• Caqli gacalkii toosaa fakara nolosha toolmoone        
  • Maskax tacajibkeedii batayoo tamani ooyeysa
  • Oo cadha la tiicdaaba waa taydan oo kale
  • Tafantoof dadkeenuba siddii loo tafaafulayee
  • Tahantooge oo waa tabtay ii tawaliyeene
  • Ragbay wali tabaysaa hadday soo tircinayaane
  • Talalkiyo catowgiyo ilmadan iga tiflaynaysa
  • Siddii tiixa roobka ah waxay iiga tibiq laysay
  • Owr taabadiyoo daaqi jiray tooma doog bixiyey
  • Jirri inay taftaaftay baan arkaa dhiiga tey kalehee
  • Jirri inay taftaaftaan arkaa dhiiga tayga ahee
  • Tafta dhuuga miirtiyo huryada garabka tuutaysay
  • Wali dhabarkii kuma teedsanee shaarubteey timidee
  • Afka muu u kala taakiyoo timir sideed ruugo
  • Labadaba, aheey way ka talantaalidee lama tahdiideene
  • Aheey way ka talantaalidee lama tahdiideene
  • Talalkiyo catowgiyo ilmadan iga tiflaynaysa
  • Balaayadan I taabo leh miyaan toosin  kari waayey
  • Taariikhda Nuur Jiir siddii looga soo tabiyey
  • Mar uu taakhirkaaygaa galay buu ciil tawaawacayee
  • Tanaa taxadka uga sii dhow oo tahan ka sii dheere
  • Inkastoo taxgalin ay rabtayoo tooxna lagu sheego
  • Tabar xoogu ma ahee ileen garashadaa taag leh
  • Tanfaraaraq mooyee hadday dhimato towfiiqdu
  • Tashi qeyro waydaa ileen taaba galin mayso
  • Rag hal taa ah toodii ka dhiga ama takooraaya
  • Tilmaantiyo markhaatiga ileen kuguma taageero
  • Tab uu laasahaaga u dhurtiyo tuugo nin  u jeeda
  • Hurduu kugu talaaliye ileen toos ku odhan maayo
  • Maska iligta kugu tiifayee kaa turquday dhiigu
  • Tashaq micida kaa tidhi ileen kaaga turi maayo
  • Nimaan teerigaagiyo jeclayn toori aad xidhato
  • Tunbukh iyo ileen kuma yidhaa tobanle yaal iibso
  • Tukashada iblays kaa duwiyo toobadkeenimadu
  • Ma taqaanid mooyee ileen kheyr ma taban taabsho
  • Indha lagu turbaayaa ileen tuug iskama dhowrin
  • Tuxsadaada shiishaa ileen toogti lama seego
  • Taraan geel irmaan kii carrada igu tiraabaayey
  • Tuluda u tarmaysiyo ileen tooyad ma iloobin
  • Dadkii maal turaabta ah laheen taajirba ismoodin
  • Caydhuu ii tagaabee ileen kuma tabiinaysoo
  • War maansadu tastuur bay heshayee kuma taraarsiine
  • Waxaan toobiyeyniyo halkay gacan toglaynayso
  • Tuduc gabay ah uma taawiloon ama tix geeraare
  • Indhawaydba hadalkaan tidcaa waa tabaantabisee
  • Kana looma tixin saad hortii igu taqiineene
  • Tirtirsana tawaan uma hayee waan tartaarsiyeye ee
  • Siday haatan iga taagan tahay waa tol la’ayeeye
  • Oo takartaa maroodiga liqday baan soo tuf leeyahay
  • Anna tiriyey maansee kuwaan ugu tayaagooday
  • Agoow tuubadii lagu jaqiyo talaxtagii moogee
  • Tatab iyo laxaadoow hadaad ii tukubi wayday
  • Taageeradadaan Allow tiigsan waligeyee
  • Taladay Arbaca toomantayoo taar Allaan diranee.

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

  • Tubta nolosha loo sii mariyo toorahaan damacnay
  • Tugtug rooni ma ahee Allow noogu tali guusha

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo