Mar kale ayay nimanka Reer Cali ahi (Ama: Reer Cali) geel kasoo dhaceen (Ama: qaadeen) Ciidagale. Geelii waxaa ka daba yimid ciidan Ingiriis iyo Xabashi isugu jira oo ilaalinayay heshiis ay horay u kala saxiixdeen. Heshiiskaas wuxuu ahaa in qabiilkii mid kale xoolo ka dhaca si wadajir ah looga soo celiyo.
Haddaba, markii uu geelii dib ugu noqday Ciidagale, waxaa geeraar mahad celin ah tiriyay geeraarshe reerkaas ah. Xarbi (ninkaa) ayaa gabay ugu jawaabay isagoo xusuusinaya in aanay geela sidaa kaga hadhaynin. Wuxuu si jees-jees ah uga codsaday nimankaas geela Ingiriiska u celiyay inay birta, oonka, qaniinka, cadhada iyo dhugatadaba ka dhawraan inta uu gacantiisa (Ama: gacantooda) kaga soo noqonayo.
Hadduu gaalku noo kiin dhiboo, maanta naga dheelmo
Dhala-uus dhabbaha qaaliyeed, dhinaca Buunshaale
Xeryahaan kaliil hore ku dhacay, dhaafin mahayaane
Intay dhagaxa hoos uga ridaan, dhuumin mahayaane
Dhoobada intay joojiyaan, dhoofin mahayaane
Nimankii seen isaga dhawnaa, dhaagi mahayaane??
Dhudhumada markaa inaanu qaban, dhawri mahayaane
Kolkii hore dhallaan baydin galay, dhuumashe ahaaye
Intaan dhudaha Guuleed maroon, col u dhabaalyeeyo
Annagoo dhan reeraha dhexdood, dhaaxa naga eega
Arladiina dheelkiyo intay, dhedada baas joogto
Dheeheey waxaan kaa maqnahay, dhibica deyreede
Meeshii dhinbiil badan leh iyo, dhaayin la ogaada
Dhogorteeda jeel baa rogee, dhanaha fuudsiiya
Kaa haatan dhays ihi intuu, dhalayo sii raaca
Dhiilka uun ha eegine nirgaha, dharaq u sii daaya
Cusbada dheegga yaan lagaga rarin, dhaamiyaha awrka
Goortay magaaladu dhashaad, dhadarbiyeysaane
Dhurwaayahay ha iga siisanina, dhar iyo soor toona
Niriggaad ka sii dhaylyeysataan, dhagar u qoondeeya
Dhaqaaleeye geeliinnu way, naga dhexeeyaaye
Qab ayaa gabaygan ka muuqda maxaa yeelay mar niman uu horay u dhacay ayuu ku digtay, marna geelooda ayuu ka codsaday inay sii dhaqaaleeyaan inta uu xoog kula soo wareegayo.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyi Suugaanta ee Murti
Qalinkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed