- Indhawayd mabaadii kalaan, mihindisaayaaye
- Maaweeladii iyo ka tagay, majadii gabaye
- Ceel maaxsan baan shubaayaa, maalin iyo leyle
- Ii muuqan maayaan waxaad, idinku moodeene
- Maadooyinkaan fiiriyaa, waaba meel kale e
- Anoo maqan haddii la i arkoo, madaxa laalaadshay
- Miisaanadaan beegi iyo, rodoladaan miiso
- Markab aan xambaartiyo ka culus, moodhar aan sido e
- Mashaariic sidaasaa igu furan, Eebahay magane
- Murug iyo wareer baan qabaa, layna moog yahaye
- Calool muusanawday dishiye, ima maqalaysaane
- Nin marqaan u jeediyo xarrago, hay malaynine e
- Maxaa yeelay maamustii way, macangagaayaane
- Maar dheeshay waa lagu hubaa, miridh aroortiiye
- Mooraal habaas yeeshay baan, maydh is leeyahaye
- Militariga Soomaalidow, bal laan ku maaweelsho
- Malkada ugu horaysana haddaan, madaxa guubaabsho
- Margi balaqa awrkii hoggaan, lagu makaabeeyey
- Kan xidhiidhka la isugu maree, daba mushaaxaaya
- Tallaabadiyo miidaankuu socdaa, ways matalayaane
- Oo geelii mildhaawuhu qabtee, didayey ee maagtay
- Miyil-weynkii baa loo tumiyo, neef u maakar ahe
- Maahmaahdu saasay ahayd, waanad maqasheene
- Marmaroor tusyaa iyo jidkii, toosan mariyaaba
- Siduu ula macaamilan jiriyo, maamulkuu barayey
- Ardaygu meel uunbuu uga ekaan, macallinkiisiiye
- Masaladaa halkaasoo kalaan, kaaga maakibiye
- Offishaalaha miidhanoow, mooyi say tahaye
- War gaadhigan marsada kii hayee, waday mashiinkiisu
- Mitir maylka shaallee hadduu, maanka ka illaawo
- Amase uu jidkuu marin lahaa, miino kaga aaso
- Mashaqiyo dadkii fuushanaa, mawdba waw halise
- Sheekada macaan ee dhagaha, layska maqashiiyo
- Iyo dawgii muuqday oo si kale, loo macaamiliyo
- Masiibiyo inay cudur tahaan, marag u haystaaye
- Mataankaagii ood xaasidaa, murugaday keento
- Carabtii midowdaa og iyo, kii macooda ahe
- Masarba waa wixii lagu qabsaday, gacal la moohaaye
- Offishaalaha miidhanoow, mooyi say tahaye
- Dadka magaca Soomaaliyee, meel kastaba jooga
- Ee ministarada qaar yihiin, madaxda loo sheego
- Ee qaar masuulka yihiyo, mudanayaashiina
- Ee qaar maxkamadii noqdeen, moodeeyno xukaanta
- Ee qaar shaqaalaha markaa, miisa yahay hawsha
- Ee qaar iskuulada murtida, looga marinaayo
- Ee qaar macallimiin yahee, wax u micnaynaayo
- Ee qaar magaalada dagee, qaar miyiga joogo
- Ee qaar mushtariga yahee, moodka gadanaayo
- Ee qaar musheekhdii yahee, dhigaya Mowliidka
- Ee qaar gumaysigu mutee, dhiiga laga miirto
- Ee qaar maatada yihiyo, muunadaa dhalatay
- Ee qaar mardaadiga xarrago, wada mushaaxaayo
- Ee qaar maxaabiista yahay, manida tuugaysa (money)
- Makhluuqaa aan soo sheegayee, kala meeqaan liita
- Cudur wada maseeyaa jiroo, aan mid uga laabnayne
- Maxaa iigu jira weeye oon, maaro loo heline..
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed