Maansada Raage Ugaas Warfaa ma ahan oo kaliya mid ka hadasha jacaylka, murugada, iyo dagaalka, balse sidoo kale waxay si gaar ah u weynaysaa muhiimadda xoolaha qaaliga ah ee reer miyiga. Geeraarkan, Abwaanku wuxuu si heer sare ah ugu amaanayaa faraskiisii caanka ahaa, ee magaciisa la odhan jiray Walhad. Wuxuu Walhad ku timaamayaa tilmaamo qurux iyo geesinimo leh, isagoo muujinaya kalgacalka iyo qiimaha uu faraskaasi ugu fadhiyey. Raage wuxuu yidhi:

  • Geeraar waa nin wanaajiyo
  • Ninuu waraar kaga oodmiyo
  • Nin sidayda warkiisiyo
  • Wacdigiisa yagaanee
  • Walhadow faraskayga
  • Weedh yar oon ku amaanay
  • Wowga maan ka bilaabo
  • Gamaan waa kala waare
  • Weehadow orodkiisu
  • Wadhaf dayn lagaxooriyo
  • Taarka layska warqaadiyo
  • Ma wayeenka shukaantoo
  • Wanaag loogu qabtaa?
  • Weyraxow camalkiisuna
  • Waraab aan u kaxeeyo
  • Isagoon wada laacin
  • Anigoo wada mooyee
  • Ninkii haanta ka waabshiyo
  • Wallayskaa garabjoogaba
  • Widhiidhuu kudilaaye
  • Wiyil qoodh ah miyaa?
  • Weedhaan show dhakhsihiisuna
  • Ma wareega libaaxoo
  • Intuu neef ka wab siiyay
  • Wid hadii layidhaahdo
  • Wankallaadi u boodka
  • Dadka waabinayaa?
  • Werisow midabkiisuna
  • Cirka oo wadhanaayoo
  • Wahabkii laga qaadiyo
  • Wirriilaa aan caddaaniyo
  • Ma waagoo sagliyaa?
  • Meel waylaaqtan col joogoo
  • Warmaa laysku ridaayana
  • Wadnahaan ku kabaaye
  • Wiil uu Eebbe ku siiyiyo
  • Ma walaalkay rumaa?
  • Wajigiisa arsaaqduna
  • Wax haddaan ku eryaayo
  • Ma wadooyinka ceelkoo
  • Roobku aad u warmeeyiyo
  • Waadigoo rogmadaa?
  • Hadaan heega ku weedhan
  • Ka wareeji idhaahdana
  • Wajaquu ambadaaye
  • Madaxuu kor u waaliyo
  • Indhuhuu ka wig siiyey
  • Wiyic waayac curaaf iyo
  • Ma wax sheeg sixiraa?
  • Warran waaxyaha gooyiyo
  • Wayab qaarka madow iyo
  • Ridda soo widh-widhlaysiyo
  • Wajaafkeeda rasaastuu
  • I waydaarinayaayee
  • Ma wadaad layaqaanoo
  • Wanaagii arbacuunka
  • Waligiisba yaqiinoo
  • Wan intaad u qashay
  • Walduxaada quraankiyo
  • Walleyl kuu akhriyaa?
  • Dadka oo wada seexday
  • Hadaan ooda ka weecshana
  • Waddankaan ku shakaalo
  • Ma waydaaran yaqaanee
  • Ma wanaagsan gabdheedoo
  • Waalli kuu gogoshoo
  • Wareegaysa dushaadoo
  • Wacdigaad ku lahayd iyo
  • Waanadii aqbashaa?

Kaydintt: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo