“Waxaa la sheegay in Ugaas Xaashi, oo ahaa ugaaskii xukumi jiray deegaanka Qorraxay, uu Qamaan Bulxan ku yiri: ‘Qamaan, Reer Xandulle sadada (canshuurta) kasoo uruuri.’
Waa la ogyahay in Reer Xandulle uu ahaa jilibka uu hoose ee uu Qamaan ka dhashay, halka sadaduna ay ahayd xoolo loo qaadi jiray Ugaaska iyo maamulkiisa si loogu dhaqaaleeyo.
Qamaan wuxuu si geesinimo leh ugu jawaabay: ‘Ugaas, qaybtaydii waa tan. Reer Xandullena adigaa Ugaas u ah, ee ciidan sadada kasoo uruuriya u dir.’
Ugaas Xaashi wuxuu u qaatay in jawaabta Qamaan ay xambaarsan tahay diidmo iyo kibir, taas oo ka careysiisay. Natiijadii, wuxuu Qamaan u taxaabay xabsiga.
Qamaan, oo aan ka yeelin in si aan cadaalad ahayn loola dhaqmo ama xukunka Ugaaska uu ku dul xad gudbo tolkiisa hoose, ayaa isagoo xaaladdaas ku jira gabeygan colaadeed ee murtida badan mariyey.
Iyadoo aan colaadda xoogga saarayn, waxaan gabayga ku xasilineynaa murtida iyo duruusta ku duugan:
Wuxuu yiri:
Gartay weeye inaan Maxamedow, galangalceeyaaye
Garanmaayo gegidaan hurdee, gogol la’aaneede
Goor iyo ayaan waxaan jiraa, gooxa dibadeede
Gankii Caamir baan ahay asaan, go’inin waagiiye
Waxaa ila gudboon ciil inaan, gag u idhaahdaaye
Sidii goodir guul ooman iyo, gebogebow jooga
Ama giiryar oo labo qaddoo, gamashi kaynaana
Ama guuto soo bixitintoo cido, ku guuraysa
Ama roob gudgude oo saqdhexe, galo biyeynaaya
Ama goray gabnihii laga qabtoo, ganid ka yaabaaya
Ama naag ninkeedii go’oo, gocosha ooyeysa
Ama aar intuu reer gondolay, miciyo weyn geystay
Ama faras mirtuu goosan jiray, xadhiga loo gaabshay
Ama gaadhkii laga hayn jiriyo, gaardigii Maxamed[2]
Ama ceel galloobey oo qodada, lagu garaacaayo
Arrin igu gardaadaan jifida, gawda ku hayaaye
Birtay iga gasheen bay minjuhu, ila gariiraane
Mase gaasa-bixin oo ninkaa, gaambin baan ahaye
Galaal xoorka way ila qabaan, gebi Bah Gaalaade[3]
Kuwii boqorka gaafa u lahaa ima, gol dhaamaane
Geed iyo guddooniyo gambare, waw gudboonahaye
Anoo madiya libintaan gasbado, way garaad li’iye
Haddayse gacani waa jeer dambee, godob walaal raadin
Barkhadleba gubney wada dhasheen, guul ku odhan waaye
Arbow Caafi galabbaan ciyaar, guduri hiigeene
Gaashaanna waad wada qabtaan, gaaska Reer Cumare
Cabdi Kaahin gaar kama noqdeen, guudka xaajada e
Gar ma marinin guuyana ma siin, mana garaabayne
Goodaado dhexe bay baryeen, gaankii Reer Dalale
Kuwaasaana iila giir adkaa, garashadaydiiye
Bal maxay la gabangaabsadeen waa, hal gudo weyne?
Haddoon laba galloobiyo anoo, gabana oo wiila
Intaasaan xaqood gudi lahaa, gooshigii da’a e
Eeggana gadhkiyo xaaddu way, galayaxoobeene
Farow gaabta wixii bataa, geel bariis noqoye???
Reer Magan ha kala geed hadhsado, layla garan waaye
Ha gadooto oo yaan shamsadu, giirka ka caddaanin
Gabbal yuusan dhicin waana baryin, gooriyo ayaane
            Ha lays galo ninbaa gudin la dhacay, geed qudhaanjo lehe…
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed