• Riddii dabada laabnayd kuwaa, rimayda moodaaya
  • Ridinriib sideedaan idhaa, ha u riyaaqaane
  • Riyada way habaabaan dadkii, run u maleeyaaye
  • Ruqo dabada laga fuushan yahay, ruuxna kicin waaye
  • Haddaan ribada kii doonayaa, rixin ka dhowraynin
  • Raqba wa rageediina sow messhu kuma roona
  • Waraabaha ku ruugaaya iyo aar, ku raamsanaya
  • Siday kuugu kala roon yihiin, maad u kala rebtid
  • Ninkii rodalna miisaama ee, kiila raajiciya
  • Ee raasamaalkuu helaa rubuc, ka hooseeyo
  • Xisaabtaa inuu dib u rogrogo, sow ra’yigu ma aha
  • Kol haday jilbaha riiqatay oo, rabashku dayn waayey
  • Runbaa tidhi ragaad baygu go’an, marisna way raagtay
  • Riyaa booday raacday gashoo, rays u tagi wayday
  • Raqbaa dooday raasbay cuntoo, beenna way raratay
  • Rugbaa xiintay roobaa gubtoo, raacataa damisay
  • Risbaa ciday ramaasbaa hadloo, raydab baa shiriyey
  • Hudbaa riixan jiicbaa runduda, gumarna wuu ruugay
  • Rashbaa qaraxday raamaa isku dhacay, ragagax baa yeedhay
  • Midbaa rimiyey riir bay ahayd, xuudna way ramatay
  • Jinnaa rudhay balaa raamsatoo, raalibay noqotay
  • Baddaa ruxantay, daad baa rogmaday, oo rajaa samirtay
  • Kala roore beel iyo ribbee maa, la kala raysto
  • Raxan ururtay reerkay liqeen, uga day raandhiiska
  • Rabbigii adduunyada lahaa, suu rabay noqonee
  • Qofba wuxuu raaracshaa, lagu risaaqaaye
  • Hayeeshee il raxankaa samayn, laab riyow timidee.

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo