- Collaadahan isdaba jooga iyo qiiqa demi waayey
- Dilka iyo dhibaataday qabto iyo degelka naafoobay
- Dumar iyo carruurtii ka madhay doobka reeruhuye
- Duqay iyo wax-garadkii la laa daadahayn jiraye
- Dillaal iyo Mallaalkii cunay yaa daanyo-qaad u ahe
- Dadqallada mindida dheer leh unbaa loo durbaan tumaye
- Ninkii dilayey baa doodayee nabadba yow doonay?
- Dix-fadhiisigii baa ka degay damalkii waynaa
- Digadii hulaaqdoon bakhtiyin damal la saarsaar
- Doqonna kuguma wadin baa intaa lagu dagaayaaye
- Dulli iyo nin liita unbaa qabiil soo dugaashada’e
- Dabargooyayaashii ayaa duubka loo xidhaye
- Daallin iyo Iblays tuug ah yaad daba ordaysaane
- Dadqallada mindida dheer leh unbaa loo durbaan tumaye
- Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay?
- Kuwa dibadda jooga iyo kuwaa gudaha dooxaaya
- Labaduba dugaag weeye oo wax isma doorshaan
- Taar bay dul wada yuururtaa oo war dayday ahe
- Dawarrada wixii lagu helayna waa wada diraynaa
- Dayday baa masuul looga dhigay dalawideeniiye
- Doonyaha belaayada sida baan daadah leenahaye
- Dadqallada mindida dheer leh unbaa loo durbaan tumaye
- Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay?
- Maskaxda yay dawaar nagu xidheen daabac aan go’ine
- Dhegahay naga dabooleen indhahay naga dahaadheene
- Debnihiyo afkay naga xidheen oon diidayba lahayn
- Sida haan daloosha yuu warkuba naga dusaayaa
- Dareenkii waxa nagala tegay duul habaar qaba’e
- Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye
- Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doontay?
- Siday diintu tidhi, ruux wax dilay daahir noqon waaye
- Rabbina muunan dedin oo sharciga diirka ka caddeeye
- Doofaar ku taabta iyo isagu wax isma doorshaane
- Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye
- Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay?
- Dammiin aan wax qorin jaahil aan downa garanayn
- Dirri aan wax gelin oon aqoon deris walaalaynta
- Oon soo duweyna barran inuu didiyo mooyaane
- Nin isdoortay kelidii intuu duur cidla ah aaday
- Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye
- Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay?
- War dorraad buu Kobruhu kugu hanqadhay danabka tuuraa
- Dan bayna naga lahaayeen inay soo degaan Xamar
- Dembina mayna gelin culimadaa gaalku deydeyi
- Dadka go’aya waa baarcaddii uu dalku lahaa
- Dhiiggaynu wada daawannaa soo darroorimaye
- Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye
- Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay?
- War hay diidin Soomaaliyey waan idiin digiye
- Waxaan dooni een rabo ayaan diirka ka caddayne
- Qoys waliba intuu kii dilay mayada deeqsiiyo
- Derbi adag quraanjo leh intaan diilinta u saarno
- Garbaduub intaynu u xidhniyo xarig aan sii daynin
- Xakame aan damayn oon baxayn dalaq ku soo siino
- Oo derisku ay wada hadlaan daaqsintiyo foofka
- Danwadaagtu qaadaadhigaan hadal an daalaynin
- Ha la doono Soomaali-Wayn ul iyo diirkeed ah
- Ama daadsanow qaaradaha lagugu dooxaayo
Kaydintii: Akademiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed