Gabaygii uu mariyay Dubbad Hiiraad iyo kii uu tiriyay Faarax Nadiif ee furay Silsiladdii Guba, waxaa xigay, oo geedkii ugaasku fadhiyey soo joogsaday Saahid Qamaan Cali, isagoo hor kacaya fardooleey uu af-hayeen u yahay.

Saahid Qamaan wuxuu halkaa ka tiriyay gabaygii saddexaad ee Silsiladda, kaasoo caan baxay magaca “Sinnaan” oo xambaarsan murti carrab-ka-waa ah. Waa gabay xilli walba munaasab ah, wuxuuna si cad uga soo horjeedaa kali-talisnimada iyo macangagnimada.

Dulucda Gabayga “Sinnaan”:

Saahid wuxuu gabaygiisa ku xusay in:

  • Talo la wadaago iyo ina-adeerow ay yihiin waxa ugu qiimaha badan ee raggu ku dhaamo.
  • Tolka dhib iyo dheefba qayb u tahay oo loo wadaago si siman oo caddaalad ku jirto.
  • Dadku, gaar ahaan ragga ay wada dhasheen ee is hayey, ay siman yihiin, oo mid ka kale wax dheer aanu ku jirin. Haddii ay taasi ka tagi waayana, isaga (Saahid) ugu bixinayo.
  • Wuxuu raaciyey: “Ninkii indhaha iga laliya ee iga maarma uma baahni, kii aan tolnimadayda rabinna tiisa ma doono.

Saahid wuxuu gabayga kusoo xidhay weerar uu ku qaaday Faarax Afeey.

Xasuusin: Maxaa ku galay Faarax Afeey? Waa arrin kale oo mudan in maqaal gaar ah lagu lafaguro.

Gabay dhaxal-gal ah ayuu halkaa Saahid ka mariyey. Wuxuu ku billaabay sidan:


  • Dubbadoow[2] nin maansood i yidhi, waa i moog yahaye
  • Waa iga madoobayd tan iyo, maalintii Sirow e[3]
  • Minjogooye siduu noogu dhacay, maadis bay galaye
  • Murti iyo adaan kugu ogaa, miigganaan gabay e
  • Ha yeeshee haddaan maago hadal, waan mitimiyaaye
  • Iga maqal hal aan xalay mir kacay, ama la muusooday
  • Waa kii shir laynagu makalay, madaqsigii jaane
  • Hadba waxaa mudh soo odhan adduun, mid aan la eegayne
  • Maantana maxay noqon sidii, Maxamed[4] loo yaabye
  • Middan kalena waa wiilashaan, maanka laga qaaday
  • Hadday sado macaan tahay ninkii, maadiyaa cune e
  • Nin mudmuday dharkayn hoosna maray, mudhuxyey shaaleeye
  • Miyir waxaad ku waydaan iswaal, kuma mihiibtaane
  • Muslim kuma cabiidsamo wallaan, madaxa kaa goyne
  • Muggii weel ma dhaafee Alloow, mooska yaan jabinnin
  • Middan kalena waa aniga iyo, mid iska sheeggayga
  • Inaan malab rag kale loo shushubi, wax uga miideeyo
  • Magowshaha[5] haddaan layga siin, maax la dhuranaayo
  • Oon meesha taagnahay anoon, murudna leefaynin  
  • Oon maydhax aan igu xidhnayn, maylimo u haysto
  • Oon waliba mood iyo salaan, ugu maleegnaado
  • Saddex magac Allee[6] xaajadaa, layma maransiiyo
  • Haddiise doogga muruqiisu go’o, milayga jiilaalka
  • Mawiga ceel haddii loo kacoo, maalku ku arooro
  • Waw miila-qayb[7] niman hadday, magac wadaagaane
  • Masoow aabbahay iyo waxaan, Magan[8] kasoo gaadhay
  • Rag waxaan ku maamuli aqaan, amaan ku maamuusi
  • Masaa[9] in aanu nahay ooy tolnimo, meerto noo tahaye
  • Oon waliba kaga miil caddahay, miidhse[10] diiddaniye
  • Masallaha ninkaan ii dhigayn, midig ma saaraayo
  • Kii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho
  • Inuu aabihii Madar yahuu, muuno ku lahaaye
  • Muska Ina-Afeey[11] galay arlada, kama miciin moodo
  • Sidii koran xiniiyaha la muday, uma maluugnaado

Gabayga uu tiriyay Saahid Qamaan wuxuu leeyahay isku midnaan iyo dhigannimo la dareemi karo oo la mid ah kan Dubbad Hiiraad, taasoo caddaynaysa isku-xirnaanta iyo hal-abuurka silsiladda.

Bal u fiirso sida ay u adeegsadeen luqadda iyo sarbeebta:


[1] Ogaadeen, Reer Cabdille, Reer Dalal.  Gabayaa weyn oo Ciid, Doollo, Doh iyo inta la ollogga ku dhaqnaan jiray ayuu ahaa.  Gabay iyo garba nin hadalka heli og oo wuxuu ahaa markuu doono aan waxba hagoogin ee hadalku halkii uu u dhimanayo taabta.  Gabay-daacuun ayey dadka qaarkii ku naanaysi jireen sababtaa awgeed

[2] Dubbad Hiirad 

[3] Sirow waa Balli Qoriile u dhaw.  Dadka qaarbaa sheega in Gondogooye balligaa ka dhacay

[4] Maxamed:  Nebi Maxamed (NNKH) inuu ujeedo ayaa loo badiyey

[5] Magowshaha: godolka ama magowga ugu horeeya.  Lidkiisu waa dharaq

[6] Saddex magac Alle: wallaahay, billaahay, tallaahay.  Waa nooc Soomaalidu u dhaarato

[7] Miilo-qayb: ceelasha biyaha yar oo qolaba mar ama kal cabto si loo maaxiyo.  Kaltanna waa la yidhaahdaa

[8] Magan waa odayga Saahid ku arooro

[9] Masaa: eray aasalkiisu Af Carabi yahay oo macnihiisu yahay isku mid ama siman

[10] Miidhse diidaniye: quudhsi  ma oggoli oo qaadanmahayo

[11] Faarax Maxamed Madar (Faarax-Afeey)  Ogaadeen, Reer Cabdille, Baha Magan. 


Kaydintii: Akademiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo