Maxamed Cabdullaahi Jibriil oo ku magac dheeraa Af-Durdur wuxuu ahaa gabayaa caan ah oo u dhashay beesha Gaadsan, Dir. Degaankiisuna wuxuu ahaa Qorraxeey iyo nawaaxigeeda.

Wuxuu caan ku ahaa gabayga geela iyo guud ahaan dhaqanka reer miyiga. Sida naanaystiisa (Af-Durdur) laga fahmayo, wuxuu ahaa nin gabayga loo qiray. Boggan waxaan ku soo gudbin doonnaa gabayo dhowr ah oo qabyo ah, kuwaas oo qaarkood aan horay u faafinnay.

Gabaygan koowaad wuxuu la xiriiraa xilli uu Af-Durdur ahaa barbaar muruq-dhardhaar ah oo si gaar ah u banbaxay dhaqaalaynta geela. Wuxuu ahaa nin aan hawl adduunyo kale isku mashquulin, balse keliya ka fikiraayay halka iyo wixii u roon geela.

Geel reerkooda u gaar ahaa ayuu si weyn u xannaaneeyey, isagoo ku dadaalayay inuu geeyo meesha ay caro wanaagsan iyo naq ku yaal. Muddo kolkii uu geelaa sidaa u dhaqaaleeyey, wuxuu, malaha, ka waayay sidii uu filayey ama uu islahaa waad mudan tahay odaygii geela denbaabi jiray.

Markii uu yidhi “War sidan ha layga daayo” waxaaba loogu jawaabay “Geelan adigu ma lihide, orod oo waxaad dhaqatay doono.”

Isagoo haddaba ka warramaya geelaa iyo dhibaatadii ka soo gaadhay dhaqaalayntiisa, ayuu gabaygan tiriyey. Inta naga soo gaadhay, wuxuu yidhi:

Darmad lebi ah boodaan duryami, oo bir lagu duugay

Daaraan aleen aan lahayd iyo, dilaal aad ah

Dul ka yeedha koortaa waxaan, daawad u ekeeyey

Waxaan aar dinaahyeyn iyo, diilalyo u seexday

Dab waxaan u shiday intaan, dogobyo soo jiiday

Dibjirraha iyo baahida waxaan, duuda kor u fuulay

Dibqaloocyadoo dhacay waxaan, dalab kusoo heesay

Dawlis iyo wadaan iyo waxaan, yeel isugu duubay

Dar waxaan ka shubay uunka oo, daaska wada jiifa

Da’day rimi waxaan awr ku daray, dabacsanoo hoor leh

Waxaan tii nirgaha daabisiyo, dila dhaqaaleeyey

Dul warowday daac iyo waxaan, xidhadh dabaalsiiyey

Intaan dayrta maanta ah taray yaan, dib u shallaytoone

Haddii layga diray qaalamahaan, abid ku daalaayey

Ruuxii dagnaan lagu hayow, haatan kuu digaye

Ragow duq iyo xaaskii is qaba, haysu kala daadin

Waa gabay calaacal u eg, laakiin xaajo qaadasho, dood nin weyn, digniin iyo talo bixin isugu dhafan.

Soomaalidu waqeed waxay isugu faantaa ‘reer hebel reer hebel baa ka badan oo ka laandheeraysan.’ Iyadoon ciddina tirakoobin, ayey haddana mar walba laabta isugu gaaraacaan laangaab baa tahay, reer hebel miyaad gaadhaan iyo wax noocaa ah.  Waxaa la yidhi, dhawr qoys oo Reer Cabdille, Ogaadeen, ku wada abtirsada ayaa isu faanay, gabayo faankaa la xidhiidhana isu tiriyey.  Gabayadii mid ka mid ah ayaa si shirqool iyo masabid ah waxaa dusha laga saaray Af-Durdur oo la yidhi isagaa gabaygaa tiriyey.  Af-Durdur qoladii gabayga lagu qadfay ayaa qabsatay.  Ma tirin anigu gabaygaa ee qofkii tiriyey doonta ayuu isna ugu jawaabay.  Nimankii ma qancin.  Gabay gabay unbaa jawaab u noqon kara oo halkii uu gaadhay gaadhi kara, wixii uu haleeyeyna hagaajin kara.  Kolkii sheekadii faaftay ayuu Af-Durdur gabay mariyey gabaygaa oo uu ku muujiyey shirqoolka meesha ka socda iyo is indha-tirka qoladan dambe ee isaga qabsatay.

Wuxuu isticmaalay xikmad cajiib ah, isagoo gabaygiisii sheeko gundhig uga dhigay.  Wuxuu xigtay sheekadii ahayd “shabeel baa caruur meel xidh ah ku qarsaday oo ka qadhaabsi tagay.  Intii shabeelku ugaadhsiga ku maqnaa ayey cag-weyn caruurtii ku durdurisay oo cardiiqaha ka dhigtay.  Mid yar ayaa baxsaday oo kayn ku dhuuntay.  Shabeelkii oo goodir soo dilay oo shaarubaha dhiig ku leh ayaa halkii uu caruurta kaga tagay kusoo noqday.  Wuxuu u yimid iyagoo baabah laga yeelay.  Kii yaraa ee baxsaday ayuu u yeedhay oo weydiiyey ‘war yaa idin laayey?’  Geelbaa na laayey ayuu ku jawaabay.  Shabeelkii wuxuu yidhi “anaa garanoo, geel ma laynine, giiraa baabi’isay.”  Sheekadaa khatar ah ayuu Af-Durdur gabay ku dhisay oo wuxuu yidhi:     

Shabeel baa caruur shan ah dhalayoo, qaar shabaab yahaye

Xidh shareeran buu galiyey iyo, shawli iyo ceele

Isagoo shaqaysi u baxayoo, shalayto dheef doontay

Oo cawl shareer badan lehiyo, goodir shilis laayey

Oo shaarubaha dhiig darayoo, libin la shoocaaya

Oo soo shabbacay buu u yimid, sheemo iyo yoone

Shabaakooyinkuu xaaska dhigay, shaaldo lagu jeexye

Shalaytooyey oo yidhi waryaa, shuunkii gawracaye?

Mid shitaar ah oo galay huluul, shar isla soo taagye

Shuftadii inay geel tahay buu, shubay warkeediiye

Shifana Eebbahay ugama dhigin, sharaxle weedhaase

Shaadiro riyaad iyo laxbuu, shiish ku qaabilaye

Shansho gaabnidooduu arkaye, lama shuqeeyeene

Anna waxa rag ii shabinhayaa, waa shaqiibnimo e

Ammaan Waaq haddii uu shin yahay, layma sheemeene

Shirwac iyo Sharmaarkiyo maxaan, Higis u sheegsheegi

Maxaa Cali Wanaag igu shiddayn, maan isaga sheexo

Shilaabana aan joogee anoo, shawrka marinayaa

Car bal xaajadaas oo shirraban, sharac Allee keena!

Waxaa jirta sheeko aanan wax badan ka haynin oo dhexmartay Af-Durdur iyo gabayaa kale oo Muuse Hurre la odhan jiray oo Bahgeri, Ogaadeen ahaa.  Sheekadaasi waxay ka kacday guur haweenay magaceeda lagu sheegay Canbaro-Aadan.  Gabayo badan oo mudo socday ayey Af-Durdur iyo Muuse Hurre is dhaafsadeen.  Dhawr kuwii Af-Durdur ah oo aan ka qoray cajalad uu duubay Cali-shoocaac Cabdille Fiixiye ayaan raacinaynaa.  Jawaabtii Muuse Hurre, kuwa Af-Durdur wixii ka maqan iyo sheekadaba haddii aad wax ka hayso nasoo gaadhsii, kheyr baad helaysaaye. [email protected].  

Af-Durdur baa ku horreeyey oo mariyey gabaygan uu kula yaaban yahay sababta ay Canbaro-Aadan ku dooran karto Muuse Hurre.  Dadyow kale oo badan ayuu tiriyey oo uu leeyahay kuwaa mid ka mid ah may guursato.  Wuxuu yidhi: 

Maxamuud Garaad iyo kolay, Reer Harti u moodo

Ama ay Mareexaanka Bari, midig u raadcayso

Iidoorka maadha ah kolay, inan ka meermeerto

Ama ay Maxamedkaa Subeer, meel isaga tuurto

Kolay macallin reer Aw ah iyo, sheekh mufti ah raacdo

Maryo weynta reer Tolomogiyo, miidha Cawlyahana

Margi-balaqay hilay saaratiyo, geel miscilil weyn leh

Iyo adhi mukhuur iyo lo’ badan, kama madhnaateene

Afarteeda meelood Bahgeri, madax kolay aaddo

Oo aanay maqaafaha ka xulan, iyo midgaankooda

Kolaad nimanka kula maytida ah, meherka raacsiisid

Muslim badaye seebay Milmili, ugu macaanaatay?!

Muuse Hurre kolay gabayaa ka jawaab ee soo raadi jawaabtiisii.  Waxaa ku noqday Af-Durdur oo yidhi: 

Midiin quruxsan maaweel la mood, madal lasoo tuurye

Milmil nin u dhashay baa maanso iyo, meherad kaa fiican

Baddoo madhatay oon ruux mantagay, maydhi karin weeye

Magaalada Hargaysoon lahayn, mariyo qeyd weeye

Markab Cadan kasoo dhoofayoon, mood ku jirin weeye

Muqdishiyo Markiyo Baydhaboon, moos ka bixin weeye

Nimuu Malakumowdkii maroon, mowd u noqon weeye

Mas-cad iyo abees nimuu mirtoon, maral ahayn weeye

Oo maariin-dhalaal bay noqoni, maaqufyadu weeye

Soo raadi jawaabtii Muuse Hurre ka bixiyey gabaygaa.  Halkaa markay marayso, Muuse Hurre wuxuu la baxay Canbaro-Aadan wuuna guursaday.  Af-Durdur marka xero uma oodna, afkiisuu la baxay.  Gabaygii ayuu ku noqday oo wuxuu yidhi:    

Wax la xiiso maalaba markay, xaganto laabteedu

Ee gabadha xaluskii ka baxay, xaydhu ka idlaato

Iyadaa xadhaadhaan sidii, xabag dhunkaaleede

Soo raadi jawaabtii Muuse Hurre ka bixiyey gabaygaa.  Mar kale waxaa gabaygii ku noqday Af-Durdur oo yidhi: 

Anoo aabbahay dhaqay hor-weyn, dhabana oo aada

Waxaan dumarka uga dhawrsadaa, dhawr tiraad bixine

Nimanyahaw nin dhawr neef lehoo, dhawrsan kari waayey

Oo gabadh rag dhalay dhooldhooliyoo, dhabanno xoodaanshay

Oo dhaar ku maray maalintaa, Dhudi inaan guursan

Maxay dhami maxay dhigan maxaa, dhiisha lagu qaabin

Dhar maxay ka xidhan naagi waa, tii la dhaalaco e

Xidid waa dhagmaayee maxaa, qoladii loo dhiibi

Maxay dhaansan gaadiidku, waa ka ugu dheef roone

Dheeldheel danbeetiyo maxaa, dhamamax loo laabi

Dhibic maxay ku soo siin xirsiga, lagu dhawaaqaayo

Sida nimanka dhaantadu hoddiyo, dheellidiyo beertu

Dhal la’aanta lama fiiriyiyo, dhaalka yaa karine

Dib baa xaajo loo dhagaxguraa, tay u dhaadhiciye

Dhiiqey miskaha kuugu ridi, dheregta qaarkeede

Ragow hays dhabaandhabin, adoon xeradu kuu dhoobmin.


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo