• Habluhu waagii hore waa tii, ay hadal yaraayeene
  • Wa kii lagu hawoon jirey intii, hadhac la ootaaye
  • Waayagii harraadkiyo dhibtiyo, hawsha kululaaye
  • Maantana dad wada hoodhay, oo hoogay baa jire
  • Intay gacanta kuu haadiyaan, yey ku hodayaane
  • Bal inuu hanaankii lumay oo, la is-halaagaayo
  • Oo aan wixii hore lahayn, haatanba ogaada
  • Hantideenu maalkay ahayd, oo la hayn jireye
  • Hadhuub caana ah iyo waa tii, aad hilib cunayseene
  • Maantana hudheellaa jiroo, lagu hagaagaaye
  • Shaah dibinta kaa hoolayaa, hiirtii loo kiciye
  • Bal inaan wixii hore lahayn, haatanba ogaada
  • Hangoolka iyo gudintaa ahaa, heensihii wacane
  • Maantana wax sida haad lala, oo haw leh baa jire
  • Hubka saanada aadiyo bambaa, laysku huriyaaye
  •  
  • Haydala iniinkiyo midfaca, la is haleelsiine
  • Sabmariin badaha hoos mariyo, heegan baa kace
  • Balaan inaan wixii hore lahayn, haatan ba ogaada.

Kaydintii: Akademiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo