• Inaan tiriyo geeraar markay toogo ii qabato
  • War taariikhahaan fiiriyaa saacadday tahaye
  • Kolkii uu teembadii iyo wakhtigu kay isugu tooso
  • Halka tuhumadaydu jirtaa gabay ku toogtaaye
  • Saakana midaan taaban waan sii tilmaansadaye
  • Tulud baratay laba geel dhurwaa suu tafta u laaco
  • Awrkii tagtooy ahna libaax suu u kala tuuro
  • Ama tuug dharaartii la helo saan u turuq goyno
  • Ama taarkii loo dhigay dawaco say isagu taagto
  • Ama taqalka qoortii la sudhay say u tananayso
  • Dabeed habarta naysheeda tabi say tib ugu boobto
  • Taariikhda saas ah oo miyiga taallay waligeedba
  • Tabtaas oo dhan ooy tahay baad wada taqaaniine
  • War maahmaah tisqaad ah baa jirtoo aanan talaabayne
  • Murtideenii toosnaydna waa in aan tixraacnaaye
  • Ninka yidhi qof tiisiii dayacay tallo ha waydiinin
  • Qayrkaana wixii u tabcado taranso oo yeelo
  • Tubtuu mara lahaa iyo kolkaa wuxuu tilmaamaayey
  • Waa qaryrkiin ha tuugina macuhuu taaban hadalkiiye
  • Dhagaxse taabashiyo tuujin iyo inaad tantoomayso
  • Saddexdaa midaad ula tagtaa waa isu taage
  • Nin wixii la toosani mid unbuu tuur la leeyahaye
  • Oo waanada abuurkaa tirtira oo ka tabar roone
  • Qofka aan tirininse maalkiisu waa wada tasoobaaye
  • Maradiisa kaan tolan dhaqsay uga tifmaysaaye
  • Ka tashiilan waayana ma dhalan suu ku taajiro e
  • Anoon toobiyee hadalka iyo tooxsi uga jeedin
  • Taasina runtay inay tahay baad wada taqaaniine
  • Tafaraaruq nimuu gaadhay oo bari tabaaloobay
  • Rag murtida tafniidaa wuxuu jeer kasoo tabiyey
  • Dadkaygu baahi buu talaf la yahay waana caydh tubane
  • Tartiib xumana maalkaygiibaa teer ku baylahaye
  • I taageer oo gacalkayoow yey la talinaaya
  • Talankiyo ninkaa Xabashadii taxadka gaadhsiisay
  • Tacadi buu wixii mutaye uma timaadeene
  • In tabaabushiyo beeshu ay dhaqashadii tuurtay
  • Ooy waliba taab gaaban tahay idin tusaysaaye
  • Hadday shinidu malab toonsato oo meel tif kaga siiso
  • Intay tuduc walaalo ah tahay eey toobada u joogto
  • Geedaha taraxan kama naqaan mid ay ku taalaaye
  • Markayse talaqi guurayso eey balo taftaafayso
  • Tu waliba anaa talin hayeey kob isla taagtaaye
  • Markaasay dhawaaq tay odhan midiba taagteede
  • Xiinkeedi baa u taga dabeed cadow ka taag roone
  • Oo reerkay tigtiganaysay baa toobke loo guran e
  • Sidaan loogu turin baa dabeed wada taqaaniine
  • Hadal lagu tuntaa meel shishuu kula taraaraaye
  • Ninkiise taag leh waa kii la yidhi tahar buu goostaaye
  • Soomalida taxaabkiyo tabciyo tuur qabsiga keentay
  • Turuq sheegadkeediyo waxeer lays tumaatinayo
  • War taashkeedii noloshaa intaa loo tartamayaaye
  • Dadkiise taag yaraan lagu arkaa tuubo loo ridan e
  • Soomaaliya rag bay tabi inay taabka galiyaane
  • Tuugiyo badheedh cayn kastay noo tamadiyeene
  • Hadal lagu tuntaa meel shishuu kula taraaraaye
  • Taagtiyo tawaankeen haddaan badino towfiiqda
  • Itoobiya in ay ina tixgalin yaa tolaahayahee.

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo