Dagaalkii ay Soomaalida Doollo iyo Hawd degtaayi u taqaannay Dagaalkii Jiidha wuxuu ahaa mid dhex maray beelaha Abraahiin iyo Habar Yoonis. Abwaan Maxamed Dheere, oo ka mid ahaa hal-abuurradii waaweynaa ee waagaas noolaa, ayaa dagaalkaas ka tiriyey tixdan hoose oo caan baxday.

Sida gabayga laga fahmi karo, dagaalka waxaa soo abaabulay Habar Yoonis oo duullaan gaado ah ku soo kicisay deegaanka Doollo. Waxay geel ka qaadeen, ragna way laayeen. Abraahiinkii dhinaca Habar Yoonis ka dhawaa ayaa si degdeg ah isu abaabulay oo geeliina ka daba tegey. Waxay gaadheen halkii ay nimankii geela qaaday ku sii wateen, jilibkaana laysu dhigay. Guushu waxay raacday Abraahiin, oo geeliina soo dhiciyey, raggii qaadayna wax yar mooyee laayey. Maxamed Dheere, oo dagaalka ka qayb-qaatay isla markaana ahaa abwaan muctarif ah, ayaa dabadeed gabayo dhawr ah ka mariyey, kuwaas oo uu ka mid ahaa gabayga la yidhaahdo “Beyr”.

Gabaygiisa, Maxamed Dheere wuxuu inoo tilmaamay sidii uu ugu diyaargaroobay duullaan-celiska, isagoo xusay sidii uu u soo giijiyey qorigiisa, rasaastiisa, iyo weliba saddex-gees qaroofan oo uu dhexda ku xirtay. Wuxuu cadeeyey inuu dharkiisii xaragada ahaa meel dhigay oo uu ku soo jufay hugii dagaalka. Wuxuu inoo tilmaamay halkii Habar Yoonis geela ka qaaday oo ku taal duleedka Wardheer, iyo sidii degdegga ahayd ee looga daba duulay, isagoo ku dooday inaanay geelaas dhicisayeen haddii aanay rag dagaalamin, Habar Yoonisna lagu jabin lahayn.

Wuxuu dabadeed xusay dabaaldeggii ka dhacay Doollo dagaalkaa ka dib. Wuxuu ku dooday haddii aanay nimankaasi sidaa u kala libaysan lahayn, inay ceeb weyn ka raaci lahayd oo aanay sina uga bixi lahayn af-xumada ay Habar Yoonis ku taartaan lahayd. Wuxuu si gaar ah u xusay Reer Sugulle, oo ah qoys Habar Yoonis ka mid ah, oo uu sheegay in halka dadku baqi jiray ay tooduba ahayd geedo-kama-baydh (geesinnimo aan leexleexad lahayn). Wuxuu raaciyey: “Sidii lagu yaqaanay ayey seedow iigu beer jileecsadeen.”

Ugu dambayn, wuxuu kusoo xidhay dhawr meeris oo uu ku qeexayo in Habar Yoonis ay khatar u badheedhay kolkii ay qoyskiisa soo raadsatay. Inkasta oo Abraahiin ay tiro ahaan ka yar yihiin Habar Yoonis, haddana ay dagaalkii ku loogeen dacar aan la cabbin.

Wuxuu yidhi:

Xalaybaa habeenkoo badhtamay, buun la ii tumaye[1]

Barkintaan ku jiifiyo darmada, baw kasoo idhiye

baalaha intaan deyey hurdada soo baraarugaye

Buntukh iyo lasoo baxay rasaas, badanoo ii tiile

Beerkaan kusoo xidhay ableey,[2] baarax loo tumaye

Bisinkiyo waxaan soo cuskaday, baraha yaasiine

Sidii baydaraan[3] dhigay dharkii, biifka ka caddaaye

Boqorkiyo waxaa nala ballamay, sheekhii loo bogoye (Sheekh Daahir Xaaji Maxamuud)

Buulada Rafliyo xaafadeey, Billa ka qaadeene[4]

Barqin weerarkiibay Baqsiyo Baladka dhaafeene

Beeraha afkoodaan ka helay, budulkii hoobaane

Birmadkeeda waataan ahaan, buukiskii hore e

Gebobebada boodh ka leh markay baarax ololaysay

Markay baarcaseey[5] nirigta yari, birinbirqaynaysay

Ee baarqabkeedii sidii, bahal u guuxaayey

Ee geesiyaashii badhkood, hanatay baaruudu

Fulaygii banuunow haddaan, wada baxaayowno

Oon beerka loo dhigin rasaas, Bogga[6] ma maaleene

Biixiyuhu raggay kala jabeen, laguma baanteene

Bululkii adoogiis la dilay, kuma barbaareene

Aqal baaxad weyn iyo aroos, kuma bulshayneene

Baddu nagama maydheen waxay, nagu batookhaane[7]

Baalaha markaan labada dhinac, boobto uga laynay

Boqolow kobtii lala hadhiyo, baqalkii reer Ciise (Nin Maxamuud Ibraahim la odhan jiray oo dagaalka lagu dilay ayuu ujeedaa)

Reer Sugule xagarkii banee, bidix u yaaciiye

Basarkii adoogood yiqiin, badiye seedowe

Sidii bay lo’aad oo hundaha, bixis kasoo daaqay

Oo booji soo cunay maryaha, xaar ka buuxsade e

Biindhaduba baabuur dhanbay, kor ula boodaaye

Baalooto aar ba’an marbay, kala baduugtaaye

Beyl laguma maydhiyo batrool, ololku baalyaalo

Bahal lama xambaartiyo abees, beydidiis qaba e

Bunbo lama barkado gaanjadii, ay ka bixiyeene

Bur dhunkaal ah baad laguma cuno, baahi loo qabo e

Ma badnine buruudbaa Illaah, nooga dhigay buure

Barbarkaanu joognaa Isaaq, beyr ka leeyahaye

Intaas ayaan ka helnay gabayga Soo dhamaystira ehelkii Murtidoow.


Kaydintii Akadimiyadda Afka iyo suugaanta ee Murti

Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo