• Tartiib laguma karo duul hadduu tiif u yuurure e
  • Tusbax baa la qaataa haddaad toobad keen tahaye
  • Tiixaba waxaa lagu sugaa roobka tooxda lehe
  • Tooruhu wuxuu kugu ridaa tubaha waaweyne
  • Way taajiraayaan dadkii tacab badnaadaaye
  • Talaabada yar baa lagu bartaa tawda boodada e
  • War toosoo kacaay Xabashi waa lagatamaynaaye

 

  • Talo san iyo beel ayatiin loo jitaabinayo
  • Tastuur iyo waxaa lagu dhaqaa marinka toosoone
  • Qofba waa in lagu toosiyaa takhasuskiisiiye
  • Ku qabiil tikhraar ugu jiraan lagu tanaadayne
  • Tafwareemadkii iyo kufsigu ina tahluukeeye

 

  • Tartan madaxnimaan eednay iyo maamul tuugo ahe
  • Khasaaruuna tiinbaday raggii taakulee yidhiye
  • Kolkaasaan tacliintiyo cilmiga lagu tanaadayne
  • Tu kaleeto oon uga tagaan idin tusaayaaye
  • Tiilaal habad ah waa taan noqdoo la iska tuugsado e
  • War tood laga samriyo haatanaan toojo soo bixiye
  • …
  • Isla taasintiina wada oo hoos u tamashleeya
  • Kolba teembo joogsada haddana taako socodsiiya
  • Si’aad taashka Xayle u ridaan ugu tartiibeeya
  • Tabca sudha tumaatina la dhaca oo tafaha xayta
  • Oo Xabashi baa ina toshee tuulimada siiba
  • Oo toosoo kacaay nolosha waa lagu tanaadaaye

 

  • Su’aal meel idiin taagan baa tan ahe
  • Jawaabteedi oo togan haddaad garato soo tuura
  • Turqin iyo nin taxaliishi iyo boogo lala taaho
  • Tawi iyo tuf dhiigroora iyo barar la tiiftiifo
  • Wax tirtir iyo tuutuujin baad kula tacaashaaye
  • Kob la taabto ama lays tusaad tab u dawaysaaye
  • Sidee loo tadaawali karaa tows cagliga haysta?

 

  • Kuguma aanan tiiqtiiqsan oo waaban kuu turaye
  • Meeshay ku toosnayd macnaha ugu tantoomeeya
  • Haddii kale waan kala tagnaye aniga hay tooyan.

Gabayga qaybaa dhiman intaas ayaan helnay.


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo