Haddaad soo jeedi lahayd
Sir baan ku sheegi lahaa
Naftaada samri lahaad
Si weyn baad u xiisen lahayd
Hadaad ila sidi lahyad
Naftana ila sabi lahyad
Suntey dadku sheegayaan
Dartaa saw uma cabeen
Sidaan ahayba anigu
Waa sidaad igu ogayde
Maxaa sibadalay agtaada
Siddan maad ahaan jirrine
Sow taad wanaagsanayd
Dushaada igu siddatay
Saxariir na ila necbbayd
Siyar igu dhaga nuglayd
Dareenkaad suuqa geysay
Qalbiga ka siisay ruux kale
Sowdartaa ceshkiii Saniige
layguma siin wacaneey
Sidaan kuugu xiisay
Sidee kuugu sheega
Sadrigayga iyo laabtu
Sidaay kuu tabaayan
Sidee kuugu sheega
Saablaydiyo beerkuba
Suubbaneey aragaga
Siday uugu xiiseen
Sidaan kuugu sheega
Sowdkaaga oo qudhaa
Saxariirka caashaqa
dhibtiisaba suuliyee
Sida aan u tabaayo
Sidee kuugu sheega
Wadnahaygan ku sugaaya
habeen walba ku sadaasha
Siduu kuu tabaayo
Sidaan kuugu sheega
Naftan aan sasabaayo
Suubbaneey ku doonaysa
Wehelkaaga sugaysaa
Siday kuugu han weyntahay
Sidaan kuu sheegaa
Dareenkay suuqa geysay
Dalaalku meequu ka siiyey
Cishqigay waabayda siisay
Nasteexo miyuu ku seexshay
Goaankay sahal ku gaadhay
Nafbuu salbadee usheega
Soortii ka jaree usheega
Sariir dul dhigee usheega
Sugaan buu weheshadaa dheh
Xasuus buu sahayadaad dheh
Laylkuu soo salalayaa dheh
Jawaab buu kaa sugaa dheh
Sawaab buu noqday darta dheh
Sawirkaaguu sitaa dheh
Wuxu sugaa codkaa dheh
Subax uun soo salaan dheh…….
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed