Abwaanku wuxuu gabaygan tiriyey sannadkii 1980-kii.

Sababtiisu waxay ahayd: Raadiyihii Harrar ka bixi jiray ayaa sannadkaas lagu daray qayb cusub oo Af-Soomaali ku baxda, taasoo hoos timaadday maamulkii gobolkii la odhan jiray Hararghe (oo ah kan ay Soomaalidu degto).

Madaxdii gobolka, oo uu horkacayay Bashiir Sheekh Cabdi, ayaa Macallin Dhoodaan ka codsatay inuu gabay ku anqariyo (ku furfuro) xafladda furitaanka idaacadda.

Codsigaas ay madaxdii dawladdu usoo jeedisay Abwaanku wuu yeelay. Wuxuuna tiriyey gabaygan caanka ah ee “Ogeysiis” la baxay, kaasoo noqday codkii ugu horreeyey ee laga sii daayo idaacaddaas.

Wuxuu yidhi:

  • Abwaan hore miduu sheegay baa ina odhanaysa
  • Ri’ isnuugtay meel uga ekaa nin is amaanaaye
  • Anoo erayadiisaa runta ah dhinac ka eegaaye
  • Oo aanan rag oo idil xikmadda ka asaraareynin
  • Ama aanan aqoon dheeridaa uurka galinaynin
  • Aalaana maanso aan unkini aamus kaba doortay
  • Anshigiyo asluubtaydu faan ma ogolaadane
  • Murtidii idlaatayoo filkay waana ku asiibay
  • Ee soo abaadiyo ma rabo sheeko oolin ahee
  • Kollayse irideeday xidheen taan abda la haaye
  • Dundun iyo aboor buu nin yidhi wayla amakaage
  • Gabay aan abuuraa hadduu aniga ii muqdo
  • Waxaan dooni meel ugub ahayd inaan abaaraaye
  • Ayaan kale astaan lehee waxaan arar ku faaleeyay
  • Ruuxii aftahan loo yaqaan ama abwaan sheegtay
  • Wax if jirra wax aakharo jirriyo waxaan la eeganba
  • Waa inuu ogaadaa siddii uur-ku-baalaha ee
  • Aadmiguna sidduu aawilaa dhaaxba la arkaaye
  • Amin soo socdaa wuxuu ahaan waan odorosaaye
  • Odhaahdaa markaan jeediyayeen erayadaa sheegay
  • Ma inkirin Illaaha I khalqiyo amaradiisiiye
  • Umuna jeedo wali aadan iyo awliyaan ahaye
  • Ardaal xun iyo ay garad midduu eeba kaa dhigiba
  • Adduunkiyo arlada Eebahay uumiyaha jooga
  • Rag iyo orri heer oday, niniyo ooga ku xiroole
  • Qof waliba ujeediyo markuu hadal abaaraayo
  • Caqligiiseey meel uga ekaan odhaahtidiisuyee
  • Anna abidkay lama aamusayn tii aan aawilaye
  • Ohobayntii Soomaliya ee nalagu ay gooyey
  • Ogaadeenya aayaha xuneey kula aroorayso
  • Argagaxay ayaantaa markaan eegay xaajada ee
  • Aarkii dabooliyo shacbiga uubatada raacay
  • Markaan idhi dadkiinaa anbaday uga al-oolayso
  • Een bari siddaa awaadeed Xamar ka ooyaayey
  • Nin agjoogay cadow baan ahaa kana irdhaysnaaye
  • Awal horre ishaariyo sarbeeb urursan mooyaane
  • Cabsi aadmi hadalkaan in badan u afra duubaayey
  • Addis Ababa maantaan imide ooda kaga qaaday
  • Waataan xaqii ugu adimay siddii axkaaneede
  • Ikhtiyaarkay anigoo hadliyoo aashay soconaaya
  • Ogaadeenya nimankii af-xidhay waan ka aarsadaye
  • Aqalkaygii anigoo ku jirra oo Itoobiyana
  • Eegana idaacada kaleen kaa afurinaayo
  • Irrideedu waagii horeey inaga owdnaydee
  • Iyana waa albaab noo furmiyo Adarideeniiye
  • Eegiyo dabeed inaan iyana ku isticmaalayno
  • Ooy na anfacaan raadiyaha laba irmaanaatay
  • Oo kacaan agaasimi yaqaan wada aloosteeda
  • Dadkanagii la aafayn jiraa loo abaabuliye
  • Iblayskiyo ibtiladaan u jabin war ay afuufaane
  • Waxay fadhato eedaaba waa noo udgoon yahaye
  • Ku abshirada hakana oolin waa naga ogaysiise.

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo