Sannadii 1973kii ayuu Cabdullaahi Dhoodaan gabaygan la baxay Jeeraaro tiriyey.  Wuxuu joogay magaalada Muqdisho.  Ma dhanna gabaygu, na soo gaadhsii haddii aad inta maqan hayso.  Wuxuu ku billaabay:

  • Jeeraaro boodayeey wataas marisay jeegaane
  • Jillabba suu jadeerka u fantay ee jiic isula fuulay
  • Ee jinaw aroortii macaan looga jaranaayo
  • Qofkii waayo badan soo jiree dunida soo joogay
  • Dul iyo hoos markuu jeleecada jaad walba u dhawro
  • Isba wuu u jeedaa inay jeerba cayn tahaye
  • Siduu bidiqa waala u jabiyo waa jigloo kale e
  • Ama waaba jarihii shaxdee nimanku jeexdeene
  • Maray kaa janjeedho o ocabbaar talo kaa jiifto
  • Iyo maalin lagu jaajiyo ood dunida jiidhaaba
  • Jirjirayn adduunkaa yaqaan waaba jaah sida e
  • Ragna ways jikaaraa intaa laysu soo jilo e
  • Non kastaaba jiilaal ogaa jeenafliyo oone
  • Ha yeeshee jir weyn baa ka da’ay meel jidhaamo lehe
  • Ninba jago abaara yuu ka kale jooji leeyahaye
  • Taasay jidkeediyo arkeen jiir la sii maro e
  • Markaasay jujuub iyo dhasheen jimo la buurtaaye
  • Oo waliba la isugu jacburin jaarri iyo xeele
  • Raggii jilicsanaadaa hadhoow meel xun jamaslayne
  • Jaaqudhun harraaday wallee abid ku jeelaane
  • Doqontii jahjahanaysa ee juuqba celin weyday
  • Jucuurnimada markii lagu bartiyo jaahilnimadeeda
  • Nacabkeedii juubaha sitee jaaha miranaayey
  • Oo jimiricaayaa heliyo junni qarsoonayde
  • Wallee cadwona kii loo jabaa malaha jeefaafe
  • Jirrida iska eeg dhuuxa way jabaqsanaysaaye
  • Maskaa jiitama yuu sidii jiis ku caabiyine
  • War yaan jararta qayrkaa ciyoon kugu jillaabayne
  • Jingil adiga yey kaa samayn xuurtan jeellaniye
  • Juxuusaaba yuu kuu imaan saa jinnaa dhalaye
  • Adoo jaara caana ah dhigtay oo jiija malabaystay
  • Jilqurkaa h amoogaan yuu jowhar kaa madhine
  • Intuu bacad kusoo joojo yuu jaanta kaa xadine
  • Cagtaadoo jilfo leh yaan hadhow jeerin kaa mudine
  • Jilbis uriyo goodaado yay jeebka kuu galine
  • Nabi Maxamed baa loo jeclaa jaah mar la arkaaye (scw)
  • Isagana waxaa lagu jirabay inuu jahaadaaye
  • Idinkuna xornimo saa jirtaad jiif ku damacdeene.

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo