Abwaanka caanka ah ee Cabdullaahi Suldaan Tima-Cadde (Dhoodaan) wuxuu gabayga “Yaa Kasbaday” tiriyey horraantii 1978-kii.
Abwaanku wuxuu aad uga xumaaday ka-bixitaankii gobolka Soomaali Galbeed markii ay ciidamadii Jamhuuriyadda Soomaaliya uga soo afarqaadeen (sida: faaruqiyeen) sidii deero ilqoodhka ka aragtay Shabeel u gabbanaya.
Isaga oo markaa joogay Hargaysa, ayuu gabayga ku billaabay tuducyadii caanka ahaa:
- Umma kiilo maansada, siddii xuud kalluunsada e
- Kasha muran ku yaaley xikmadi, kilinkilaysaaye
- Kulcubaha xiskay dooda iyo, kiishash laabta ahe
- Faalada kalayaha buuxisiyo, kubada uurkayga
- Kaah iyo iftiinkay baxshaan, kaaxi maan arage
- Kurka gabayga soo muujiyee, sheegidda u kaalman
- Ma kaakicine dhawr goor anigoo, kaalay odhan waayey
- Kud iyo mid karaysa ah afkana, kaabiga u jooga
- Geedada wuxuu kuuriyoo, saabka kuududaba
- Kol hadduu karsamay oo shidmayoo,, aad u kululaaday
- Lama kaydin karo maansadii, kaayaheed galaye
- Saakana karaamaa jirtee, bal aan tix kaynaasho
- Shini kaalufkeed galiyo siddii, koronkorow oomay
- Ama ceel karkaarada jabshiyo, webi karaar dhaafay
- Ama kaal danley qeybsatiyo, kur iyo dhal yaabis
- Siddii koronka iyo koorta iyo, kololo’ii Raage
- Konton iyo kun xaajoo mmurgiyo, waayo kala kaan ah
- Oon lagu kama’in baa jiroo, nalagu keenaaye
- Wax kadliyo kadaalibaa ordoo, kuududaa badane
- Kubka iyo ka biixida jabshaye, sii kirkira meesha
- Karin buu u deydaya hayaa, wuuna kabayaaye
- Kaftanna ma aha ee waa kooshkalaan, keebka liishada e
- Kurtun baaba loo fiiqan ooy, kalax qoraayaane
- Kallifaa aan layskula kami’in, yaa kasbaday mooyi
- Kanbalkay lahayd jilib carriyo, meel kabdhoodka ahe
- Garta keedii kaabiga galay, ee lagu kawaanleeyey
- Kiskisaha midaa lagu xakabay, kaddinna loo diidday
- Kolkaan maalmo koolkooliyey, dib u kadlaysaaye
- Katibkan aan ka kaaftoon lahayn, yaa kasbaday mooyi
- Karbaash loo yagooree ritigaan saaray, kabad weyne
- Kiintaalkayga koobuu noqdaa, koronkortiisiiye
- Baq karuursha loo yeel haddaan, caano kaydsado e
- Kildhi iyo kafee waan helaye, koobab baan jirine
- …
- Ka u baahi ciilka u noqdayee, ciil ka kori waayey
- Iyo kuwa kashbacay ee dharagaye, uur kubada yeeshay
- Kuwa waliba kaskiisa waxaa, loo kabtiyayaane
- Mid kororsi bay daaran tahay, xeeshan kaariniye
- Kaafka iyo kala-dheeridaa, la isku koosaaray
- Inay keeni baad garan wuxuu, rag isku koosaaaray
- Kurbada iyo walaacaan qabniyo, kaarka nagu raagay
- Malaha kibis la quutayo dadbaa, looga dhigay kawle
- Haddaan nala kadeedayne, way kadab go’aayaane
- Dadkayagu kadaab uma badaniniyo, reer ma kaadsado e
- Maskaxdu kaamil inay noo tahay, ku maanhayeen qaare
- Kullina waan baryeynaa Allow, keen xornimadiiye
- Kalsoonidan lunteee Cali-Katiin, kulankiinoo diiday
- Iskulaal ismana kaashadkiyo, koodka nala saaray
- Kiis nagu xukuman baa jiriyo, yaa kasbaday mooyi
- Ilaahay Kariimow adoo, kaliya mooyaane
- Karti lagula sheegtiyo awood, kale ma dhawrayne
- Kalaamkaagii baa lagu sitaa, wali kitaabkiiye
- Yementa Koonfureed kii wacdayiyo, Kuuba iyo Ruushka
- Ee nacab kufaaroo kibriyo, Kiristaanka u yeedhay
- Karaamadii Rasuulka iyo anoo, taadii kaashanaya
- …
- Dhulkay naga kaxeeyeen Allow, yaa kasbaday mooyi
- In Islaamku gaal kabo u sido, yaa kasbaday mooyi
- Kiinyadii xumayd iyo Axmaar, kadaf ah oo liita
- Kaneecadiyo kudkudahaa intaad, naga koraysiiso
- Koodhiga intay nagu guraan, yaa kasbaday mooyi
- Kob dagaal ah fulay kayn galiyo, ma lihi kayrkayrle
- Cimli korodhsadkiisiye xikamadu, nagauma koobnayne
- Meel kuray ka dheelaa Iblays, nooga koor-lulaye
- Kafiyo Boortaqiiskii Gurey, riday kabaalkiisa
- Iyo kii Daraawish kabiyo, Koofil qoladooda
- Iyo Kuubadii Kaastariyo, aarmi Kurushoofa
- Ku waliba kolkuu rabo hadduu, nagu dul kaajaayo
- Ku kar-celinta iyo ciilkan, waan karara’aynaaye
- Inta aan kitaabada sidno een, Sheekhyo Kiristaamin
- Malaa’ig kumaandoosiyo, kooxo nala laaya
- Oon kaarahoodiyo askari, kidib kasii deynin
- Ilaahii na kaalmayn jirayow, maad kusoo kicisid
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed