Gabayga “Xulub Socod” wuxuu Macallin Dhoodaan unkumay (abuuray/tiriyay) sannadkii 1975-kii, isagoo markaa jooga magaalada Hargeysa.

Waa gabay dhaxal-gal ah oo uu Soomaali—haddii hadal wax daaweeyo—dhinac walba wax kaga tusay. Sidii caadada u ahayd Dhoodaan, xikmad qafilan ayaa geesaha sare haysa gabaygan.

Wuxuu yidhi:

  • Xaashaa lilee beenta, waa laga xishoodaaye
  • Hadalna wayga xaraansanayd, xigashadiisiiye
  • Kolba gabaygu meeshuu xuliyo, maanso xubinteeda
  • Markaan helo xusuus muuqateen, xaraf ku miisaamo
  • Xariiqdiisii waa inaan marshoo, xididkii raacaaye
  • Maantana xaggii uu jiray baan, kaaga xaadirine
  • Anoon xerada Soomaaliyeed, xumo ku sheegaynin
  • Xog ogaaal dabciga waa inaan, ku xabbad qaadaaye
  • Allow xoolo keen buu yidhaa, kii xaniif ahuye
  • Xoogaa dharaartuu helee, loogu shubo xeedho
  • Xusbadda u horaysaaba waa, Xaali la ciyaare
  • Xikmadaha asaageen watee, xoogga  lagu yeesho
  • Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe
  • Barashada xageediyo cilmiga, kii aan ku xisaabno
  • Shahaadooyinna u xaadiree, dhowr xilliba qaatay
  • Xafiis kaligii uu maamushey, xiiso ka hayaane
  • Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
  • Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe
  • Xirfad iyo garaad kii isbiday, ee xornimo gaadhey
  • Xeebaha dhulkiisiyo ma baran, geed xanjaala ah
  • Xukunna maa la ii dhiibto buu, xuuxda la hayaaye
  • Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
  • Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe
  • Xaqsoornimada kii laga rabeen, xeerarka u dhiibno
  • Miduu ximiyo miduu xaasidiyo, miduu xabaalaayo
  • Iyo miduu xanaaq kula dhaciyo, miduu ku xayraamo
  • Iyo xamaga qaar uu hayoo, xaangabshoow fudude
  • Xujur galiye saasaa batiyo, howl xanibayaale
  • Xannaaniyo wanaag kii mudnaa, xaabuq baa dilla e
  • Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
  • Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe?
  • Xalaal quute kii sheegan jiray, ama xadraynaayey
  • Xaabxaabka dagan wuu yaqaan, inuu u xeebtaaye
  • Wuxuu ribada xoogaa faraha, kaga xantaystaaba
  • Hadhowbuu xashimo buuxsadaa, xaydhna bararaaye
  • Boolida xantoobayso iyo, xagafsi mooyaane
  • Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
  • Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe?
  • Is xalxalidu way fiican tahay, la xaragoodaaye
  • Intuu xabawarkaa yahay aduun, ee xiqdigu yaalo
  • How xilan xariirtoo dhan, waa la iska xooraaye
  • Dadku inuu xamaashaa ka roon, inay xaraamaane
  • Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
  • Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe?
  • Adduunyada xinbow yaala iyo, xadhig maleegaase
  • Xaska haatan laysugu jiree, gool xawariyoobay
  • Xadaafiirta maakiban hadaad, yaraha xaalayso
  • Xodxodada wanaag ha u malayn, waa xarfado baase
  • Xanbaariyo tabcadi dhaaftay iyo, weerar ku xabbaadhe
  • Xurmo laysku gaadaa jirtiyo, xeelo dhabar wayne
  • Xaataa hadaad odhan lahayd, muu xayi u sheego
  • Xublayntiyo is xuuraanka iyo, xooftadiyo baaqa
  • Xulub-socodka goob xaadhashada, xagarro food saarka
  • Xudh labixida laas xadhandhansiga, xooxsi kala boobka
  • Xufuufaynta xabag giijintiyo, xeego daba roorka
  • Xagagabadka xoodaanmiskiyo, xabag dhunkaal siinta
  • Xuduud dhowr xamaan waabashada, cimilo xayndaabka
  • Xaskul guradka xigin faagashada, maylimo xaquuqa
  • Xalaash tumadka xanaf taabashada, waramo xiirsiinta
  • Xakab dhigadka xalay oon baxsiga, xorod karkaar goynta
  • Xaq duudsiga dantaa xurursadkiyo, god u xayaanbaynta
  • Xidhiidh tacabka xarun booqashada, xaafad tamashlaynta
  • Joornaal xaradhka duulaan xirsiga, qolo xajiimaynta
  • Run xasaynta been iyo xasarad, xayn isugu yeedhka
  • Xusul duubka xoon beerashada, hadal xawaasheynta
  • Xasil doonka xadataysigiyo, xannano oodayska
  • Xaladaynta xaashiyo qorkiyo, war isla xaydxaydka
  • Xis ka luminta duur  soo xulkiyo, xuub isagu gaarka
  • Xaad u fudhida xowdheer qarsoon, xoodh iskaga siibka
  • Xareed awdka dhoobada xargagan, haamo ku xamaynta
  • Xatooyada is daba xiinka iyo, xaajo qiran waaga
  • Rag xaftiyo xigtoodaba ka maal, oo xunbo u reebka
  • Xoday iyo xangeeyo u liskiyo, xoor dusha u saarka
  • Xanfarkiyo xugtiyo toobinkiyo, soo xinjiro nuuga
  • Xashiish buulka xaasaan dabkiyo, xaabo guratayska
  • Xawaaraha ka dhacay xuutaddiyo, xuunsho dalandoolka
  • Xanto gaadhay xidinxiidka iyo, jiif xamili waaga
  • Adduunkii xasili maayo oo, laysla wada xiiqye
  • Xiddigiyo markii aad waqtigan, xaalufka ah dhowrto
  • Xunguguro tirsiga faalku sheeg, oo ximroow baxayee
  • Qoladii xagluhu ay dabcaan, xays balloow di’iye
  • Siddii xamar gammaan bay walee, u xakamaysnaane
  • Hadaad xaydaan xaydda Soomaliyeed, sii xiribo baadhno
  • Inagays xakaaree kolkaan, muran xidaynayno
  • Murti baan lasoo xaadiraa, waliba xeel dheere
  • Xagtimaha dhexdeenaba waa, ka xantanaynaaye
  • Xurguftii aan weynaynba waan, xarakadaynaaye
  • Markaasaa Xirsiyoow Xaashi daa, lagu xabeebtaaye
  • Is xaduurintaas oo kale iyo, xararoow mooyaane
  • Xurfadaha gumaysigu qotiyo, dabinkuu xoodaayo
  • Xaqiiqada waxaynaan arkayn, taa xanuunka lehe
  • Xidaarnimo maxay tari haddaan, la is xil-qaamaynin
  • Wixii nacabka layskaga xajaa, sow xarbiga ma aheee.

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo