• Rag qabiilo weyn iyo gobbaan, soo qareensadaye
  • Iidoorka qaylkiisa xumi, iguma qooqeene
  • Nin qisaasi keentaan ahaye, qadaw ma joogeene
  • Inaan qoorta laadlaadiyoon, quustay la i moodye
  • Waa badan qabiil liicay oo, soo qandoodsadaye
  • Qabniyo xoog qaddiimadiyo faro, qiimi lagu kuunyo
  • Qudh la gooyey qaafilad la dhacay, qaad la kala hoyiyey
  • Xeryo qaawan qayrooyin badan, qani la caydheeyey
  • Qaadhkiisa geel lagu surmiyey, qori sagaalley ah
  • Dhaaxey qabiilana dhaceen, qolana riixeene
  • Ma qaddiimad meerin tolkay, waliba waa qaare
  • Qaafada Ammaadin iyo Caamir, Qulul u soo guurye
  • Qarrigii ka yimid Maalinguur, qoofalka ahayde
  • Qudhicii Sabsabanuu Ugaas, Qayradii furaye
  • Qorraxeyda weyn Keenadiid, qaarkii baa yimid
  • Qabridaharre Faraskoodu waw, qoob aroor tagaye
  • Xiddigii qalloocnaa wa kaa, soo qummaatiyey
  • Qoodhay iyo xeraday inuu, qiil idiin baxaye
  • Ha ka quusanina Eebahay, qaan ma duudsiye e
  • Qorbaase aniga ii dheer, wuxuu qabo Ogaadeene
  • Way lay qulquladeynayaa, haydin qoonsade e
  • Ana sida duq qadaw laacin baan, qulubsi luudaaye
  • Qiil baan u haystaa hadday, igu qalloocdaane
  • Intaan qoriga weyniba i mudin, qodaxdu way laynin
  • Qarni horre Bidhiidh suu lahaa, way i qabataaye
  • Qudhaanjaa u yare meel hadday, kugu qaniinayso
  • Qaarkeed habeenkaas hurdada, kaaba qadiyee e
  • Ninkii gob ahi wuu qoomamayn, qawl xunuu yidhi e
  • Ama wayska kay qabanayaa, iima quudhaba e
  • Qanjaafila gumeedkaan afxumo, iga qarraaceyne
  • Kolba kii qunbiyo nayl wataa, way qallacayaaye
  • Dhaaxaad sidii qabay dhanaan, noo qudhqudhiseene
  • Kolkan qayriddiinnoo jabtaa, waydin qabataaye
  • Allahayow qilaaf idin dhexgali, qoysba dhan u rooro
  • Qoof Eebe wuu badan yahaye, kolaad qamiisoodowdo
  • Rabbi qoorta kuu gali wuxuu, qabo Ogaadeene…

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyi Suugaanta ee Murti

Qalinkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo