Deyl Yogol ayaa gabay aan tixahan hoose ka hayno tiriyey isagoo ku diganaya Isaaq oo dagaalo is daba joog ahaa Absame ku jabiyey.  Wuxuu gabayga si gooni ah u  maqashiinayey Ismaaxiil Xayd Af-law.  Wuxuu yidhi Deyl:

  • Ismaaciil Xayoow laba hal oon, xalay ku taawooday
  • Waagaad xaggiinnaa u kici, xaraf aan kuu sheego
  • Xubbina iiga qaad taydu waa, sida xariireede
  • Sow kama xog-haysaan kuwii, xuurta la cunsiiyey
  • Sow kama xog haysaan kuwii, Xaraf u daaduumay
  • Sow kama xog haysaan kuwii, faras xabbaadhaayey
  • Seeddoow haddaan lays xasteyn, xoon gobbaan nahaye
  • Anagaase libintii xignee, xuuxda naga daaya

Ismaaciil Xayd Af-law way la ahaan weyday inuu is dharriijiyo oo uu mindi-mindi ku taag meesha lasoo istaago.  Wuxuu door biday inuu qirto jabka tolkii soo gaadhay una garaabo Deyl.  Wuxuu yidhi:

  • Deyloow wanaagsane haddaan, weedh yar kuu celiyo
  • Inta gabayga waadhoolisaan, waaridkeed ahaye
  • Waxoogaa yar lama laaqiyee, waan warwariyaaye
  •  
  • Anigu weedha waan daalacdaa, sida wadaadaaye
  • War biyo leh sideed dadkuba, uga wiyeertaaye
  • Waanjuu haddii Ceel la daro, wiig ma madhiyeene
  •  
  • Waraabuu hadduu neef la dhaco, waa winjiiriyiye
  • Waxna ma taro dharaartay xabbadi, daba warraaqdaaye
  • Wadartii la jaray Ciidagale, laguma weydiinne
  •  
  • Halihii wadeecada ku galay, laguma weydiinne
  • Nimankii Amxaaruhu wanjalay, laguma weydiinne
  • Habrahaydun waajuuciseen, laguma weydiinne
  •  
  • Kolkii Reer Wacays lagu wab yidhi, waaga berigiisa
  • Iyaba waa walaalkiin haddaad, u welweleysaane
  • Waasaca Bullaale iyo halkiyo, waraqa Hooyaale
  •  
  • Weelkooda reerihi la qubay, Alla miyaa weertay
  • Wedkiinuba qariib inuu yahaann kuu warramayaaye
  • Wadaadadan gaboobiyo hablahan, waa walbaba ooyi
  •  
  • Haddaan wariiddadoodii la layn, ma aanay weerteene
  • Waab-Cawska naagaha gala, ma iyagaa waalan
  • Mise idinka wiilkii la dilo, waxar yar baa dhaama
  •  
  • Waleensina u guura oo ritiga, weelka lagu qaadye
  • Waabayda kuu qooshan iyo, waxa laguu doonay
  • Waxyar i dhawr waraaqbaa la diri, wiiggan dabadeede.

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo