· Shilka dhacay shaqaaqada dhulkiyo, shaarubkiyo boobka
· Waabeeyo shiilka u bartiyo, shuushka hadhi waayey
· Ragbaa shaash libaax leh iska dhiga, waana shurunshuure
· Shaxshaxdu waa bilaash iyo, tab uu shariirsado e
· Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye
· Shooba shoobadii Xamar kolkay, shaandho nagu miirtay
· Hargaysaba shux way naga heshiyo, shuuqsi maalka ahe
· Ogaadeenya waxa shiiqiyaa, waa shirkadahaase
· Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye
· Gabayadaan shareeraayey ee, waayo badan sheegay
· Cidna haatan kama sheelayee, waw sharaxayaaye
· War sheelsheelin mooyee hortii, maba shihiidayne
· Saakaan dagaal iyo shirabi, weerar shaaximane
· Shaqalkiyo rag waa inaan shibane, kula shabaaxaaye
· Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tumiye
· Shafeecadii ka qade Xaylihii, sheemay nolosheena
· Shar Soomaalibaa noo badalay, oo shaxeex kulule
· Shaamareer ma haysteen, hadduuu shiri Ogaadeene
· Shucuurta aan xaqiiqada ogayn, lalase shoocaayey
· Shinbir weeye taa malabadaa, sheedda ka eryoone
· Ragga shilinka Soomaaliyiyo, shuumidda u jeeda
· Ee shuuriyee alloomee dhulkee, sharac Allee diida
· Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye
· Shariif iyo Absamaha kaliyo, nimanka Sheekhaash leh
· Shufti waalan mooyee waxaa, shaac bax uga dhaartay
· Xeebtiyo Shalaanbood waxaa, shuuro kaga beertay
· Waxa ii shaqee yidhi intuu, shilimo qaar siiyey
· Sharcaa loo sinaan waxaa yidhoo, hoosta naga shiiday
· Waxaa sheedda maad naga tusoo, laabta naga shiishay
· Shansho iyo tagoog waxaa jabshoo, shirixsi noo laayey
· Runta keenii sheegana waxaa, Shabaqle fiid saaray
· Shib ahow waxaa yidhi anaa, kuu shaxaad tegiye
· Oo shuruflihiisiine yidhi, shawshab taladooda
· Soomaalidaa ladaba shaanbin, ee cuni shabaabkiiye
· Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye
· Shunbul raacii Soomaaliyee, dhaax na shabakeeyey
· Shawahaadii bay nagu rogtiyo, been la shaadibo e
· Sholdho’aysan maysaan ra’yiga, galay shafkiiniiye
· Shanqadh inagu duullaan ah, baad sharaf u yeesheene
· Shaamareer ma haysteen, hadduu shiri Ogaadeene
· Kolba shaadhkii Xamar wiil sitaa, shuush nasoo galine
· Rag dadkayga shaanshaan xilliyo, shalaw ka tuuraaya
· Shaahay isiiyaanba waa, inaan sharaystaaye
· Badowgaan shakiyin ee sadkaa, shaarubta u feedha
· Markuu ceeb shin dhalada u taguu, dib u shalaytoone
· Oo waa shamac nin qooshtiyo, anfaco lama shifaystaane
· Shalaqooti bay nagu ridi iyo, shawli gudihiise
· Dushay naga shammiitayn si ay, nagu shifaystaane
· Anna siday tolkay ugu shacturi, shuufay cadawgaase
· Shuraakaa makrigii boobtayoo, shaki lagu soohye
· Shar-ka-cawdu jaan baa watiyo, magacii shaydaane
· Shiiniyo waxaa lagu baryaa, shaababka Carbeede
· Rag baa kaga shukaansada Qarbiga, shaati iyo soore
· Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye
· Shaamareer ma haysteen, hadduu shiri Ogaadeene
· War aayaha shukada loo gashayee, sha’nigu muujay
· Shiqinnimiyo tuugadu ma galin, shalayto Soomaale
· Dharaartay xornimo shaawirtay, xeel shintiriyeene
· Oo shinniyayntii buu la askunnaa, weerarkii shalaye
· Shacbigay dhaceen iyo dadkay, naga shidhaysteenba
· Shuqul xumaddii hoosaa ka daran, sheexi mahayaane
· Xataa shibilkaaba noo dawladayn, ama shifeerkoode
· Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaricaan tubiye
· Shaamareer ma haysteen, hadduu shiri Ogaadeene
· Inay shabakad dheer daadsatayoo, nala shirqoolaayey
· Calanka ay shan Soomaaliyeed, noogu shaabahato
· Shabeelada maxaa laba ka dhigay, sheedda kala haysta?
· Summadda xaashiyaha lagu shaqliyo, shiidka dawligaba
· Shantay calanka siiyaan, maxay shaabbadu u wayday?
· Markay shukaanta laba yeelatiyo, shaal xorriyadeedeka
· Saddex baa shixnado loo qasdiyo, shaagga boodhka lehe
· Sirtaa shayba caynka u rogtay, shaahido arkeene
· Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaricaan tubiye
· Shaamareer ma haysteen, hadduu shiri Ogaadeene
· War shiidaadintaa boobka ay, nagu shifaysteene
· Shillal bay na saartayoo caqligay, noo badali shaybe
· Shirix iyo Soomaalaa boqnaha, shaaldo nagu goyne
· Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye
· Shaadali sidii oo kalay, nagu sharaabeene
· Shashafada sideediyo baruur, noo shariirsada e
· Aroorkaan Shilaabo u wadnay, Shilindi geeyeene
· Soomaaliyaa shidaadine la eed, shubidda geeliiye
· Kol hadday shidaaradi gashana, damacii shaashoowye
· Tooda nimaan shishlaynoo dagaal, kugu shuqaynaaya
· Shakaalkaa inaan ugu jirraa, waw shirbiyo guule
· Shardi weeye xaajada inaan, di b uga shawraaye
· Shamsada Bari Shaxdiyo Ayshaciyo, sheedda Harar oo dhan
· Shakooraha Sidaamiyo Hawaas, Shaakis iyo Baali
· Durur shalaxle webi shawle iyo, togaan sharuur beelin
· Wax ku shaakhsanaa iyo haddii, loo shalwado Koonfur
· Dhulkaasaa shubbaantii lahayd, shawshabtaa Xamare
· Shucuubtaay ka fiirsoo haddii, layska shabin waayo
· Shuli-haaluf beeshoo ah iyo, waa shuf taladiine
· Annigana shakhsiga ii dudoow, maad shudada dhawrtid
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed