·         Cabdi Gorad garaadkii markuu gabayga saaraayey

·         Gablan talo adduunneey wuxuu ugu guraabaasay

·         Macnahuu ka gooraamayaan Biixiyoow galaye

·         Kol hadday garkaa iyo garkaa geesna qaban weydo

·         Inaad gebi dhacdaa way xuntahay ood galgalataaye

·         Bari iyo galbeed xaajo waa mid u gawaan raace

·         Ha yeeshee gadnaan doodifeey geeri loo dhalaye

·         Kurus gool sideed jira mar bay guduri dhaantaaye

·         Guduudane marbuu kuu noqdaa aar gaboodyo lehe

·         Gendi weheshad baa kaaga roon xuunsho guluc dheere

·         Gudcurkiyo caddadu waa midkaan gibilku saarayne

·         Gojoxada ka weynee guntiga lagu gufaynaayo

·         Iska gudub gantoobkeedu sheeg taana way gabiye

·         Ka gilgilo gantaal kugu dhacaa kaaga gu’i waaye

·         God-dhaw goori iyo gawracdii laysla garan waayey

·         Cilmigaan ka goodiyahayaa taa ka guda weyne

·         Gogol-dhigadka maamaahdu waa gabayadaydaase

·         Gucunkeeda maansadu halkay gacan-toglaynayso

·         War guulaanti xididaysatiyo guurti laga yaabay

·         Goljeex iyo madaba way helaan inay ku goobaane

·         Ma gartaan gibbaankoo dhan iyo jaale goray-ciile

·         Gurdan raaca googaatamoow gaabsadaan odhane

·         Gocorkiyo ardaa niijiyoow hooy gabaan idhiye

·         Halkay gumacyadaydu u socdaan waa gun iyo baare

·         Af gurrani hadduu goob yidhaa wuu guracayaaye

·         Haku guban dheh waa guluc shishiyo goobadaan xidhiye

·         Hana moodin goof laga bixiyo gaaman laasa ah dheh

·         Galalaati mool howgu dhicin gawyalaan faraye

·         Gamuunkaan cirka u riday halkuu dhigan gafuurkiisa

·         Ha arkeen gulaamadii batiyo uur-ma-gaaxsade e

·         Onkod galaw ka diday baa odhan geesinimo doone

·         Markaasay gabrada laacayaan saa gobbay koriye

·         Amay goosan xabag gawlaliyo maydhax gumareede

·         Giddigiin ka soo guda halkaa goor horaan idhiye

·         Adigaa garaad lehee Cabdiyoow nimankan gaagaaban

·         Guddoon waxaad u sheegtaa ergada kii aad garan weydo

·         Galoofyahow garaadkaa intaad gaar isula shawrto

·         Shaki hadduuba kaa galo adoon goolka dhalinaynin

·         Kubbadaa gabaacuulsan laad haw giraan-girin dheh

·         Tix gamuuran oo gaaban oo caynka lagu giijay

·         Waxaan arar gadaanka ugu sudhi amaan u guud saaray

·         Suubaan galgalineed kolkuu marayo geeleenu

·         Waa say awrtu ugu guuxdo ooy halo u goojaane

·         Gondadegay galshadii aan dhuraad galaxsan doontaane

·         Gorod iyo gammaan iyo lo’ iyo xiliyo gaadiidba

·         Gabaahiir dad laga joojiyoo gaydh qabaan nahaye

·         Igadhkaan gandaalka u sidnaa gaagaxoo lumaye

·         Anna galalafkaasaan rabaa cidaan galaaftaaye

·         Galbi dhabadka ciil iyo guraan goonidaw nahaye

·         Gaboodaha xajiinta leh jarcada kii aan kaga gaaray

·         Gofaniyo abees gaamuriyo weliba goodaado

·         Iyo gabaska waabeeyada ah hoosta ii galiyey

·         Goga junida kaan uga madhshiyo halal gamaareeya

·         Garaad-laawe moog waliba suu ii gabaanadiye

·         Golxaaliyo galaayuusna waa ficil ganbooleeye

·         Markuu caga gubyeysnaa ninkaan jaamaha u galiyey

·         Isaguna kabtaydii gubaan gacalkay moodaayey

·         Markuu geed koraayaba ninkaan badhi-gantaalaayey

·         Isna laanta ila goynayaan gacalka moodaayey

·         Gabadhuu jeclaadiyo ninkaan gaaridaw mehershay  

·         Isna taydii iga guursadaan gacalkay moodaayey

·         Guri aan furaashiyo ninkaan gogol macaan seexshay

·         Isna dhaxanta igu guuliyaan gacalkay moodaayey

·         Gurgurshaaga kii aan u rareen gabanada u saaray

·         Isna kaygii soo gowracaan gacalkay moodaayey

·         Gacantii maroodiga ninkaan galab kasii daayey

·         Isna gaws libaax igu ridaan gacalkay moodaayey

·         Markii laga gol roonaa ninkii aan u garbaynaayey

·         Isna shalay gollida ii dabraan gacalkay moodaayey

·         Ninkaan xoolihiisii gudhnaa godol kusoo taagay

·         Isaguna hashaydii gujaan gacalkay moodaayey

·         Galooftii madhnayd iyo ninkaan gorof u aabeeyey

·         Isna gaawahaygii jabshaan gacalkay moodaayey

·         Ninkaan cidhibta qodaxda uga gurayeen gunnada siiyey

·         Isna waranka ila gaadayaan gacalkay moodaayey

·         Ninkii aan galoolada ka jaray een gegidana u xaadhay

·         Isna gocondhi ii buulayaan gacalkay moodaayey

·         Garabgal iyo taageer ninkay Goobba iga keentay

·         Isna ganafka igu duugayaan gacalkay moodaayey

·         War gaaska iyo guutadu markay gabagabaynaysay

·         Ninkaan geela uga reebay een gaade ka ilaashay

·         Isna gulufka igu weeraraan gacalkay moodaayey

·         Markii laga gol roonaa ninkii aan u garbaynaayey

·         Ama gurro iyo ninkii aan guhaad goor walba u diiday

·         Isaguna i guulguulayaan gacalkay moodaayey

·         Ninkaan buurta guradeeda dheer anigu gaadhsiiyey

·         Ee gunteeda iga sheemayaan gacalkay moodaayey

·         Hadba gooshigeedee markuu libin ku geeraaray

·         Ninkaa igu garwaanlaystay baan gacalkay moodaayey

·         Garanuugta yaacdiyo ninkaan goodirkaw celiyey

·         Een biciidka geeska u qabtiyo faraw gadoodaaya

·         Isna geenyadaydii didshaan gacalkay moodaayey

·         Sidaan ugu gadaanaa ninkaa looga wada giigay

·         Een geedankiisii noqdayow waxaad i gaadhsiisay  

·         Si aan uga gayoodaba adaa guuldarro i badaye

·         Gonda-gooye ma ahayn waxaan kuu gardaadsadaye

·         Nabsi guratay goor aad heshaba waana ii godobe

·         Maskii good ahaa iyo ninkii loo gar qaadaayey

·         Guurtida markii loo wacee taladii loo guulay

·         Cid gungaadha xaajada kolkii goobtii laga waayey

·         Waxay gocotayoo eersatayoo gabgabo u diiday

·         Waa masaartu xidadkay gashiyo gabankay aaseene

·         Nin ganiyo libaax waa ogyahay kii galadayaaye

·         Adoose goomanaadaa kolkay ila gudboonaato

·         Nacab aan iskaga kaa gudbiyo hiil gabaabsiye

·         Geeridii aan kaa celin jiraan gudin u soofayne

·         Garnaqsaday guddoonkiina waa nin iyo gaarkiise

·         Gadaafada haddaad odhan lahayd laguma gaadhsiinin

·         Ninkaa gebiga igu soo dunshayoow soow ku garan maayo


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo