• Tawaawacayey toban jeer miyaan, xalayto soo toosey
  • Tiiraanyo iyo ciil miyaan, tima madoobaadey
  • Sidii adhi tigaad cuney miyaan, taaha ku caweeyey
  •  
  • Ma tunkaa i buuxsamay sidii, toban jir awr-geel ah
  • Ma talaabadaydaan haldhaa, orod wax tuugeynin
  • Laba saanac ii tumay miyaa, tiirsan garabkeyga
  •  
  • Miyey tabaraday laba qabiil, taws dhex dhigi weyday
  • Balayadan i taaba leh miyaan, toosin kari waayey

Halkaa ayuu joojiyey Nuur gabayga.  Markii uu aarsaday ayuu kusoo

noqday oo dhamaystiray tixdii.  Wuxuu yidhi:

  • Ma Cabdaa turaabta isku rogay, waa tabtaan rabaye
  • Markii aan ku taagsaday miyuu, talalay oo reemay
  • Ma tummaatadii baan wadnaha, tahan wax weydaarshay
  • Ma tawaawicii buu i yidhi, taa ha ii celine
  •  
  • Tunka xil iga saarraa miyaan, tuurey galabtiiba
  • Libaaxuba dhurwaa toban-kunuu, tulud ka qaataaye
  • Ma rag baa la tiriyaa hadduu, toban kol weydaarto
  •  
  • Ninkii farayaan lagu tuhmey, talo ka hoostaaye
  • Wallee aniga waa lay tixgelin, tiirinimadeyda


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo