Gabaygan murugada iyo xikmadda isugu jira waxaa la isugu keenay ilo kala duwan oo suugaanta laga ururiyo, oo ay ka mid yihiin cajalad uu duubay Yuusuf Colaad, iyo xog uu bixiyey abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) iyo kuwo kale.
Waa bilowgii sanadkii 2005-tii markii la helay qayb muhiim ah oo ka dhimanayd gabayga. Anigoo hore u haystay qayb ka mid ah oo aan ka qoray cajalad uu duubay Yuusuf Colaad, ayaan socdaal ku tagay magaalada Minneapolis, Maraykanka. Aniga iyo saaxiibkay waxaan tagnay meel Suuq Soomaaliyeed ah oo dukaamo badan ku yaallaan, waxaana ku leexannay makhaayad shaaha laga cabo. Waxaan halkaas kula kulannay Abwaan Maxamuud Singub oo shax ciyaaraya. Cabbaar markaanu ag fadhinay oo uu si weyn noo qosliyey, waxaan weydiinay, “Abwaan, bal wax nooga sheeg gabayada uu Raage Ugaas tiriyey?”
Gabaygan, ayuu Raage Ugaas ka tiriyey geeridii walaalkii, Ugaas Xuseen, oo ahaa tiir muhiim ah oo qoyskooda. Raage, isagoo jooga degmada Qoraxeey oo uu reerka gabadha ka qabo ay ina la yaal u yihiin, ayaa murugo darteed cunto diiday oo goosan kari waayey. Xaddiyo Nuur Yey, gabadhii uu qabay, ayaa u tagtay aabaheed oo u sheegtay in ninkeeda waxna uusan la hadlayn, dheef-na uu diiday. Odaygii, oo ahaa nin garasho iyo fahmo badan, ayaa gartay in Raage wax tabanayo. Gabadhii buu ku yidhi, “Ha ka tagine, kolba toosi oo isagaa hadli doonee, wuxuu ku hadlo iisoo sheeg.” Gabadhii ayaa taladii aabaheed yeelatay oo gurigii ku soo noqotay. Ugu dambayntii, Raage wuu fadhiistay oo wuxuu bilaabay inuu gabaygan mariyo, isagoo yidhi:
- Saldhadaan fadhiyey Faaraxow, la iga soo saarye
- Salka inuusan dhigin baa, adduun laga sugaayaaye
- Sidii surayo neef qali ayaan, suuqa taagnahaye
- Haddaan geed siyaab looga dhigin, saar ma joogsado e
- Suhra ma arko labadii indhood, nimay saruurmeene
- Shir sasabane guul saadambe ah, amase saakuuna
- Suxulkaa ka soo leef markuu, badowgu sooyaamo
- Raggii kala sabaalayn jiriyo, sayncaddaa madhaye
- Salaad loo danleeyahay ma ogi, si aan idhaahdaaye
- Anba saatan inay duniyi noqon, saabka kuma hayne
- Gablan samo adduun waa waxaan, kor u siyaadayne
- Sidka geelu waa labiyo toban, seben dhammaantiise
- Sacna caanihii waa intuu, sabadku buuxaaye
- Adhina waa sadqee lagama helo, seedda joomaha’e
- Sanduuqaan miftaaxii lahayn, waa surduban jaane
- Birta haddii uu soofuhu ka lumo, saawir bay noqone
- Gobannimo raggii sare ka tegey, waa siraad dameye
- Sooraale aar baa dhufsaday, sararihii Nuure
- Saratoosiyaa Aadan cunay, siqigii dheeraaye
- Soonkii kal horre Yuusuf baan, siigadii dhigaye
- San yaraan hagoogtiisa siday, laba sabaanoode
- Sahal bay ahaayeen raggaan, saa u leeyahaye
- Maantaa salaankii u jabay, Samatar Fooljeexe
- Sarsar igu bannaanaa mus iyo, sud igu deyrrayde
- Nin sirsiraad ka damay wuxuu shitaa, sooma xaabadiye
- Soo jeedahaan ku hurdi jiray, sulubkii geeryooye
- Wax badan baa siddii siiqa webi, saa naloo wadaye
- Boqorkaan saf iyo fara lahayn, waa sakaar adhiye
- Dhaaxaan salaamiyo ahayn, saafi nabadeede
- Gablan samo adduun waa waxaan, kor u siyaadayne
- Sabca saynabkii Adariyo, timirtii reer Saaxil
- Burka iyo sareenkaad ku dubi, saanta dabadeeda
- Sudna igama gelin dhuunigaad, soo dey leedahaye
- Sengihii xiniiyaha la jaray, yaan sidii ahaye
- Sikac oo igala baydh, soo noqnoqodkaaga
- Iga seexo surin layhayo, yaan seedi kaa gu’ine
- Ha i siinin soortii shiflaa, lagu sadaadaaye
- Ama saadanimadii haween, saacadba i toosiÂ
Kaydintt: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed