Gabaygan taariikhdiisa oo dhan waxaad ka heli doontaa linkigan https://murtiyosuugaan.com/dhurwaale-iyo-kuwo-kale/
- Maansada Cabdiyo Nuurba way, igu canaanteene
- Ciroolahaa i waydiiyay iyo, culimadaan diidaye
- Cismaan iyo adaan Jaamacaw, kuu camirayaaye
- Ka cudhaadha cawaan sidii, ceel idiin shubiye
- Carab iyo Gurey waatii uu, cunay waraabuhuye
- Cabdilaahi Nuux iyo Salaan, ciida lagu aasye
- Cawil Eebbe mooyee Khaliif, ka cifan maysaane
- Cadaab ma arke Aw Yuusuf baan, ciilkii duubnahaye
- Ceeblaawihii layga qaad, caalinka ahaaye
- Nin Cadaawe riixaa ka madhay, cuurka Reer Dalale
- Iyagu soo ceshaa iyo innagu, kula carrawnaaba
- Jeeroo col kale soo baxoo, qolo la ciiryoonto
- Ama ay wax kala caad baxaan, sida cirkoo hooray
- Intay Baho cadceed iga xigaan, caafimaad dhimaye
- Afaan Ciidagale ugu gabyaa, iima caad bixine…
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyi Suugaanta ee Murti
Qalinkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed