Xilligii abwaanku noolaa, dhaqanka Soomaalidu wuxuu ahaa in raggu uu usoo gado dumarka mariinka iyo arad-baxa labadaba.
Maxamuud ayaa haweenay u dhaxday usoo gaday ganbo. Kolkaas ayay haweenaydii jeclaysan wayday ganbadii, oo ay ku tidhi Maxamuud: “Way gaaban tahay oo guudka ii wada qarin mayso.”
Xilligaa dumarka Soomaaliyeed waxay la bixi jireen guud weyn oo aad loo dhaqaaleeyo. Maxamuud ayaa, isagoo ka garaabaya in uu ka warqabo in ganbadu gaaban tahay, uuna ku talo jiro inuu mid kale dhawaan soo iibin doono, afadiisana ku yara canaananaya in ay tahay qof dumar ah oo garaad gaaban, tiriyey tixdan:
- Naag yahay garaad li’idu waa geedka kugu yaale
- Gus haddii aad leedahay caqligu kuguma gaabteene
- Waxaan kuugu soo gaday ta kale inaad ku gaadhaaye
- Inay gaaban tahay waan arkaa gaasirkay tahaye
- Ganbo aad ah Reer Yuusuf baa guga laguu siine
- Waxaan soo garaacaba haddii aan gagida soo taago
- Beesado guduudani malaha wayga soo galiye
- Ninse gafuurka Ina Xayd arkay yaan gadan aqoonayne.
- —Ismaaciil Xayd Afloow oo dagaal maanso ka dhaxeeyay ayuu u jeedaa.
Gabaygan intaas ayaan ka helnay.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii Mr: Cumar Ismaaciil Digeed