Camanje Yogol wuxuu ahaa gabayaa muctarif ah oo tixihiisu ku baaheen aadna looga xiiseeyo dhammaan degaanada Soomaalida Galbeed, kuwa Waqooyi iyo inta la ollaga ah. Sidoo kale Camanje wuxuu ahaa aftahan geed-ka-hadal, nin kaftan badan oo ragga ay isu gabyaan kaftan kale oo caadi ahi u dhexeeyo iyo nin miyi iyo magaalaba ku dhaqan oo labada nololoodba ehel u ah.
Marbay waxay kaftameen niman reer bari ah oo askar Talyaani ahaa oo Jigjiga yimid xilliggii Talyanku Itoobiya qabsaday. Kaftankii hadalka caadiga ahaa ayaa gadaal mid gabay isu rogoy. Camanje nimankii gabay kulul ayuu u mariyey, waxaana gabaygaa naga soo gaadhay meerisyadan hoose. Wuxuu yidhi:
Namiimnimo Majeerteen miyaan wali ka niibkeenin
Ma nifaaqii oo buuxiyuu xalayto nooleeyey
Naxliga iyo nuxuustii miyaa naari soo kiciyey
Nasri miyuu ka sugi Eebahay saw ma nici doono
Iyagiyo Namruud saw Janadu kama nijaasoobin
Nayroobi iyo Xamar horraad nag uga siiseene
Dhulbahantaa naflaha kuugu xigga nabadse kaa waaye
Warsangalina nabarkaad barteen nadigu iimeeye
Adduunkii nagaa idinka iyo naagahaa rogaye
Nasabkiinu meel buu ahaa nuridu waa iine
Nacallaa Majeerteen ku yaal nolol ma haystaane.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed