Gabaygan soo socda wuxuu ka mid yahay tixaha ka dhashay is-jiid-jiidkii iyo xafiiltankii suugaaneed ee ka dhex jiray Abwaan Raage Ugaas Warfaa iyo Xirsi Boqon, kaas oo hore loogu xusay bogga ‘Bi’i Waaye’. Xirsi Boqon wuxuu caado ka dhigtay inuu si joogto ah u durayo shakhsiyadda iyo maamuuska Raage, isagoo gabay ku sheeg ah u soo dirayay, golayaasha dadkana ku af-lagaadeynayay mar kasta oo uu helo cid dhegaysata.
Maalin maalmaha ka mid ah, waxaa Raage soo gaadhay war sheegaya in Xirsi ku aflagaadeeyey shirweyne. Inta uusan Xirsi hadalkiisa wax ka qaban, Raage wuxuu weydiiyay, “Shirkaa nin Daarood ahi ma joogay?” Waxaa loogu jawaabay in ay meesha marayeen niman Siwaaqroon ah. Markii uu Raage weydiiyay jawaabta ay ka bixiyeen aflagaadadaas, waxaa lagu wargeliyey in aanay waxba ka odhan. Raage Ugaas arrintan aad ayuu uga xumaaday, mana ahayn in uu Xirsi hadalkiisa xaalayo ee wuxuu dhibsaday in ninkii ugu magac-dheeraa uguna maamuuska badnaa beesha Daarood lagu jaa’ifo, iyadoo niman Daarood ahi ay goobjoog ka ahaayeen, ayna ka gaabsadeen difaac iyo hadal wax looga qabto arrinta. Xanuunkaas darteed, Raage ayaa tiriyey gabaygan si uu u muujiyo qoomamadaas iyo tabashada sharafta:
1. β¦
2. Subxaanyaduba waa halaq hadday surin maraysaaye
4. Senti-taano waa lacag hadday saaran tahay miise
5. Saratoosiyuhu waa wax weyn waana haad suga e
6. Sambab waa cad weyn oo kuyaal sarara hoostoode
7. Sooxaari waa timir Barni yaysan saakumine
8. Siin iyo dhareer waa candhuuf waana shay si ahe
9. Siwaaqroonba waa niman hadday socoto Xaafuune
9. Subeer Maxamed, Siin Waaq, Bah Geri, Habar Siciid oo dhan
10. Saddexdii Harti iyo looma tegin Sade Mareexaane
11. Daarood silsiladiisa kore ayaan laysa soo sudhine
12. Saaxiibkayow ma anigaa suqayar lay mooday?
13. Mise wiilku wuu salal-anbaday Siiyahay magane?
14. ….
15. Surgin baan ku jiriqsiin lahaa sidii sagaareede
16. Sanduuqbaan ku aabudhi lahaa soomadaaye ahe
17. Samo aabahaa falay baryaad sado ku maashaaye
18. Samaanteeda Habaryoonis baan salax rogaayaaye
19. Caku reer Suldaan Diiriye iyo Sugulle Caynaashe
20. …
Meerisyadan dambe, Abwaanku wuxuu si xeel dheer u caddeynayaa inuu gabaygan ku daray dulqaad iyo xushmad, taas oo salka ku haysa xiriir taariikhi ah. Wuxuu tilmaamayaa xidhiidh wanaagsan oo ka dhaxayn jiray Reer Sugulle iyo Habar-Yoonis dhinac ah, iyo Raage Ugaas iyo qoyskiisa Reer Ugaas Warfaa oo dhinaca kale ah.
Taariikhda ayaa xustay in Raage Ugaas, isagoo carruur yar ah, uu ka habaabay reerkooda, dabadeedna uu ka duldhacay Reer Suldaan Diiriye oo ka mid ah Habar-Yoonis. Reer Suldaan Diiriye waxay Raage hayeen muddo, si wanaagsanna ula dhaqmeen, ilaa markii dambe ay Reer Ugaas Warfaa ciidan u soo direen, si loogu soo celiyo.
Sidaas ayeyna isku barteen, kuna dhismeen saaxiibtinimo iyo xushmad dhab ah oo ka dhaxaysa Raage Ugaas Warfaa iyo Reer Suldaan Diiriye. Halkaa ayuu ku daaran yahay qowlka caanka ah ee uu ka midka dhigay gabaygan, kaas oo ah: “Samo aabahaa falo, beryaaad sado ku maashaaye”. Macnahaas qoto-dheer ee Raage uu ugu cabbirayo dareenkiisa wuxuu ahaa: ‘Waxaan xushmad iyo ixtiraam u hayaa Habar-Yoonis iyo Reer Suldaan Diiriye oo muddo hore wanaag ii galay. Haddii aanay xushmadaasi jirin, af-weynta wax iga sheegay muddo hore ayaan kala goyn lahaa oo si adag uga jawaabi lahaa’.
Soo dhamaystir gabaygan haddii aad awoodo ama garanayso meel laga heli karo, fadlan…