- Dhallaan jagiyo luuf dheelayaa amase leylaystay
- Mid la yidhiye waxay looli waa laba ciyaaroode
- Dhir bay labi galool wada yihiin kalase liil roone
- Lammadaadi ilig sooh ah iyo jaro shan laagood leh
- Isku ladhay leg iyo caynka oon liig madow sudhiye
- Afka xadhigle way kala nuglaan luuntu waligeede
- Gabayguna lud iyo dhuuxba waday laaxina u dheere
- Isba ma laha waxaad leedihiyo laabatiyo seede
- Kala liiday waana isku magac eraygu laakiine
- Anna kuma laclaafee haddaan tuduc laqmaynaayo
- Kuma daro naxwaha laangadhiyo weedh laleemo lehe
- Waxse aan laba lagdeeyoo naxwadi igu liqdaaraydba
- Kanay lahashadiisii soo riddiyo laafa lugudkiiye
- Lahjaddiyo lisaankiyo codkay laabtu garanayso
- Reedhyoowga soo lalinhayiyo laaqda iyo heesta
- Lixdankii xornimaday heshiyo calankan laalaada
- Soomaaliya intay luuqda dheer noo lalabayeenba
- Qalbi lulidu waa xeelahay nagu lug gooyaane
- Lilaahida warkaan moodno way nagu liqaayaane
- Tabtay nagu lisaan waa anaa laanbad kuu hurine
- Luflufaaga gaadhigu rartiyo lacagta soo duusha
- Laboodkeena waxaan dhaafsaniyo lo’ iyo geeliiba
- Lurka iyo dhitaan quudaniyo xoolahaan lumino
- Waxba kuma lilaynee sidii loofar baan nahaye
- Soomaaliyey ladnaansho u noqdeen oo ladaab heliye
- Oo waa kay ladaadyadii nimcada laqanyo daacaane
- Waxay nagaga liibaanayaan looxa beenta ahe
- Lohloh iyo mardabaday gashee libinta noo diida
- Liddinimada taasaa ugu wacan leedda fuulka ahe
- Markaasaay na looyaamin ooy nagu likaacoone
- Wax lafteena ruugana iyagaa noogu laad culise
- Lubbi iyo haddaan sharaf lahayn way libdhinayaane
- Waxay labac jirjirin baydibay nagaga leefaane
- War dhaaxay na luuseen siddii laxam baruureede
- Soomaaliyaay cadkaan laaci waan kaa libdhinayaaye
- Adaa lahan qabee mooyi saad laalufka u dayne
- Ku laqwide dadkay hadduu seeftii looshadaye
- Ligligaanu qaban baydidaad libiqsanayseene
- Luxluxa ay ku faa’iidayaan Xamar lamaankeedu
- Lingax adag intaan kaga xidhnoo laama kaga oodno
- Luqluq kama helaayaan biyood luumashana daaye
- Lulumayntii horre waanu goyn ee rag laasimaye
- Waliba soo laayada oo waad laba kaclaysaane
- War leecaansigii maanta waa lee’ashadiiniiye
- Mase jirin laxaad kiin ah ood nagu lagdayseene
- War Xaylaa na loogaye duqii laalufka ahaaye
- Lowyaha intuu naga xidhuu ciiddan laayacaye
- Loolida markuu naga ridee laydhkii noo damiyey
- Dalkanagoo lushaad kiini saa igu lifaaqdaane
- Kolse hadday lucuumeen qofkii ma ihi luufluufe
- Dibna nooma leeleelin karo baaq labeebuhuye
- Soomaalidaa liciinka ah haddan liilin karayaaye
- Lambarkiyo sharcigii aadmigay laad la dhacayaane
- Xuduudkan ayse liiliijin waa limitka Baarliine
- Wixii laydha soo gala xadka ee lugaha soo saara
- Waa sidii libaax baadi helay inaan u laynaaye
- Af-weynaa na liicshayoo sidii awr na leylyadaye
- Isna waw larbaynaa si uu mar u liciifaaye
- Labxashiyo walaalnimo dhintiyo laxawsigii beere
- Laamadoodin maynee rag waa liifada u saare
- Isu lexejecloon maynee waa inaan is laynaaye
- Leeb sun ah Soomaaliyaay ragaad luuqa kaga saydhay
- Ma ladaan xigaalooyinkood mana lulmoodaane
- Casrigii laqmaday baa tolkood liili murugoone
- Kugu ligan ladhkii aad badiyo laxawga jiifaaye
- Adigana laqdabo waa ka duuf tooda soo laliye
- Oo liishaana way kaa badshaan ama lihiin dheere
- Kugu ligan ladhkaad soo badiyo laxawga jiifaaye
- Rag leegleegsanahayoo maxaa liinbasho ah taagan.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed