• Qamaan iyo Ismaacill Mire iyo, Qawdhan iyo Saahid
  • Qudhii Maxamed qawlkii Salaan, qodobyadii Raage
  • Qarnigii horeetaan ka hadhay, qoonkii gabaygiiye
  • Qabri baanan gaadhine adduun, qaatay calafkay e
  • Qorraxdii gudeysaan qabsaday, Qaahiraan tagaye
  • Qalin iyo waraaq baan sitoo, qaaradaan maraye
  • Wax i qaaday mooyeen cirkaan, qadaw ka laacaaye
  • Qudha Adari quruxdii Jigjiga, Qaali iyo Faafan
  • Qawyaha Nogbeed iyo Wardheer, qaalinimadeeda
  • Qabridaharre iyo Dhoobo-Weyn, qadadi noo tiilley
  • Qoorriga Suweys kama xumayn, qoodhay xeradeeye
  • Lagase qaaday qoonkii lahaa, taniyo Qaabiile
  • Ogaadeenkan qaxay jeer damboo, qaybta laga daayo
  • Oo qoriga laysla hor fadhiyo, qolo ku faa’iiddo
  • Qarxin maayo gabaygaan hayee, hayska qamardaaddo

Gabay kale waa kii Cabdi Gorod ku lahaa isagoo niman magacyadood la yaaban:

  • Jurijuri Jaamaale iyo Jagac, miyaan jabo la meegaartay
  • Jinni Xaarka saydhiyo miyaan, Wada Xun jeestaynay

Markii kale ee ay is hujuumeen ninkii colaadu u dhaxaysay ee uu ablaydiisii galka kala baxay dabadeed ninkii kale baqday waa kii ku lahaa tumaalkii uu ka soofaysan jiray saddex geesta qaroofan:

  • Shalay duhurkii markii Daahirow, Carab isoo doontay
  • Diilintii bannaanayd markuu, dumarku ooyaayey
  • Dabajiir midduu tumay markuu, igula soo duulay
  • Een Daabcaddaydii la baxay, soo degdegi waaye
  • Soofaha ku duug  waa anigii, kuu ducayn jiraye.

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo