Isla dagaalkaa Jiidha ayuu Maxamed Dheere wuxuu sifeeyey sidii rag isu helay, sahankii la diray, iyo wixii rag kale dheefay.  Wuxuu taxayaa rag door ah oo Abraahiin ah oo uu u arko inay wacdaro muujiyeen.  Inta aan helay wuxuu yidhi:

  • Xasan Qalac qumanow Yuusuf Qani, qaalanoow Maxamed[1]
  • Qalbinuuriyow ina Guhaad, qaate ducadiiye
  • Xuseen Mallow sibraarkii u qabay, qaabkii loo toloye
  • Qolkii xero jilfeey gaas qabbiran, qab isla dhaafeene
  • Qamaamihii horeetaba labay, kaga qolfeeyeene
  • Qaylya iyo gaadh lanada qolo, laysu qoob eriye
  • Teeriyo qabriga Xaajigiyo, qodaxle meeshiisa
  • Qardo iyo wadaba waa sinaa, qalablahoodiiye
  • Wixii qaamudkii galay ku dhimay, qaarna dhaawace e
  • Qalabkoon la guran weerarbay, nagu qac siiyyeen
  • Qiyaas li’i rasaas noogu ride, qaaca waaberiye
  • Qabo daadsan qaar tolan fundhaal, qaade wixii yiilay
  • Qurbac loogama tagin reerihii, qeyrada ahaaye
  • …..
  • Markaan Quustar Dheeriyo Lixlaha, qoorta kala raacay
  • Ku qabaw qabkuu damacsanaa, qaar-dambe cayuune

Mar kale ayuu Maxamed wuxuu si gooni ah gabay ugu weeraray nin ka mid ah raggii colka soo dumay oo la odhan jiray Koosaar.  Sida tixda aynu ka fahmi karro, Koosaar markii raggiisii la jabiyey ayuu u cararay dhinaca Caado.  Dadkii safraha iyo reer guuraaga isugu jiray ee Koosaar arkay markuu baqaha ahaa horayna u yaqaanay ayaa la yaabay diifta odayga ka muuqata.  Maxamed Dheere wuxuu damcay inuu mar kale uunka maqashiiyo dhibaatada gaadhay Koosaar.  Wuxuu tiriyey tix ay iga soo gaadhay:

  • Siddii geel cashiyey oo galbeed, geed xun kaga caalay[2]
  • Ama cawl lo’aad oo carriyo, keyn cosob ah jooga
  • Ama adhi cararay oo dhurwaa, ceynta ku idleeyey
  • Caarad-dhuub markii labada dhinac, lagaga cayntaarshay
  • Ceebowyey koosaar miyuu, calaladii tuuray
  • Cantabkii ka daadaataan wadada, Caado loo marine

Maxamed Geele Ibtaahim Yalax

Xasan Faarax Siciid

Xasan Guhaad

Xuseen


[1] Gabayaa Aabi Duulaa Maxamed ayaan ka qoray.  Nayroobi, Kenya. Febraayo 2005

[2] Abwaan Aabi Duulaa Maxamed ayaan ka qoray.  Nayroobi, Kenya. Febraayo 2005


Kaydintii Akadimiyadda Afka iyo suugaanta ee Murti

Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo