Qamaan Bulxan ayaa in muddo ah aamusay oo hadal laga waayey, isagoo ka xun xaaladda xaaskiisa Barni oo lagu sheegay inay nin kale la socoto iyadoo aan isaga la fasaqin (furin) ama uusan dhiman. Xaaladdu waxay ahayd mid aad ugu adkayd.
Markii ay nimankii ilmo-adeerradii ahaa arkeen aamusnaantiisa, waxay weydiiyeen: “Qamaanow, maxaad u aamustay?”
Wuxuu ku jawaabay tixdan murugada leh, oo ka mid ah gabayadii caanka ahaa ee uu u tiriyey Barni:
- Lix hal maansadaan tirin lahaa, yaan isaga meershay
- Mufti culimo sheekh lagu mintido, oo xaq kala miira
- Oo jeer dhawayd magac lahaa, amase maamuus
- Masala gaabka maagan ee qarsoon, yaan isaga meershay
- Anoon mariintideedii dacniyin, meel fogna aan joogin
- Naag meher qabtaa waa mubaax, macallinkii keenay
- Dadka maatidaa u kala jirtay oon, muran ka oognayne
- Haddiise haatan lays kaga maljaday, murug adduunkiiye
- Muslinoow bal arag xaajadaa, laysku malaq siiyey
- Â
- Maadhiinka buuxa iyo intay, midigtu laabmayso
- Haddaan midhaha Reer Magan Warfaa, magacu duugoobin
- Rabbi boow markhaati ah inay, miir la dhici doone
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed