Qamaan Bulxan ayaa geeraarkan hoose mariyey isagoo guubaabinaya tolkii iyo dadkii la socday. Wuxuu ku dhiirigelinayay inay weerar qabac ka siiyaan (si lama filaan ah ugu qaadaan) kooxdii qabsatay xaaskiisa.

Ujeeddadu waxay ahayd inay gacanta soo qabsadaan afadii laga dhacay (Barni) oo ay dib u hantaan.

Wuxuu yiri:

  • Nin tolkii qiiro beelay,     
  •  Oo afadii laga qaaday
  • Qunyar loola dhaqaaqay    
  • Barqo wiil qolqol gaystay
  • Qaawiyoo la ciyaaray           
  • Ma ceeb noo qalantaa?
  • Haddii layna qarmaystoo,  
  •  Qoysba meel lala aaday
  • Ma indhahaan qabsanaa?
  • Qoryahaan iyo xoogu
  • Ma kuwaan shay qabanbaa?
  • Raggaan qoodhaha waynlee
  • Xaasaskii laga qaaday
  • Bari sow la qashee
  • Asaagood ka qaxee
  • Quwaddiinna qarsoon iyo,
  • Maad rag qiiro tustaan?
  • Qalabka maad gurataanoo,
  • Barni soo qabataan!!

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo