laga anfiyay talo abbaarteede
110:-Asmadii xereed baa waddiyo arami doodiiye
111:-Waqood bay abaal bi,in jireen loo asxaan falaye
112:-Asal weeye inay kii waxtaray ku asaraaraane
113:-Adigoo abaal ku leh hadduu aanno kaa raadsho
114:-Ergo iyo islaamnimo ninkii kaa aqbali waaya
115:-Hadba meesha uu ku ordayaa la intiheeyaaye
116:-Waagay fidnada eerarsheen iyo amaa-duulka
117:-Ee godobtu aafay dhashaye aradku hayn waayay
18:-Ee ay abaarahaba qabeen iyo alhuumaadka
19:-Iliilaha tolkood iyo nugaal lagama eegayne
120:-Illin fure majeerteen ma garan eexadaan galaye
121:-Waxa qorilay loo soo arjumay waa ardaalnimo,e
122:-Injidii tolkood iyo biyihii lagu urquumaayay
123:-Waa ceelkay ku oon baxa hayeen una irmaanaaye
124:-Dabataagna guluf loo unkay ku asaruureene
125:-Albaabada la galay iyo guryaha la oblikaynaayo
126:-Arbayaasha dhacay waa degmada eerigoo timide
127:-Arbush lalama dhaco meel hadday ugaxdu kuu taale
128:-Indhahaaga lays-kamaridiyo idhanka kuu noole
129:-Amni haddii aad haysana colaad looma uunsado,e
130:-Aayaha dambaa loo shaxaa eelku suu noqone
131:-Maantana urtaa loo baxshiyo odhahda loo jeedshay
132:-Waa niman arbaabane haddii la ogolaan waayo
133:-Bal aan eegno talo aakhirkaa laga ogaadaaye.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaante ee Murti
Tafatirkii: Mr Cumar Ismaaciil Digeed