Raggii hore ee Soomaalidu waxay ahaayeen kuwo aad iyo aad u fahmo badan, oo danahooda ku gaadha sarbeeb iyo hadal huwan oo aan isku-xagxagasho lahayn.
Waxaa la wariyey in Weerar Bulxan uu maalin ka mid ah hadhsaday aqal ay lahaayeen qolyo ay ilma-adeer ahaayeen. Maalin kale oo aan tii hore ka fogayn, ayuu aqal kale oo isla reerkii ah uu ka yara gabaday milicdii kululayd ee ciidda.
Maalintaa dambe ayuu aqalkii wuxuu kasoo aaday geed ay niman odayaal ahi fadhiyeen. Markii uu geedkii yimid, ayuu wuxuu xusuustay inuu gurigii hadda kasoo kacay kusoo iloobay Bir-xijaab uu qabay.
Wiil yar oo markaa ka ag dhawaa ayuu ku yidhi: “Adeer orodoo gurigaa waxaad iiga soo qaaddaa Bir-xijaabta aan kusoo hilmaamay.” Wiilkii intuu bilaabay ayuu Bir-xijaabtii la ruclaynaya u keenay.
Sarbeebtii Saahid Qamaan
Saahid Qamaan oo ka mid ahaa odayaashii geedka fadhiyey, oo il-qoodhka kala socday wiilka yar ee Birtii keenay, kana war qabay maalintii hore ee Weerar aqalka kale hadhsaday, ayaa arintu si gaar ah u damaqday.
Saahid waxaa goor aan sidaa u fogayn xarbo iyo dagaal ku le’day rag badan oo uu ku dhaadan jiray. Sidaa darteed, dumarka iyo qoyska oo dhan dushaa ayuu ka il-xoolaadinayey oo uu uga odayeynayey.
Saahid ayaa haddaba Weerar ku yidhi: “Weerarow shax inoo jeex?“
Weerar wuxuu ugu jawaabay: “Kula shixi maayo!“
Saahid baa ku xil-furay Weerar inuu la shixi doono. “Bal waayahaye inoo jeex,” ayuu Weerar haddaba yidhi.
Shaxdii ayaa la jeexday oo la bilaabay in saddex-iyo-tobanka iyo irmaantaba la is qaado.
Haddaba, ujeeddada Saahid ma ahayn shax oo keliya, ee waxay ahayd inuu Weerar dareensiiyo inuusan raali ka ahayn in lagu ag arko dumarka uu dushaa sare ka ilaashanayo. Wuxuu haddaba yidhi:
· Weerarow ninkii kula jidh ah, baa lala jadheeyaa
· Ninkii jaahu kuu qabanayo, yaa lala jalbeebtaaye
· Jidba ma aha xoolaha inaad, wada jeclaataaye
· Jisha iyo aan Raabkaba la baxo, waa jaguugnimo
· Hasha jillica ah iyo qaalmahaad, wada jelleecayso
· War mid ku joogso layskuma darsado, laba jidhaamoode
Tanaan dagay………………………..
Weerar isla markiiba wuxuu gartay in Saahid uu ka xun yahay arrinta Bir-Xijaabta laga soo qaaday guriga iyo gurigii hore ee uu hadhsaday. Weerar wuxuu u qaatay in meesha ay ku jirto tolnimo ka badan tan caadiga ah (ilaalinta danta guud ee beesha).
Markaas, Weerar wuxuu ku jawaabay tix (gabay gaaban ama meerisyo) oo ay ka mid ahayd:
· Waxaan dhinaca kuu saaray, waa Dhuubadii hore e
· Dhididkii aan qardhaasaha baxshay, baad wada dhukaanteene
· War haddaba dhabbaha qaadayee, dhirifka qaar daaya.
Tanaan dagay………………………..
Ma dhama gabaygu intaas ayaan helnay.
Kaydintii: Akademiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed