Soomaalidii hore haddii ay geel soo qaadaan, ninka gabayaaga ah sadka iyo sahmiga uu geela ka helo ee uu ula siman yahay ragga kale waxaa u dheeraa, oo lagu maamuusi jiray, hal la yidhaahdo Hal-gabay.
Geelii Indha Badane ee Ogaadeenku ka dhacay Isaaq ayuu Maxamuud ka calaamadsaday Hal-gabay. Isagoo tilmaamaha hal-gabayga uu qaadan doono qeexaya, waa kii lahaa:
- Hashaan geela ka qaadanÂ
- Ee tolkay ii qaban doono
- Tilmaanteeda aan qeexo
- Qamiis ma aha madow
- Qamiir ma aha guduudan
- Qarjaf ma aha cag weyn ah
- Qonjar ma aha cayuun ah
- Qayax ma aha caddiin ah
- Qumud goodir la moodo Â
- Qoran oo kala jiidanÂ
- Oo qadow laaca taqaana
- Qulqul aan ash ahayniyo
- Baarkaa gees u qallooca
- Waagay qaalin ahayd bay
- Nirig qoor jabanaysay
- Qaayibbaa la yidhaa
- Afar qoone wadaag iyo
- Qardhaas bay u xidheen
- Qoodhadhkaa kala jeedda
- Qaskii baysku wareegay
- Kii qooraanso yidhaahdabaÂ
- Qosol buu u dhacaayoo
- Cadaabtay noo qariyaan.
Ma dhamaystirna geeraarku cidii helaysa Nala soo xidhiihiya intake dhiman
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii Mr: Cumar Ismaaciil Digeed