Gabaygan jacaylka ah abwaanku wuxuu u tiriyey xaaskiisa.  Sidduu sheegay Cabdullaahi, doobnimo ayuu ku weynaaday ka dibna guursaday gabadha uu gabaygan u mariyey.  Sababtiisuna waxay ahayd kalgacayl muujin iyo masayrtir.  Wuxuu yidhi: 

  • Aabahay rumaad iyo kolkii, hooyo laga reebo
  • Shugriyey wax ruux iyo naf leh, baad iigu roontahaye
  • Anna sida aan kuu rabo dhab baan, kaaga raaridiye
  • Rasmi inuu kalgacalkaygu yahay, oo aanan riyoonaynin
  • Rabbigii i uuntay baa igu ogee, rubuc intaad qaado
  • Raaliyadii aan saanyadaay, ramo odhaahdayda
  • Oo soo rujuuc oo niyada, hayga kala reebin
  • Anoo ruug-caddaaya oo aan lahayn, rug iyo raas toona
  • Anoon raasamaal haysan iyo, kob aan ku raaxaysto
  • Raggu maalintay shiri anoo, la iska kay reebo
  • Hadalkayga oon run iyo been, axad rabaa joogin
  • Ruwydiyo Najiib iyo Bedri iyo, raxantan qooqaysa
  • Muxyadiin Rijaal iyo Sacdoo, ugu yar reerkayga
  • Ubadkaa anoon rag iyo dumar, aabo ruux odhanin
  • Rabbi mahadii Eebaa, nikaax iigu kaa ridaye
  • Kolkan reerka buuxiyo adoo, raaxo ii sababay
  • Rabbi  kuma cadaabee abaal, raaga adigoo leh
  • Sidee baanan aad kuugu rabin, saw nin rag ah ma ahi
  • Natfaa kuu riyaaqday oo ducaan, kuu ratibayaaye
  • Rabbigayna wuu iga aqbali, saan rajaysnahaye
  • Adduunyada ku raag oo wax badan, ribix ku noolowe
  • Risiqa Eebe kuu waasacyoo, raas qabow noqo e
  • Raggaa iyo raggii ay dhaleen, oo isdaba roori
  • Intay gaadhiyaal kuuraraan, raarta buuxsada e
  • Rukumada Xadkii iyo Kabcada, raaliyaay gudo e
  • Ifka waysku raynaye markay, ruuxdu ina dayso
  • Rabbigay ha saamaxo danbigaad, ruubatee hore e
  • Rasuulkii udgoonaa intuu, kula rafiiqsiiyo
  • Raaca u horeeya ee jannada, Rawdo gali doona.
  • Alla inama kala reerayee, ha isu keen raacsho  .

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo