- Hal-abuurka maansada ninkii, aadba garanayaa
- Mar haddii aftahan loo yaqaan, amuu abwaan sheegto
- Wax if jirra wax aakhiro jirriyo, waxaan la eegaynba
- Waa inuu ogaadaa sidii, uurkubaalaha e
- Afar-iyo-lixdankii anigoo, Eebe dhaawanaya
- Asgaruhu dhawaan ha is arkeen, waanigii idhiye
- Ayaantaa ayaantii xigtay baa, laysla oogsadaye
- Ajal dhimatay waatay xigtiyo, aalad qaraxdaaye
- Haddaan eegay eegana waqtiga, amaan ilaaleeyey
- Siddii ay dharaartaa ahayd, waw ekoontahaye
- Aadmiguna wuxuu aawilaa, dhaaxba la arkaaye
- Col iyo dhaanba inay kaaga iman, dhannaad u iilaysay
- Odayadii dhintaa sheegay iyo, aaqiliin hore e
- Amin soo socdaan wuxuu ahaan, waad odorostaaye
- Inta badan aqoon gaabantii, aan u ergaynaynay
- Ilyar gabagabay taagan tahay, waana eberkoode
- Aweytina aan sii raaciyee, ududsan maayaane
- Inaguna arimahaan wadniyo, uruursanaanteena
- Inshaa Allaahu Soomaaliyey, waynu aargudane
- Abshir baaba ii muuqatiyo, guul agteena ahe
- Wax soo aadan kheyr Eebahey, noo abaabulaye
- Ammuur weeye laynoo aqbali, oo ijaabo lehe
- Allahu akbar waxaan haysanaa, diin awood badane
- Islaanimada awgeed Kufriga, waynu ka adkaane
- Ashahaado ruuxii cuskada, amase iimaan leh
- Gaal uraayaa kama il helo, oo iblays uhuye
- Aayado caddeeyaa jiroo, taa Allaa yidhiye
- Walow aan sidaa aaminiyo, idam Ilaahayba
- Eebada markii lagu darey, na anfacaysaaye
- Geelii irmaana markii, oonka lagu daayey
- Ee qaalintii igadh ahayd, oloshay ee reentay
- Inankii yaraa waysagii, uubta dheer qodaye
- Dabeedna Araweeluu ku dilay, uumiguu shidaye
- Xaajana hadday awdantoo, talo asheedowday
- Aynigaana wixii aad lahayd, adiga kuu diido
- Ergo iyo asluub iyo haddaad, aayar kaga weydo
- Ashkatiyo adeertaba haddii, lagaga ay waayey
- Asxaan diid inuu yahay markaad, dhab u ogsoonaatay
- Itaal iyo sidii kuu eg, waa inaad la aadaaye
- Oo wuxuu abaalkiisu yahay, lala abaaraaye
- Ablaydana tus ileen waa kii, tuuray aaqibo e
- Oogadiisa waa inaad gubtoo, arami gaadhaaye
- Adoo umalsan goortuu arkoo, aano gudanaaya
- Istaaqfurulaa waa inuu yidhaa, edebna yeeshaaye
- Nabadda anbatana waa inuu, iib ku daydayo e
- Intaasi wayga arartii sokiyo, oodo dhacameede
- Ujeedada shishiyo waa inaan, ubucdii jeexaaye
- Dadkayaga adduunyada dhaqdiyo, beerta ka aslaaxda
- Ardadii magaalooyinkiyo, aaddanoow shicibka
- Iyagoo hawlahoodaa watoo, aanay noo imanin
- Artaleerigaan haysaniyo, aarmigaan sidano
- Iyo ciidamada loo unkiyo, xooggii la aasaasay
- Abtirsiga dagaalkana la baray, oo arma aqoon ah
- Calankana axdigii ay mareen, ugu adeegaaya
- Asalna geesinimada u dhashoo, sidii awowgooda
- Askar saas ah baan leenahoo, aad u miidhan ahe
- Utunna waaban kuusii qabnaa, aamanuu sabane
- Eediyo qolloocaan wax badan, kaa ebhinaynaaye
- Eeqooyinkii horre raggaa, kugu arqoofaaya
- Eed uus-xabaashaan nahaye, aara doonka ahe
- Onkod iyo hillaciyo intaan, uuro soo kicino
- Xabbad lagu asqoobiyo intaan, ololba soo tuuro
- Alaab waxaan ka hayniyo intaan, Idibal soo dayno
- Boodhkiyo awaaraha intaan, awdo samadoo dhan
- Argagixiso weyn iyo intaan, mawjadda afuufno
- Gummuca aalanaaxdiyo ka weyn, awrta madaxeeda
- Usgag badan lahaataye intaan, idinku aafayno
- Asuushiyo intay garashadii, idinka aynfaado
- Haddii aadan Amxaarow, Qarbiga oohin kula yaacin
- Eygaa Maraykana haddaydaan, aqalada u xaadhin
- Ingiriis haddaydaan u tagin, sidda ugaaskiinii
- Arligayga daayoo haddaydaan, tiinii ka abraarin
- Addis iyo haddaydaan Shawaba, orod kusii dhaafin
- Undurbaan haddaydaan wax badan, Laaji ku ahaanin
- Amaydaan ag tagin Kenya, waa ina-adeerkiine
- Iyana waa uduufee haddaanay, kuu arxami waayin
- Malaayiin unuun go’an haddaydaan, aydan kaga dhoofin
- Omoska dhaawicii yiil haddaan, boogtu ku abloobin
- Haddaydaan abxado Daafiyo, agab lasii roorin
- Aaran uu libaax gooyey iyo, adhi uu weer laayey
- Injir badan lahaatee haddaydaan, dhaaxba u ekaanin
- Ayaxii sunaysnaa haddii, laydinka aqoodo
- Haddaydaan ilamaha tuurin, oydaan maatada iloobin
- Ubadkiina meeshaa haddaan, lagu agoomaynin
- Oydaan naaga uurliyo ka tagin, aabihiin gacale
- Ooridda qurxoon iyo haddaydaan, inamihii waayin
- Anagaa aroosiye haddaanay, Macatabkii aasin
- Haddaanaan qur’aanka u akhriyin, oyna ku islaamin
- Isticmaarsan maynee haddaanay, waayo na adeecin
- Ashnaaqash taad lahaydeen haddaanaan, Aaminow bixinin
- Aagaba haddii aydaan ka tagin, siddii ugaadh fiigtay
- Geeska Afrikaad iyo haddaydaan, baashan ka irdhoobin
- Asxaabul-fiil sidoodii haddaanaan, kugu alalaasin
- Waa haddaan abuurinkayagu, dhab u aloosnayne
- Buntukh ugub Amxaarooy markaan, kaa afurinayno
- Annaga arrad bay noo tihiyo, barigii iideede
- Oo waa maalintay noo umuli, guul abeer uhuye
- Siddaan oofta kuu kala jaree, adhaxda kuu goyno
- Inaydaan dhaaxo soo oollin baa, loo afbadiyaaye.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed