Qoraalkan wuxuu iftiiminayaa xaalad muujinaysa heerka ay gaarsiisnayd sumcadda Abwaan Raage Ugaas Warfaa ee suugaanta dhexdeeda, xitaa marka la barbar dhigo ragga kale ee waqtigiisa noolaa.
Waxaa la wariyey in Abwaan Xirsi Boqon uu tixo gabay ah mariyey isagoo cawaysinaya ardaaga waqti fiidnimo ah. Waxaase la yaab noqotay markii ay tixihii maqashay haweeney uu qabay odaygii adeerkiis ahaa. Intay kor u soo baxday, ayay si toos ah ugu tidhi Xirsi, iyadoo si cad ugu duraysa gabayaanimadiisa: “War ama sida inanka Raage Ugaas u gabay ama carruurta ha iga toosinnee cawcawda iga daa.”
Hadalka haweeneydaas, oo ahayd qof ay isku dhaw yihiin, wuxuu noqday mid aad u xanuun badan oo Xirsi Boqon ka xumaaday oo uu qaadan waayey. Sababtu waxay ahayd in uu arkay in bal cid kale iska daayee, xitaa qofkii ugu dhowaa uu u qiri waayey gabayaanimadiisa, kuna eedeeyey in gabaygiisu uusan u dhigmin kan Raage Ugaas. Xanuunkaas darteed, Xirsi Boqon wuxuu isla goobtii ka mariyey tixdan hoose oo uu kaga jawaabayo caydaas. Ma nihin kuwo ka war haya in tixdu ay intan ka badnayd iyo in kale.
- Hadda Raage oday buu noqdoo, ka amar weynaaday
- Ardaydaan ka tagay buu ahaa, alif bilowgiiye
- Al-baqrana ma gaadhine hadduu, dhigan idaajaaye
- Halka Ina-Jadeer ka unkadaa, awrta loo rariye
- Aan ardaayo wada oodanee, waa inoo idhanka
Raage Ugaas ayaa tixdii gaadhay wuxuu kaga soo jawaabay gabay dheer oon hadda ka hayno halalkan hoose. Wuxuu ku lee yahay Xirsi war hooy wiilyahoow yaanay fardo isla kaa jiidhinee meel fadhiiso af iyo adin midna iguma gaadhidee.
Wuxuu yidhiRaage:
- Bus xaggaaya jiilaal balyaday, qaranka oo biifay
- Barin doog leh nayluhu gugay, baqalyo rooraane
- Baakiro tarkeed wow bishaa, laba bakuuroode
- Bintadii lahayd dhaan hadday, uga buseylayso
- Birisku biyaha ceel ma sido, mana baqool daayo
- Baaluqe ismood wiil hadduu, buuryo-goys yahaye
- Bisqinbaa nin weyn kugu dirtoon, biidna kuu tarine
- Shansho iyo baruuriyo hadduu, badhi wan weyn yeesho
- Baraar habartii loog kama baxshoo, gowrac kama baajo
- Buulalaydh maraakiibta waa, lagu bidhaanshaaye
- Intaan baxar sitiin kula galaan, kaaga soo bixiye
- Badda hooy ka joog moolka, yaa bahalo jiifaane
- Bi’i waaye Habar Yooniseey, baadidaa cesho
- …
Ina Jadeer oon jeclaysan gabayga Xirsi Boqon iyo soo qaadka uu magaciisa soo qaaday lana yaaban isku dhererinta uu Raage Ugaas isku dhereriyey ayaa isna tix kale oo aan ka hayno halalkan hoose tiriyey. Wuxuu yidhi:
- Adduunyadan inkaarta iyo ishiyo, aakhir saban joogta
- Â Ee aqalba aqalkuu u xiggay, ka ololaynaayo
- Â Ee ubax cadkeedii lumayee, obalasku uu muuqdo
- Â Ninka Awr u soo raranayaa, mid aan ogayn weey
Kaydintt: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed