• Taladan Illaah kugu duweyn waa lagaa dadiye
  • Waanu kaa daboolaan cagliga diiraddaa lumiye
  • Dareenkaagu meel aanu rabin buu ka dubuq siine
  • Didmo saaran baad yeelan iyo bayr ma daasho ahe
  • Dadkana waxaad u neceb tahay qofkii kuu dansheega ahe
  • Diinkii waxaan nahay hilbuhu dibad ka yaaleene
  • Ee habar-dugaagu u tashaday inay daliigaane
  • Haddana Daa’im amarkiisa weyn saanta loo diraye
  • Siyaasadii duqowday een lahayn dux iyo iimaanka
  • Ee tan iyo daakhili jirtay ee dubatay Soomaali
  • Een dunida meel raacsanayn dacati mooyaane
  • Sida idaha daydayo sharcigii dacalka loo saaray
  • Dillaal iyo mallaaloobay ee wada dar-leefoobay
  • Ee sun iyo boog daacay ee waliba ciin daaqay
  • Dulleeddada ku meeraystay een dibadda gaadhaynin
  • Daacadow haddaad aragto waa inaydun diiddaane
  • Isku dire abwaankii ahaa dab iyo baasiinka
  • Ee noo ducee laga la’a yahay dirira mooyaane
  • Ee qoray diiwaankii ahaa duma collaad raagta
  • Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
  • Tacliintii dibiro-weyn kuwii doontay jaamiciga
  • Aqoontii kaddara iyo kuwii gabadha sii daystay
  • Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
  • Mustarkii dilaaliga ahaa deyn bangiga qaate
  • Dukaan iyo macdaar suuqa iyo done iyo keene
  • Markabkii kolkuu soo dagaba aan dadku arkaynin
  • Dekeddii wasiir iyo ku-xige uu daldalay raashin
  • Bakhaarlihii dan gaarlaha ahaa duuge iyo aase
  • Canshuurtii dulsaar badan ahayd daallun xeradiisa
  • Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
  • Ila-tahayda kuwa soo diree aan dalkaba joogin
  • Een dagalkan bara-kacay ogayn siduu u daadduumay
  • Ee carabka dalabta leh wargeyska ugu deeqaaya
  • Ee daar rag kale seexday een diilalyaba haynin
  • Ee doolarkii ay cuneen laysu daba joogo
  • Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
  • Waligii ma daahiro askari waa damiin falane
  • Waanu kaba ducaystaa qofkii dinta caabuda e
  • Dunidu maamul uma dhiibato iyo meel dad joogaba e
  • Dibaddaa la geeyaa cidlaa lagu dugaalaye
  • Derbi adag haddaan lagu xaniban daaha soo fuaraye
  • Xakame yaa daqlaha loo dhigaa lagu daweeyaaye
  • Wuxuu dalaayad ugu boodayaa waa dagaal gale e
  • In la dilo inuu dilo ayaa loo diyaarsaday e
  • Mana dallaco haddaan faraha dhiig uga dureerayne
  • Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
  • Haddiisan aan dadweynahan arkay oon dul iyo hoos eegay
  • Waa adhi dareera oo qoryo loo dhiiga daadsade e
  • Darkaa lagu adkaystaa sidii dhoobo daayac ahe
  • Orod soo dil baa lagu yidhaa kii dadka u xigaye
  • Waa wada damane iyo ma oge aan cidi danaynayne
  • Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
  • Ina Suldaan daliilkuu lahaa waxaa daliilkii ah
  • Quluubtiisa waxa daaranayd daaya waa qolo e
  • Aniga oo godkuu degi jiriyo deelka buuxinaya
  • Bal haddana waxaan damacsanahay maan dadka u sheego
  • Ogaadeenka Doollood hadduu Cadale soo daaqo
  • Ama ay Abgaal soo degaan Daakhatiyo Faafan
  • Oo ay Ma-uruursade damcaan Herar duleedkeeda
  • Dadka Sheekh Isxaaq dhalay hadduu webiga daan qaado
  • Dila iyo Nugaal Bari haddaan deris walaaleeyo
  • Docmo iyo hadday Laas Qoran Zeylac wada daaqdo
  • Diri Dhabo Godey iyo Jigjiga samo u daaweeyo
  • Dulcad iyo Birbira Gado haddan dooni wada saaro
  • Inta webi degtoo idil haddaan dan u heshiisiiyo
  • Dagoodi iyo Raxan Weyn Cawlyahan Waamo deriseeyo
  • Degaamada lixda ah Mudug, Hiiraan deris walaaleeyo
  • Dekeddii makaad Jowhar iyo Xamarba daaweeyo
  • Culimadu duceeyaan ibleys nama durreeyeene
  • Dan kalaa qabiil loo durtay iyo boog dakane sheege
  • Rar-xunna way ku daba feyshan tahay doorkan maanta ahe
  • Dilaase inuu xukumo maya, maya ayuu yidhi dareenkiiye
  • Isku daashay waayuhuna waw diga rogaayaane
  • Kuwa duco qabow kici hanbadan duur ku yaaca ahe…

Kaydintii: Akademiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo