- Xasanoow higlada waan arkaa, soo hadoodilane
- Celeen hamash ah waatii lahayd, roobna wuu helaye
- Had iyo jeerba waa lagu yaqaan, higilka doogga ahe
- Maroodiga hurdaa geedka, uu jiifo hadhaciisa
- Hiyiguuse daaq buu jeclaa, taana hidin waaye
- Hanqaloocsay oo gaadhi waa, xiid haraadanuye
- Kaasay hangaralihii dhulkiyo, habasna laaceene
- Jiilaal hawaarsaday abaar, laysku wada hiifay
- Habar-adhi humraa soo dhaciyo, hogo kaliileede
- Hanqadh iyo hillaac baa xigiyo, daad haraaciye
- Dhagar heetisaa meesha ay, ku hangalaynayso
- Honboboro-libaaxeedda waad, sii hannaan garane
- Dab ay huriso waa la arki jiray, digo hulaaqdaaye
- Hudubaan khasaaraa ugu jira, ciirta uu helaye
- Dafo hiilinaysay ahayd, taa hagooganiye
- Haataadhus-laysaye waxay, beeni huguntaaba
- Hurgumadiyo maashiyo wuxuu, nabar hafeeftaaba
- Higashiyo waxay heedadoow, ku hunbulaataaba
- Mid bay huri hillaacyada bariyo, hawda karameede
- Haylaha casaaduu arkaa, galowga heesaaye
- Halabada bislaateey ogowd, haaddan socotaaye
- Boodada haldhaagaa ka weyn, haara faashadaye
- Barruu haramacadkii dhaansanaa, cowl hogaansade
- Hareeri iyo galool saadambay, caws huwanayaane
- Hurduf jiije kii doortay bay, hadi ku saaraane
- Nirig hadaftay iyo hooyadeed, way is helayaane
- Haddaan haraga haasaawihii, kaaga wada hoolo
- Harar iyo Halloobiye mar iyo, Helele meeshiisa
- Heerahaad la taaliyo dadkii, howdka kula joogay
- Umaddoo dhan haysugu halayn, kaasi waa hebel e
- War suugaanta hano yaan adeer, haybadaa lumine.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed